حمٓ ١
Hā Mīm
1. Xaa Miim.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
حمٓ ١
Hā Mīm
1. Xaa Miim.
عٓسٓقٓ ٢
'Ayn Sīn Qāf
2. Cayn Siin Qaaf 1.
كَذَٰلِكَ يُوحِيٓ إِلَيۡكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكَ ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٣
Kadhālika yūhī ilayka wa ilal-ladhīna min qablikallāhul-'azīzul-hakīm
3. Sidaasuu Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa siduu ugu (waxyoodayba Nabiyadii) kaa horreeyay.
لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡعَظِيمُ ٤
Lahū mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wahuwal-'aliyyul-'azīm
4. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Sarreeyaha, Weyn.
تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرۡنَ مِن فَوۡقِهِنَّۚ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَيَسۡتَغۡفِرُونَ لِمَن فِي ٱلۡأَرۡضِۗ أَلَآ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ٥
Takādus-samāwātu yatafattarna min fawqihinna wal-malā'ikatu yusabbihūna bihamdi rabbihim wayastaghfirūna liman fil-ardi alā innallāha huwal-ghafūrur-rahīm
5. Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan 2, malaa’igtuna waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood, una weydiiyaan denbi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَ ٱللَّهُ حَفِيظٌ عَلَيۡهِمۡ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِوَكِيلٖ ٦
Walladhīnat-takhadhū min dūnihī awliyā'allāhu hafīzun 'alayhim wamā anta 'alayhim biwakīl
6. Kuwase yeesha Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan), Alle baa u jeeda oo dhowraya, adiguna kama tihid wakiil.
وَكَذَٰلِكَ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّتُنذِرَ أُمَّ ٱلۡقُرَىٰ وَمَنۡ حَوۡلَهَا وَتُنذِرَ يَوۡمَ ٱلۡجَمۡعِ لَا رَيۡبَ فِيهِۚ فَرِيقٞ فِي ٱلۡجَنَّةِ وَفَرِيقٞ فِي ٱلسَّعِيرِ ٧
Wakadhālika awhaynā ilayka qur'ānan 'arabiyyal litundhira ummal-qurā waman hawlahā watundhira yawmal-jam'i lā rayba fīhi farīqun fil-jannati wafarīqun fis-sa'īr
7. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareerahee- da ah 3, iyo inaad ka digto Maalinta Kulanka (Qiyaamada) ee uusan ku jirin shaki, koox waxay gali Janno, kooxna Naar huraysa.
وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَهُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَلَٰكِن يُدۡخِلُ مَن يَشَآءُ فِي رَحۡمَتِهِۦۚ وَٱلظَّٰلِمُونَ مَا لَهُم مِّن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٍ ٨
Walaw shā'allāhu laja'alahum ummatan wāhidatan walākin yudkhilu man yashā'u fī rahmatihī waz-zālimūna mā lahum min waliyyin walā nasīr
8. Hadduu doono Alle, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, wuxuuse geliyaa cidduu doono Naxariistiisa 4. Daalimiintu ma leh sokeeye iyo gargaare midna.
أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَۖ فَٱللَّهُ هُوَ ٱلۡوَلِيُّ وَهُوَ يُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ ٩
Amit-takhadhū min dūnihī awliyā'a fallāhu huwal-waliyyu wahuwa yuhyil-mawtā wahuwa 'alā kulli shay'in qadīr
9. Mise waxay yeesheen Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan)? Allaah baase ah Waliga (Sokeeyaha iyo Gargaaraha dhabta ah), Isagaana nooleeya maytida, Isagaana wax walba Kara.
وَمَا ٱخۡتَلَفۡتُمۡ فِيهِ مِن شَيۡءٖ فَحُكۡمُهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبِّي عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُ وَإِلَيۡهِ أُنِيبُ ١٠
Wamakhtalaftum fīhi min shay'in fahukmuhū ilallāhi dhālikumullāhu rabbī 'alayhi tawakkaltu wa ilayhi unīb
10. Waxaad isku khilaaftaan oo wuxuun ah go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana u noqdaa 5.
فَاطِرُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ أَزۡوَٰجٗا يَذۡرَؤُكُمۡ فِيهِۚ لَيۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَيۡءٞۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ ١١
Fātirus-samāwāti wal-ardi ja'ala lakum min anfusikum azwājan waminal-an'āmi azwājan yadhra'ukum fīhi laysa kamithlihī shay'un wahuwas-samī'ul-basīr
11. (Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna noocyo (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) noocyo. Sidaasuu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah 6, waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
لَهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ ١٢
Lahū maqālīdus-samāwāti wal-ardi yabsutur-rizqa liman yashā'u wayaqdiru innahū bikulli shay'in 'alīm
12. (Alle) baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasiciyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), wax walbana (Alle) wuu Og yahay.
