حمٓ ١
Hā Mīm
1. Xaa Miim 1.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
حمٓ ١
Hā Mīm
1. Xaa Miim 1.
تَنزِيلٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٢
Tanzīlum minar-rahmānir-rahīm
2. Soo dejinta (Waxyigan) waa xagga (Alle) Naxariistaha, Naxariista Badan.
كِتَٰبٞ فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ ٣
Kitābun fussilat āyātuhū qur'ānan 'arabiyyal liqawmin ya'lamūn
3. Waa Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah ciddii wax garan.
بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا فَأَعۡرَضَ أَكۡثَرُهُمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ ٤
Bashīran wanadhīran fa a'rada aktharuhum fahum lā yasma'ūn
4. Waa u bishaareeye (Qofkii rumeeya Towxiidka) iyo u dige (qofkii u shariig yeela Alle oo xuma fala), waase ka jeesadeen badankoodu, marka wax ma maqlaan.
وَقَالُواْ قُلُوبُنَا فِيٓ أَكِنَّةٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ وَفِيٓ ءَاذَانِنَا وَقۡرٞ وَمِنۢ بَيۡنِنَا وَبَيۡنِكَ حِجَابٞ فَٱعۡمَلۡ إِنَّنَا عَٰمِلُونَ ٥
Waqālū qulūbunā fī akinnatim mimmā tad'ūnā ilayhi wafī ādhāninā waqrun wamim bayninā wabaynika hijābun fa'mal innanā 'āmilūn
5. Waxay yidhaahdeen: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxaad noogu yeedhi (Islaamka), waxaana ah culeys dhegahayaga, daah baana xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falan 2.
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَٱسۡتَقِيمُوٓاْ إِلَيۡهِ وَٱسۡتَغۡفِرُوهُۗ وَوَيۡلٞ لِّلۡمُشۡرِكِينَ ٦
Qul innamā ana basharum mithlukum yūhā ilayya annamā ilāhukum ilāhun wāhidun fastaqīmū ilayhi wastaghfirūhu wawaylul lil-mushrikīn
6. Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah keliya (Allaah aan wax shariig ah lahayn), ee raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, weydiistana denbi dhaaf, Hoogna waxaa leh Mushrikiinta.
ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ ٧
Alladhīna lā yu'tūnaz-zakawāta wahum bil-ākhirati hum kāfirūn
7. Kuwa aan (ka daahirin naftooda shirkiga, salaad tukan oo aan) bixin Zakada, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysnayn (iyo Janno iyo Naar).
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ ٨
Innal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti lahum ajrun ghayru mamnūn
8. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay leeyihiin abaal gud aan go’eynin (Janno).
۞ قُلۡ أَئِنَّكُمۡ لَتَكۡفُرُونَ بِٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ فِي يَوۡمَيۡنِ وَتَجۡعَلُونَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ ذَٰلِكَ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٩
Qul a'innakum latakfurūna billadhī khalaqal-arda fī yawmayni wataj'alūna lahū andādan dhālika rabbul-'ālamīn
9. Dheh: Ma waxaad ku gaaloobeysaan Kan (Allaah ee) ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeleysaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uumanka.
وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ مِن فَوۡقِهَا وَبَٰرَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَآ أَقۡوَٰتَهَا فِيٓ أَرۡبَعَةِ أَيَّامٖ سَوَآءٗ لِّلسَّآئِلِينَ ١٠
Waja'ala fīhā rawāsiya min fawqihā wabāraka fīhā waqaddara fīhā aqwātahā fī arba'ati ayyāmin sawā'al lis-sā'ilīn
10. Wuxuu yeelay dhulka dhexdiisa buuro ka kor ah oo sugan, wuuna barakeeyey oo u qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood siman ciddii ku weydiisa 'uunka'.
ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ وَهِيَ دُخَانٞ فَقَالَ لَهَا وَلِلۡأَرۡضِ ٱئۡتِيَا طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا قَالَتَآ أَتَيۡنَا طَآئِعِينَ ١١
Thummastawā ilas-samā'i wahiya dukhānun faqāla lahā walil-ardi'tiyā taw'an aw karhan qālatā ataynā tā'i'īn
11. Kaddib Wuxuu u qasday xagga samada oo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arlada: "Ku ahaada samo iyo arlo Amarkayga) oggolaan ama khasab; waxay yidhaahdeen: Waxaanu nimid innagoo ku adeecsan.
فَقَضَىٰهُنَّ سَبۡعَ سَمَٰوَاتٖ فِي يَوۡمَيۡنِ وَأَوۡحَىٰ فِي كُلِّ سَمَآءٍ أَمۡرَهَاۚ وَزَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَحِفۡظٗاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ ١٢
Faqadāhunna sab'a samāwātin fī yawmayni wa awhā fī kulli samā'in amrahā wazayyannas-samā'ad-dunyā bimasābīha wahifzan dhālika taqdīrul-'azīzil-'alīm
12. Wuxuu ku dhammeystiray toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, wuxuuna u waxyooday samo waliba arrinkeeda. Waxaanu ku qurxinnay samada soke xiddigo, isla markaana xafid u ah 3. Arrinkaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sarreeya, Wax kasta Ogsoon.
فَإِنۡ أَعۡرَضُواْ فَقُلۡ أَنذَرۡتُكُمۡ صَٰعِقَةٗ مِّثۡلَ صَٰعِقَةِ عَادٖ وَثَمُودَ ١٣
Fa in a'radū faqul andhartukum sā'iqatam mithla sā'iqati 'ādin wathamūd
13. Hadday ka jeesadaan (Xaqa), markaa dheh: Waxaan idiinka digay cadaab daran la mid ah cadaabkii ku dhacay (reer) Caad iyo Thamuud.
إِذۡ جَآءَتۡهُمُ ٱلرُّسُلُ مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۖ قَالُواْ لَوۡ شَآءَ رَبُّنَا لَأَنزَلَ مَلَٰٓئِكَةٗ فَإِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ ١٤
Idh jā'athumur-rusulu mim bayni aydīhim wamin khalfihim allā ta'budū illallāha qālū law shā'a rabbunā la anzala malā'ikatan fa innā bimā ursiltum bihī kāfirūn
14. Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashooda 4 'iyagoo ku leh': Ha caabudina cidaan ahayn Alle. Waxay yidhaahdeen: Hadduu Rabbigayo doono 5, wuxuu soo diri lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray waa ku gaalownay.
فَأَمَّا عَادٞ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَقَالُواْ مَنۡ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةًۖ أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَهُمۡ هُوَ أَشَدُّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ ١٥
Fa ammā 'ādun fastakbarū fil-ardi bighayril-haqqi waqālū man ashaddu minnā quwwatan awalam yaraw annallāhal-ladhī khalaqahum huwa ashaddu minhum quwwatan wakānū bi'āyātinā yajhadūn
15. Ma Caad, waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo yidhaahdeen: Yaa naga xoog badan? Miyeyna arag in Alle ee abuuray uu ka xoog badan yahay? Waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga diida.
فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِيٓ أَيَّامٖ نَّحِسَاتٖ لِّنُذِيقَهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡيِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَخۡزَىٰۖ وَهُمۡ لَا يُنصَرُونَ ١٦
Fa arsalnā 'alayhim rīhan sarsaran fī ayyāmin nahisātil linudhīqahum 'adhābal-khizyi fil-hayawātid-dunyā wala'adhābul-ākhirati akhzā wahum lā yunsarūn
16. Markaasaan u dirnay dabeyl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan u dhadhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii dulli badan, loomana gargaaro.