۞ شَرَعَ لَكُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا وَصَّىٰ بِهِۦ نُوحٗا وَٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ وَمَا وَصَّيۡنَا بِهِۦٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَىٰٓۖ أَنۡ أَقِيمُواْ ٱلدِّينَ وَلَا تَتَفَرَّقُواْ فِيهِۚ كَبُرَ عَلَى ٱلۡمُشۡرِكِينَ مَا تَدۡعُوهُمۡ إِلَيۡهِۚ ٱللَّهُ يَجۡتَبِيٓ إِلَيۡهِ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِيٓ إِلَيۡهِ مَن يُنِيبُ ١٣
Shara'a lakum minad-dīni mā wassā bihī nūhan walladhī awhaynā ilayka wamā wassaynā bihī ibrāhīma wamūsā wa'īsā an aqīmud-dīna walā tatafarraqū fīhi kabura 'alal-mushrikīna mā tad'ūhum ilayhillāhu yajtabī ilayhi man yashā'u wayahdī ilayhi man yunīb
13. Wuxuu idiin jideeyey xagga diinta wuxuu u dardaarmay Nuux, iyo waxaan kuu waxyoonnay, iyo waxaan u dardaarannay Ibraahiim, Muuse, iyo Ciise: Inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsamin. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaad (Towxiidka) aad ugu yeedhaan. Alle wuxuu u doortaa Xaggiiisa qofkuu doono, wuxuuna u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya (xusid iyo tawbad ahaan).
وَمَا تَفَرَّقُوٓاْ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى لَّقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُورِثُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُ مُرِيبٖ ١٤
Wamā tafarraqū illā mim ba'di mā jā'ahumul-'ilmu baghyā baynahum walawlā kalimatun sabaqat mir rabbika ilā ajalim musammal laqudiya baynahum wa innal-ladhīna ūrithul-kitāba mim ba'dihim lafī shakkim minhu murīb
14. Ma ay noqon kuwo kala qaybsan (xagga diinta) markuu u yimid cilmiga kaddib mahee xasad darti dhexdooda ah. Haddii aysan jirteenna Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah (in lala sugo Qiyaamada), waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Kuwana la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib (Yuhuudda iyo Nasaarada) shaki weyn bay ka qabaan (diinta).
فَلِذَٰلِكَ فَٱدۡعُۖ وَٱسۡتَقِمۡ كَمَآ أُمِرۡتَۖ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَهُمۡۖ وَقُلۡ ءَامَنتُ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِن كِتَٰبٖۖ وَأُمِرۡتُ لِأَعۡدِلَ بَيۡنَكُمُۖ ٱللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمۡۖ لَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡۖ لَا حُجَّةَ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمُۖ ٱللَّهُ يَجۡمَعُ بَيۡنَنَاۖ وَإِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ ١٥
Falidhālika fad'u wastaqim kamā umirta walā tattabi' ahwā'ahum waqul āmantu bimā anzalallāhu min kitābin wa umirtu li a'dila baynakumullāhu rabbunā warabbukum lanā a'mālunā walakum a'mālukum lā hujjata baynanā wabaynakumullāhu yajma'u baynanā wa ilayhil-masīr
15. Arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amray 7, hana raacin hawadooda (xun) oo dheh: Waxaan rumeynay wuxuu Alle soo dejiyey oo Kitaab ah, waxaana la i amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaan mudan acmaashayada idinkuna waxaad mudan acmaashiinna 8, xujo (hadda) inama dhex taallo 9. Allaah baa ina soo kulmin innagoo dhan, waana Xaggiisa meel noqodka dambe.
وَٱلَّذِينَ يُحَآجُّونَ فِي ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا ٱسۡتُجِيبَ لَهُۥ حُجَّتُهُمۡ دَاحِضَةٌ عِندَ رَبِّهِمۡ وَعَلَيۡهِمۡ غَضَبٞ وَلَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٌ ١٦
Walladhīna yuhājjūna fillāhi mim ba'di mastujība lahū hujjatuhum dāhidatun 'inda rabbihim wa'alayhim ghadabun walahum 'adhābun shadīd
16. Kuwa ka dooda Arrinka Alle inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti 10, dushoodana Cadho (Alle) baa ah, waxayna leeyihiin Cadaab Daran.
ٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ وَٱلۡمِيزَانَۗ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ قَرِيبٞ ١٧
Allāhul-ladhī anzalal-kitāba bil-haqqi wal-mīzāna wamā yudrīka la'allas-sā'ata qarīb
17. Alle waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq iyo Miisaanka (caddaaladda). Maxaa ku ogeysiin waa intaasoo Saacadda 'Qiyaame' Dhowdahay?
يَسۡتَعۡجِلُ بِهَا ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِهَاۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مُشۡفِقُونَ مِنۡهَا وَيَعۡلَمُونَ أَنَّهَا ٱلۡحَقُّۗ أَلَآ إِنَّ ٱلَّذِينَ يُمَارُونَ فِي ٱلسَّاعَةِ لَفِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٍ ١٨
Yasta'jilu bihal-ladhīna lā yu'minūna bihā walladhīna āmanū mushfiqūna minhā waya'lamūna annahal-haqqu alā innal-ladhīna yumārūna fis-sā'ati lafī dalāli ba'īd
18. Kuwa aan rumeysneyn baa degdegsa- da 11, halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan, waxayna og yihiin inay tahay Xaq. Kuwa uga doodana si gurracan arrinka Saacadda 'Qiyaame' waxay ku sugan yihiin habow fog.
ٱللَّهُ لَطِيفُۢ بِعِبَادِهِۦ يَرۡزُقُ مَن يَشَآءُۖ وَهُوَ ٱلۡقَوِيُّ ٱلۡعَزِيزُ ١٩
Allāhu latīfu bi'ibādihī yarzuqu man yashā'u wahuwal-qawiyyul-'azīz
19. Alle waa u Roon yahay addoomahiisa. Wuxuu irsaaqaa cidduu doono, waana Xoog Badanaha, Adkaadaha ah.
مَن كَانَ يُرِيدُ حَرۡثَ ٱلۡأٓخِرَةِ نَزِدۡ لَهُۥ فِي حَرۡثِهِۦۖ وَمَن كَانَ يُرِيدُ حَرۡثَ ٱلدُّنۡيَا نُؤۡتِهِۦ مِنۡهَا وَمَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِن نَّصِيبٍ ٢٠
Man kāna yurīdu harthal-ākhirati nazid lahū fī harthihī waman kāna yurīdu harthad-dunyā nu'tihī minhā wamā lahū fil-ākhirati min nasīb
20. Qofkii rabaa dalagga (kasabka iyo ajarka) Aakhiro, waan u kordhinnaa dallagiisa (ajarkiisa), Qofkiise raba dalag (kasab) adduunyo wax baan ka siinnaa, Aakhiradana kuma laha wax saami ah.
أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَٰٓؤُاْ شَرَعُواْ لَهُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا لَمۡ يَأۡذَنۢ بِهِ ٱللَّهُۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةُ ٱلۡفَصۡلِ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۗ وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ٢١
Am lahum shurakā'u shara'ū lahum minad-dīni mā lam ya'dham bihillāhu walawlā kalimatul-fasli laqudiya baynahum wa innaz-zālimīna lahum 'adhābun alīm
21. Mise waxay leeyihiin shurako (ilaahyo) u jideeyey diin uusan Alle idmin. Haddayna jirin Kelmedda kala bixinta (Qiyaamada in lala sugo oo dib loogu dhigo cadaabka), waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Daalimiintu waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaame) cadaab xanuun badan.
تَرَى ٱلظَّٰلِمِينَ مُشۡفِقِينَ مِمَّا كَسَبُواْ وَهُوَ وَاقِعُۢ بِهِمۡۗ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فِي رَوۡضَاتِ ٱلۡجَنَّاتِۖ لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمۡۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡكَبِيرُ ٢٢
Taraz-zālimīna mushfiqīna mimmā kasabū wahuwa wāqi'u bihim walladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti fī rawdātil-jannāti lahum mā yashā'ūna 'inda rabbihim dhālika huwal-fadlul-kabīr
22. Waxaad arki daalimiinta oo cabsi ka buuxdo waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), wuuna ku dhici iyaga, kuwase (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn.