وَأَمَّا ثَمُودُ فَهَدَيۡنَٰهُمۡ فَٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡعَمَىٰ عَلَى ٱلۡهُدَىٰ فَأَخَذَتۡهُمۡ صَٰعِقَةُ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡهُونِ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ١٧
Wa ammā thamūdu fahadaynāhum fastahabbul-'amā 'alal-hudā fa akhadhathum sā'iqatul-'adhābil-hūni bimā kānū yaksibūn
17. Ma Thamuud se, waxaan tusnay dhabbaha toosan (ee Islaamka), waxayse ka jeclaadeen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, markaasaa waxaa ku dhacay cadaab daran wax dulleysa waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).
وَنَجَّيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ ١٨
Wanajjaynal-ladhīna āmanū wakānū yattaqūn
18. Waxaana badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha) ka dhowrsaday.
وَيَوۡمَ يُحۡشَرُ أَعۡدَآءُ ٱللَّهِ إِلَى ٱلنَّارِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ ١٩
Wayawma yuhsharu a'dā'ullāhi ilan-nāri fahum yūza'ūn
19. (Xus, Nabiyow) Maalinta cadowyada Alle (gaalada) loo soo wada kulmin Naarta, iyagoo loo wado saf saf oo is cidhiidhyi.
حَتَّىٰٓ إِذَا مَا جَآءُوهَا شَهِدَ عَلَيۡهِمۡ سَمۡعُهُمۡ وَأَبۡصَٰرُهُمۡ وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٢٠
Hattā idhā mā jā'ūhā shahida 'alayhim sam'uhum wa absāruhum wajulūduhum bimā kānū ya'malūn
20. Markay yimaadaan (Naarta oo dafiraan denbiyadooda), waxaa ku marag furi maqalkooda iyo araggooda iyo haraggooda waxay fali jireen.
وَقَالُواْ لِجُلُودِهِمۡ لِمَ شَهِدتُّمۡ عَلَيۡنَاۖ قَالُوٓاْ أَنطَقَنَا ٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَنطَقَ كُلَّ شَيۡءٖۚ وَهُوَ خَلَقَكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٢١
Waqālū lijulūdihim lima shahittum 'alaynā qālū antaqanallāhul-ladhī antaqa kulla shay'in wahuwa khalaqakum awwala marratin wa ilayhi turja'ūn
21. Waxay ku odhan haraggooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Alle baa naga hadliyey ee ka hadliya wax walba, Isagaana idin abuuray kal horeba, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.
وَمَا كُنتُمۡ تَسۡتَتِرُونَ أَن يَشۡهَدَ عَلَيۡكُمۡ سَمۡعُكُمۡ وَلَآ أَبۡصَٰرُكُمۡ وَلَا جُلُودُكُمۡ وَلَٰكِن ظَنَنتُمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَا يَعۡلَمُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَعۡمَلُونَ ٢٢
Wamā kuntum tastatirūna an yashhada 'alaykum sam'ukum walā absārukum walā julūdukum walākin zanantum annallāha lā ya'lamu kathīram mimmā ta'malūn
22. Ma aydaan ahayn kuwo isku astura (ka cabsashada Alle oo dhowrsada) si aysan maqalkiinnu iyo araggiinnu iyo haragiinnu idiinku markhaati furin 6, waxaadse mooddeen inaanu Alle ogeyn in badan oo waxaad fashaan ah.
وَذَٰلِكُمۡ ظَنُّكُمُ ٱلَّذِي ظَنَنتُم بِرَبِّكُمۡ أَرۡدَىٰكُمۡ فَأَصۡبَحۡتُم مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٢٣
Wadhālikum zannukumul-ladhī zanantum birabbikum ardākum fa asbahtum minal-khāsirīn
23. Kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, marka waad khasaarteen.
فَإِن يَصۡبِرُواْ فَٱلنَّارُ مَثۡوٗى لَّهُمۡۖ وَإِن يَسۡتَعۡتِبُواْ فَمَا هُم مِّنَ ٱلۡمُعۡتَبِينَ ٢٤
Fa in yasbirū fan-nāru mathwal lahum wa in yasta'tibū famā hum minal-mu'tabīn
24. Marka hadday samri oo adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, haddayna dalbaan in loo cudur daaro, lagama aqbalo cudur daarasho.