ذَٰلِكَ ٱلَّذِي يُبَشِّرُ ٱللَّهُ عِبَادَهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِۗ قُل لَّآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ أَجۡرًا إِلَّا ٱلۡمَوَدَّةَ فِي ٱلۡقُرۡبَىٰۗ وَمَن يَقۡتَرِفۡ حَسَنَةٗ نَّزِدۡ لَهُۥ فِيهَا حُسۡنًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ شَكُورٌ ٢٣
Dhālikal-ladhī yubasshirullāhu 'ibādahul-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti qul lā as'alukum 'alayhi ajran illal-mawaddata fil-qurbā waman yaqtarif hasanatan nazid lahū fīhā husnan innallāha ghafūrun shakūr
23. (Arrin)kaasi waa waxa uu Alle ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Dheh: Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn kalgacal qaraabannimo. Qofkii kasbada wanaagna waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.
أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗاۖ فَإِن يَشَإِ ٱللَّهُ يَخۡتِمۡ عَلَىٰ قَلۡبِكَۗ وَيَمۡحُ ٱللَّهُ ٱلۡبَٰطِلَ وَيُحِقُّ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ٢٤
Am yaqūlūnaftarā 'alallāhi kadhiban fa in yasha'illāhu yakhtim 'alā qalbika wayamhullāhul-bātila wayuhiqqul-haqqa bikalimātihī innahū 'alīmu bidhātis-sudūr
24. Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Alle? Hadduu doono Alle, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga 12. Alle wuu tirtiri baadilka, kuna sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
وَهُوَ ٱلَّذِي يَقۡبَلُ ٱلتَّوۡبَةَ عَنۡ عِبَادِهِۦ وَيَعۡفُواْ عَنِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ وَيَعۡلَمُ مَا تَفۡعَلُونَ ٢٥
Wahuwal-ladhī yaqbalut-tawbata 'an 'ibādihī waya'fū 'anis-sayyi'āti waya'lamu mā taf'alūn
25. (Alle) waa Kan ka aqbala tawbada addoomahiisa ee cafiya denbiyada, wuuna Og yahay waxaad fashaan.
وَيَسۡتَجِيبُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضۡلِهِۦۚ وَٱلۡكَٰفِرُونَ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞ ٢٦
Wayastajībul-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti wayazīduhum min fadlihī wal-kāfirūna lahum 'adhābun shadīd
26. Wuxuu (Alle) ajiibaa kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Gaaladuse waxay leeyihiin Cadaab Daran.
۞ وَلَوۡ بَسَطَ ٱللَّهُ ٱلرِّزۡقَ لِعِبَادِهِۦ لَبَغَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَٰكِن يُنَزِّلُ بِقَدَرٖ مَّا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرُۢ بَصِيرٞ ٢٧
Walaw basatallāhur-rizqa li'ibādihī labaghaw fil-ardi walākin yunazzilu biqadarim mā yashā'u innahū bi'ibādihī khabīru basīr
27. Hadduu Alle u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay ku qooqi lahaayeen arlada, Wuxuuse u soo dejiyaa qaddar waafaqsan siduu rabo. Alle addoomahiisa waa u Xog ogaal, Arkaa.
وَهُوَ ٱلَّذِي يُنَزِّلُ ٱلۡغَيۡثَ مِنۢ بَعۡدِ مَا قَنَطُواْ وَيَنشُرُ رَحۡمَتَهُۥۚ وَهُوَ ٱلۡوَلِيُّ ٱلۡحَمِيدُ ٢٨
Wahuwal-ladhī yunazzilul-ghaytha mim ba'di mā qanatū wayanshuru rahmatahū wahuwal-waliyyul-hamīd
28. (Alle) waa Kan soo dejiya roobka kaddib markay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa. Waa Isaga Gargaaraha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo.
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ خَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَثَّ فِيهِمَا مِن دَآبَّةٖۚ وَهُوَ عَلَىٰ جَمۡعِهِمۡ إِذَا يَشَآءُ قَدِيرٞ ٢٩
Wamin āyātihī khalqus-samāwāti wal-ardi wamā battha fīhimā min dābbatin wahuwa 'alā jam'ihim idhā yashā'u qadīr
29. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa (muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) abuurista samooyinka iyo arlada iyo wuxuu ku fidiyey (abuuray) dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Alle inuu soo kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu Karaa.
وَمَآ أَصَٰبَكُم مِّن مُّصِيبَةٖ فَبِمَا كَسَبَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَيَعۡفُواْ عَن كَثِيرٖ ٣٠
Wamā asābakum mim musībatin fabimā kasabat aydīkum waya'fū 'an kathīr
30. Wixii idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay kasbadeen gacmiihiinnu (oo denbiyo ah), Wuxuuna (Alle) idinka cafiyaa wax badan.
وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ ٣١
Wamā antum bimu'jizīna fil-ardi wamā lakum min dūnillāhi min waliyyin walā nasīr
31. Kuma baxsan kartaan dhulka, mana lihidin Alle ka sokow ilaaliye iyo gargaare midna.
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلۡجَوَارِ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ ٣٢
Wamin āyātihil-jawāri fil-bahri kal-a'lām
32. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka Alle doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah.
إِن يَشَأۡ يُسۡكِنِ ٱلرِّيحَ فَيَظۡلَلۡنَ رَوَاكِدَ عَلَىٰ ظَهۡرِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٍ ٣٣
In yasha' yuskinir-rīha fayazlalna rawākida 'alā zahrihī inna fī dhālika la'āyātil likulli sabbārin shakūr
33. Hadduu doono, Wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) dabeysha, markaasay fadhiistaan biyaha korkooda. Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan.
أَوۡ يُوبِقۡهُنَّ بِمَا كَسَبُواْ وَيَعۡفُ عَن كَثِيرٖ ٣٤
Aw yūbiqhunna bimā kasabū waya'fu 'an kathīr
34. Ama waa intaasoo uu u halligo 13 waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), wax badanna (Alle) wuu ka cafiyaa.
وَيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٖ ٣٥
Waya'lamal-ladhīna yujādilūna fī āyātinā mā lahum mim mahīs
35. Waxayna ogaan kuwa ka dooda Aayadahayaga inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan.
فَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَيۡءٖ فَمَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ ٣٦
Famā ūtītum min shay'in famatā'ul-hayawātid-dunyā wamā 'indallāhi khayrun wa abqā lilladhīna āmanū wa'alā rabbihim yatawakkalūn
36. Wixii la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Alle agtiisa ah baa u khayr badan oo daa’insan kuwa (Xaqa) rumeysan ee Rabbigood tala saarta.
وَٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ وَإِذَا مَا غَضِبُواْ هُمۡ يَغۡفِرُونَ ٣٧
Walladhīna yajtanibūna kabā'iral-ithmi wal-fawāhisha wa idhā mā ghadibū hum yaghfirūn
37. Ee ah kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, markay cadhoodaanna wax iska cafiya.
وَٱلَّذِينَ ٱسۡتَجَابُواْ لِرَبِّهِمۡ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَمۡرُهُمۡ شُورَىٰ بَيۡنَهُمۡ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ ٣٨
Walladhīnastajābū lirabbihim wa aqāmus-salawāta wa amruhum shūrā baynahum wamimmā razaqnāhum yunfiqūn
38. Ee ah kuwa ajiiba Rabbigood oo ooga salaadda, xukunkooduna wada tashi yahay dhexdooda, waxaan ku irsaaqnayna wax ka bixiya.
وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَابَهُمُ ٱلۡبَغۡيُ هُمۡ يَنتَصِرُونَ ٣٩
Walladhīna idhā asābahumul-baghyu hum yantasirūn
39. Ee ah kuwa marka la dulmiyo is difaaca 14 'xad gudub la'aan'.
وَجَزَٰٓؤُاْ سَيِّئَةٖ سَيِّئَةٞ مِّثۡلُهَاۖ فَمَنۡ عَفَا وَأَصۡلَحَ فَأَجۡرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلظَّٰلِمِينَ ٤٠
Wajazā'u sayyi'atin sayyi'atum mithluhā faman 'afā wa aslaha fa ajruhū 'alallāhi innahū lā yuhibbuz-zālimīn
40. Abaalka hal xume waa xume la mid ah, qofkii se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli ajarkiisa xagga Alle. Hubaal Alle ma uu jecla daalimiinta (gar diidka).