۞ وَقَيَّضۡنَا لَهُمۡ قُرَنَآءَ فَزَيَّنُواْ لَهُم مَّا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَحَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ خَٰسِرِينَ ٢٥
Waqayyadnā lahum quranā'a fazayyanū lahum mā bayna aydīhim wamā khalfahum wahaqqa 'alayhimul-qawlu fī umamin qad khalat min qablihim minal-jinni wal-insi innahum kānū khāsirīn
25. Waxaana u yeellay (gaalada) saaxiibbo ku xidhiidha 7, markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda (oo denbiyo) ah 8, waxaana ku dhaboobay Qawlka (cadaabka) siduu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu yihiin kuwo khasaaraya.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَسۡمَعُواْ لِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَٱلۡغَوۡاْ فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَغۡلِبُونَ ٢٦
Waqālal-ladhīna kafarū lā tasma'ū lihādhal-qur'āni wal-ghaw fīhi la'allakum taghlibūn
26. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq waa intaasoo aad adkaataane 9.
فَلَنُذِيقَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَذَابٗا شَدِيدٗا وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٢٧
Falanudhīqannal-ladhīna kafarū 'adhāban shadīdan walanajziyannahum aswa'al-ladhī kānū ya'malūn
27. Waxaanu xaqiiq dhadhansiin kuwa gaalooba cadaab daran, waxaana xaqiiq u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen.
ذَٰلِكَ جَزَآءُ أَعۡدَآءِ ٱللَّهِ ٱلنَّارُۖ لَهُمۡ فِيهَا دَارُ ٱلۡخُلۡدِ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ ٢٨
Dhālika jazā'u a'dā'illāhin-nāru lahum fīhā dārul-khuldi jazā'a bimā kānū bi'āyātinā yajhadūn
28. Kaasu waa abaalka cadawyada Alle (gaalada): Naar, ay ku leeyihiin daar lagu waaro, waa jazaha waxay Aayadahayaga beenin jireen darteed.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ رَبَّنَآ أَرِنَا ٱلَّذَيۡنِ أَضَلَّانَا مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ نَجۡعَلۡهُمَا تَحۡتَ أَقۡدَامِنَا لِيَكُونَا مِنَ ٱلۡأَسۡفَلِينَ ٢٩
Waqālal-ladhīna kafarū rabbanā arinal-ladhayni adallānā minal-jinni wal-insi naj'alhumā tahta aqdāminā liyakūnā minal-asfalīn
29. Kuwa gaalooba waxay odhan: Rabbigayow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan halka ugu hooseeysa 'Naarta' 10.
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُواْ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسۡتَقَٰمُواْ تَتَنَزَّلُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَلَّا تَخَافُواْ وَلَا تَحۡزَنُواْ وَأَبۡشِرُواْ بِٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ ٣٠
Innal-ladhīna qālū rabbunallāhu thummastaqāmū tatanazzalu 'alayhimul-malā'ikatu allā takhāfū walā tahzanū wa abshirū bil-jannatil-latī kuntum tū'adūn
30. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan (ee Islaamka) malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadooda iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, kuna bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay.
نَحۡنُ أَوۡلِيَآؤُكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَشۡتَهِيٓ أَنفُسُكُمۡ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَدَّعُونَ ٣١
Nahnu awliyā'ukum fil-hayawātid-dunyā wafil-ākhirati walakum fīhā mā tashtahī anfusukum walakum fīhā mā tadda'ūn
31. Annagaa ah gargaarayaashiin nolosha adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaadna leedihiin gudaheeda waxay nafahiinnu doonaan, oo waxaad leedihiin gudaheeda waxaad dalabtaan.