وَلَمَنِ ٱنتَصَرَ بَعۡدَ ظُلۡمِهِۦ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَا عَلَيۡهِم مِّن سَبِيلٍ ٤١
Walamanintasara ba'da zulmihī fa ulā'ika mā 'alayhim min sabīl
41. Qofkii is difaaca kaddib marka la dulmiyey, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo).
إِنَّمَا ٱلسَّبِيلُ عَلَى ٱلَّذِينَ يَظۡلِمُونَ ٱلنَّاسَ وَيَبۡغُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ٤٢
Innamas-sabīlu 'alal-ladhīna yazlimūnan-nāsa wayabghūna fil-ardi bighayril-haqqi ulā'ika lahum 'adhābun alīm
42. Waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwa dulmiya dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaamaha) cadaab xanuun badan.
وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمِنۡ عَزۡمِ ٱلۡأُمُورِ ٤٣
Walaman sabara waghafara inna dhālika lamin 'azmil-umūr
43.Qofkii sabra oo wax iska cafiya, kaasi 15 waa arrin loo qasdo (la go'aansado).
وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن وَلِيّٖ مِّنۢ بَعۡدِهِۦۗ وَتَرَى ٱلظَّٰلِمِينَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَ يَقُولُونَ هَلۡ إِلَىٰ مَرَدّٖ مِّن سَبِيلٖ ٤٤
Waman yudlilillāhu famā lahū min waliyyim mim ba'dihī wataraz-zālimīna lammā ra'awul-'adhāba yaqūlūna hal ilā maraddim min sabīl
44. Qofkii uu Alle lumiyo, ma uu laha gargaare Isaga kaddib. Waxaadna arki daalimiinta markay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii si aan u tawbad keenno).
وَتَرَىٰهُمۡ يُعۡرَضُونَ عَلَيۡهَا خَٰشِعِينَ مِنَ ٱلذُّلِّ يَنظُرُونَ مِن طَرۡفٍ خَفِيّٖۗ وَقَالَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَأَهۡلِيهِمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ أَلَآ إِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ فِي عَذَابٖ مُّقِيمٖ ٤٥
Watarāhum yu'radūna 'alayhā khāshi'īna minadh-dhulli yanzurūna min tarfin khafiyyin waqālal-ladhīna āmanū innal-khāsirīnal-ladhīna khasirū anfusahum wa ahlīhim yawmal-qiyāmati alā innaz-zālimīna fī 'adhābim muqīm
45. Waxaad arki (gaalada) iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal, daalimiintu waxay ku sugnaan (Qiyaamada) cadaab ma guuraan ah.
وَمَا كَانَ لَهُم مِّنۡ أَوۡلِيَآءَ يَنصُرُونَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِۗ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن سَبِيلٍ ٤٦
Wamā kāna lahum min awliyā'a yansurūnahum min dūnillāhi waman yudlilillāhu famā lahū min sabīl
46. Uma sugnaan awliyo u soo gargaari Alle ka sokow. Qofkii uu Alle lumiyo, uma sugna wax jid ah (uu ku tooso).
ٱسۡتَجِيبُواْ لِرَبِّكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٞ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۚ مَا لَكُم مِّن مَّلۡجَإٖ يَوۡمَئِذٖ وَمَا لَكُم مِّن نَّكِيرٖ ٤٧
Istajībū lirabbikum min qabli an ya'tiya yawmul lā maradda lahū minallāhi mā lakum mim malja'in yawma'idhin wamā lakum min nakīr
47. Ajiiba Rabbigiin ka hor inta aanay iman Maalin xagga Alle ah aan la celin karin. Ma leh meel aad magan gashaan Maalintaas, mana inkiri kartaan denbiyadiinna 16.
فَإِنۡ أَعۡرَضُواْ فَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظًاۖ إِنۡ عَلَيۡكَ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُۗ وَإِنَّآ إِذَآ أَذَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِنَّا رَحۡمَةٗ فَرِحَ بِهَاۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ فَإِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ كَفُورٞ ٤٨
Fa in a'radū famā arsalnāka 'alayhim hafīzan in 'alayka illal-balāghu wa innā idhā adhaqnal-insāna minnā rahmatan fariha bihā wa in tusibhum sayyi'atu bimā qaddamat aydīhim fa innal-insāna kafūr
48. Hadday jeesadaan, kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan korkooda. Ee waxa keliya ee ku saarani waa inaad gaarsiiso (Fartiinta). Markaanna dhadhansiinno Aadmiga naxariis Xaggayaga ah, wuu ku farxaa, haddayse musiibo gaadho waxay horay gacmahoodu u faleen darteed ah, Aadmigu wuu abaal dhac badan yahay.
لِّلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ يَهَبُ لِمَن يَشَآءُ إِنَٰثٗا وَيَهَبُ لِمَن يَشَآءُ ٱلذُّكُورَ ٤٩
Lillāhi mulkus-samāwāti wal-ardi yakhluqu mā yashā'u yahabu liman yashā'u ināthan wayahabu liman yashā'udh-dhukūr
49. Alle baa iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada. Wuxuu abuuraa Wuxuu doono. Wuxuu ugu deeqaa qofkuu doono gabdho, oo ugu deeqaa qofkuu doono wiilal.
أَوۡ يُزَوِّجُهُمۡ ذُكۡرَانٗا وَإِنَٰثٗاۖ وَيَجۡعَلُ مَن يَشَآءُ عَقِيمًاۚ إِنَّهُۥ عَلِيمٞ قَدِيرٞ ٥٠
Aw yuzawwijuhum dhukrānan wa ināthan wayaj'alu man yashā'u 'aqīman innahū 'alīmun qadīr
50. Ama Wuxuu isugu daraa labada noocyoodba’ lab iyo dheddig, wuxuuna ka dhigaa qofkuu doono ma dhaleys. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Awood Badan.
۞ وَمَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُكَلِّمَهُ ٱللَّهُ إِلَّا وَحۡيًا أَوۡ مِن وَرَآيِٕ حِجَابٍ أَوۡ يُرۡسِلَ رَسُولٗا فَيُوحِيَ بِإِذۡنِهِۦ مَا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ عَلِيٌّ حَكِيمٞ ٥١
Wamā kāna libasharin an yukallimahullāhu illā wahyan aw min warāy'i hijābin aw yursila rasūlan fayūhiya bi idhnihī mā yashā'u innahū 'aliyyun hakīm
51.Uma suurowda in Aadmi uu Alle toos ula hadlo Waxyi mooyee, ama kala hadlo daah gadaashi ama uu u soo diro Rasuul (malag ah) oo Idanki wuxuu doono ugu waxyooda. Hubaal (Alle) waa Sarreeye, Xakiim ah.
وَكَذَٰلِكَ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ رُوحٗا مِّنۡ أَمۡرِنَاۚ مَا كُنتَ تَدۡرِي مَا ٱلۡكِتَٰبُ وَلَا ٱلۡإِيمَٰنُ وَلَٰكِن جَعَلۡنَٰهُ نُورٗا نَّهۡدِي بِهِۦ مَن نَّشَآءُ مِنۡ عِبَادِنَاۚ وَإِنَّكَ لَتَهۡدِيٓ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ ٥٢
Wakadhālika awhaynā ilayka rūham min amrinā mā kunta tadrī mal-kitābu walal-īmānu walākin ja'alnāhu nūran nahdī bihī man nashā'u min 'ibādinā wa innaka latahdī ilā sirātim mustaqīm
52. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Ruux (Qur’aan) Amarkayaga ah, ma aadan ogeyn wuxuu yahay Kitaab iyo Iimaan midna? Waxaanse ka yeelnay Nuur aan ku hanuuninno ciddaan doonno oo ka mid ah addoomahayaga. Oo xaqiiq Adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ku hanuunisaa (dadka) Jid Toosan.
صِرَٰطِ ٱللَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ أَلَآ إِلَى ٱللَّهِ تَصِيرُ ٱلۡأُمُورُ ٥٣
Sirātillāhil-ladhī lahū mā fis-samāwāti wamā fil-ardi alā ilallāhi tasīrul-umūr
53. Jidka Alle, ee ah Kan iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ogaada, xagga Alle bay u ahaan umuuraha oo idil (wuuna idin abaal marin, qof walba iyo camalki).
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda Ash-Shura waxay leedahay 53 aayadood. Waa suuradda 42 ee Qur'aanka.
Suuradda Ash-Shura waa suurad Makki ah.
Suuradda Ash-Shura waxay ku jirtaa juz' 25.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.