نُزُلٗا مِّنۡ غَفُورٖ رَّحِيمٖ ٣٢
Nuzulam min ghafūrir rahīm
32. Waa martiqaad xagga (Alle) Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
وَمَنۡ أَحۡسَنُ قَوۡلٗا مِّمَّن دَعَآ إِلَى ٱللَّهِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ ٣٣
Waman ahsanu qawlam mimman da'ā ilallāhi wa'amila sālihan waqāla innanī minal-muslimīn
33. Yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Alle, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.
وَلَا تَسۡتَوِي ٱلۡحَسَنَةُ وَلَا ٱلسَّيِّئَةُۚ ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ فَإِذَا ٱلَّذِي بَيۡنَكَ وَبَيۡنَهُۥ عَدَٰوَةٞ كَأَنَّهُۥ وَلِيٌّ حَمِيمٞ ٣٤
Walā tastawil-hasanatu walas-sayyi'atudfa' billatī hiya ahsanu fa idhal-ladhī baynaka wabaynahū 'adāwatun ka annahū waliyyun hamīm
34. Ma sinna samaanta iyo xumaantu, ku qaabil (xumaha) waxa wax u wanaagsan (cafis iyo masaamax iyo asxaan fal), markaas eeg! Kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqonayaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin.
وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٖ ٣٥
Wamā yulaqqāhā illal-ladhīna sabarū wamā yulaqqāhā illā dhū hazzin 'azīm
35. Lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib weyn.
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ نَزۡغٞ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٣٦
Wa immā yanzaghannaka minash-shaytāni nazghun fasta'idh billāhi innahū huwas-samī'ul-'alīm
36. Hadduu ku waswaasiyo shaydaan waswaasin (kuugu yeedho xume fal iyo cadho) ka magan gal Alle. Hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلَّيۡلُ وَٱلنَّهَارُ وَٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُۚ لَا تَسۡجُدُواْ لِلشَّمۡسِ وَلَا لِلۡقَمَرِ وَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ ٱلَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ ٣٧
Wamin āyātihil-laylu wan-nahāru wash-shamsu wal-qamaru lā tasjudū lish-shamsi walā lil-qamari wasjudū lillāhil-ladhī khalaqahunna in kuntum iyyāhu ta'budūn
37. Calaamooyinka (Alle ee muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Alle (Keliya) ee abuuray, haddaad Isaga uun caabudi 11.
فَإِنِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فَٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ يُسَبِّحُونَ لَهُۥ بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَهُمۡ لَا يَسۡـَٔمُونَ۩ ٣٨
Fa inistakbarū falladhīna 'inda rabbika yusabbihūna lahū billayli wan-nahāri wahum lā yas'amūn
38. Hadday iska kibriyaan (cibaadada), kuwaa ah Rabbigaa agtiisa (malaa’igta) baa u tasbiixsada habeen iyo maalinba kamana daalaan (caabudiddiisa).
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنَّكَ تَرَى ٱلۡأَرۡضَ خَٰشِعَةٗ فَإِذَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهَا ٱلۡمَآءَ ٱهۡتَزَّتۡ وَرَبَتۡۚ إِنَّ ٱلَّذِيٓ أَحۡيَاهَا لَمُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰٓۚ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ٣٩
Wamin āyātihī annaka taral-arda khāshi'atan fa idhā anzalnā 'alayhal-mā'ahtazzat warabat innal-ladhī ahyāhā lamuhyil-mawtā innahū 'alā kulli shay'in qadīr
39. Calaamooyinka Alle waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyo (roob) uu noolaado oo soo kor noqdo. Hubaal Kan (Allaah ee) nooleeya wuxuu nooleyn maytida. Hubaal wax walba wuu Karaa.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُلۡحِدُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا لَا يَخۡفَوۡنَ عَلَيۡنَآۗ أَفَمَن يُلۡقَىٰ فِي ٱلنَّارِ خَيۡرٌ أَم مَّن يَأۡتِيٓ ءَامِنٗا يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ ٱعۡمَلُواْ مَا شِئۡتُمۡ إِنَّهُۥ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ ٤٠
Innal-ladhīna yulhidūna fī āyātinā lā yakhfawna 'alaynā afaman yulqā fin-nāri khayrun am man ya'tī āminan yawmal-qiyāmati'malū mā shi'tum innahū bimā ta'malūna basīr
40. Kuwa iiliya Aayadahayaga 12 nagama qarsoona. Ma mid lagu tuuri Naarta baa khayr badan, mise mid Iman isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan 'Alle 'waxaad fashaan wuu arkaa.
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِٱلذِّكۡرِ لَمَّا جَآءَهُمۡۖ وَإِنَّهُۥ لَكِتَٰبٌ عَزِيزٞ ٤١
Innal-ladhīna kafarū bidh-dhikri lammā jā'ahum wa innahū lakitābun 'azīz
41. Hubaal kuwa ku gaalooba Waanada 13 (Qur’aanka) markuu u yimid 'waa laga jazayn' 14 oo (kani Qur’aanka) waa Kitaab sharaf weyn leh.
لَّا يَأۡتِيهِ ٱلۡبَٰطِلُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَلَا مِنۡ خَلۡفِهِۦۖ تَنزِيلٞ مِّنۡ حَكِيمٍ حَمِيدٖ ٤٢
Llā ya'tīhil-bātilu mim bayni yadayhi walā min khalfihī tanzīlum min hakīmin hamīd
42. Baadil ugama yimaado hortiisa ama gadaashiisa 15; waa Waxyi laga soo dejiyey xagga Xakiim, Ammaanan (Alle).
مَّا يُقَالُ لَكَ إِلَّا مَا قَدۡ قِيلَ لِلرُّسُلِ مِن قَبۡلِكَۚ إِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغۡفِرَةٖ وَذُو عِقَابٍ أَلِيمٖ ٤٣
Mmā yuqālu laka illā mā qad qīla lir-rusuli min qablika inna rabbaka ladhū maghfiratin wadhū 'iqābin alīm
43. Waxba lagu odhan maayo (Nabi Muxammadow) aan aheyn wixii lagu yidhi Rusushii kaa horreysay. Hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Denbi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan.
وَلَوۡ جَعَلۡنَٰهُ قُرۡءَانًا أَعۡجَمِيّٗا لَّقَالُواْ لَوۡلَا فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥٓۖ ءَا۬عۡجَمِيّٞ وَعَرَبِيّٞۗ قُلۡ هُوَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ هُدٗى وَشِفَآءٞۚ وَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ فِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٞ وَهُوَ عَلَيۡهِمۡ عَمًىۚ أُوْلَٰٓئِكَ يُنَادَوۡنَ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ ٤٤
Walaw ja'alnāhu qur'ānan a'jamiyyal laqālū lawlā fussilat āyātuhū ā'jamiyyun wa'arabiyyun qul huwa lilladhīna āmanū hudan washifā'un walladhīna lā yu'minūna fī ādhānihim waqrun wahuwa 'alayhim 'aman ulā'ika yunādawna mim makāni ba'īd
44. Haddaan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. Kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda, waana ka indha la' yihiin, kuwaa waxaa looga yeedhaa meel fog.
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَٱخۡتُلِفَ فِيهِۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُ مُرِيبٖ ٤٥
Walaqad ātaynā mūsal-kitāba fakhtulifa fīhi walawlā kalimatun sabaqat mir rabbika laqudiya baynahum wa innahum lafī shakkim minhu murīb
45. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay. Haddiina aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa (in dib loogu dhigo cadaabka) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse ka qabaan (Qur’aanka) shaki walaac leh.
مَّنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَسَآءَ فَعَلَيۡهَاۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ ٤٦
Mman 'amila sālihan falinafsihī waman asā'a fa'alayhā wamā rabbuka bizallāmil lil-'abīd
46. Qofkii sama fala naftiisay (dan) u tahay, kii xumaan falana isagay u daran tahay, Rabbigaa ma aha mid dulmiya addoomaha.
۞ إِلَيۡهِ يُرَدُّ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِۚ وَمَا تَخۡرُجُ مِن ثَمَرَٰتٖ مِّنۡ أَكۡمَامِهَا وَمَا تَحۡمِلُ مِنۡ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلۡمِهِۦۚ وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ أَيۡنَ شُرَكَآءِي قَالُوٓاْ ءَاذَنَّٰكَ مَا مِنَّا مِن شَهِيدٖ ٤٧
Ilayhi yuraddu 'ilmus-sā'ati wamā takhruju min thamarātim min akmāmihā wamā tahmilu min unthā walā tada'u illā bi'ilmihī wayawma yunādīhim ayna shurakā'ī qālū ādhannāka mā minnā min shahīd
47. Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda 'Qiyaame' 16. Kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, oo ma jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwa aad ila wadaajiseen 'cibaadada' 17? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).
وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَدۡعُونَ مِن قَبۡلُۖ وَظَنُّواْ مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٖ ٤٨
Wadalla 'anhum mā kānū yad'ūna min qablu wazannū mā lahum mim mahīs
48. Waxay waayi waxay horey ugu dhawaaqan jireen (oo ilaahyo been ah), waxayna yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan.
لَّا يَسۡـَٔمُ ٱلۡإِنسَٰنُ مِن دُعَآءِ ٱلۡخَيۡرِ وَإِن مَّسَّهُ ٱلشَّرُّ فَيَـُٔوسٞ قَنُوطٞ ٤٩
Llā yas'amul-insānu min du'ā'il-khayri wa im massahush-sharru faya'ūsun qanūt
49. Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, hadduuse shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah.
وَلَئِنۡ أَذَقۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنَّا مِنۢ بَعۡدِ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُ لَيَقُولَنَّ هَٰذَا لِي وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةٗ وَلَئِن رُّجِعۡتُ إِلَىٰ رَبِّيٓ إِنَّ لِي عِندَهُۥ لَلۡحُسۡنَىٰۚ فَلَنُنَبِّئَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِمَا عَمِلُواْ وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنۡ عَذَابٍ غَلِيظٖ ٥٠
Wala'in adhaqnāhu rahmatam minnā mim ba'di darrā'a massathu layaqūlanna hādhā lī wamā azunnus-sā'ata qā'imatan wala'ir ruji'tu ilā rabbī inna lī 'indahū lalhusnā falanunabbi'annal-ladhīna kafarū bimā 'amilū walanudhīqannahum min 'adhābin ghalīz
50. Haddaan dhadhansiinno naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, wuxuu odhan: Kan anaa leh 18, mana filayo inay dhici Saacadda (Qiyaame), haddii la ii celiyona xagga Rabbigay, waxaan ka heli agtiisa wanaag. Waxaan u sheegi kuwa gaaloobay waxay faleen, waxaana dhadhansiin Cadaab Adag.
وَإِذَآ أَنۡعَمۡنَا عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ أَعۡرَضَ وَنَـَٔا بِجَانِبِهِۦ وَإِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ فَذُو دُعَآءٍ عَرِيضٖ ٥١
Wa idhā an'amnā 'alal-insāni a'rada wana'ā bijānibihī wa idhā massahush-sharru fadhū du'ā'in 'arīd
51. Markaan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, markuuse dhib taabto, wuu baryootan badan yahay.
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كَانَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ثُمَّ كَفَرۡتُم بِهِۦ مَنۡ أَضَلُّ مِمَّنۡ هُوَ فِي شِقَاقِۭ بَعِيدٖ ٥٢
Qul ara'aytum in kāna min 'indillāhi thumma kafartum bihī man adallu mimman huwa fī shiqāqi ba'īd
52. Dheh: Bal ka warrama hadduu ka yimid (Qur’aanka) xagga Alle, markaas aad ku gaalowdaan - yaa ka lunsanaan badan kan ku sugan gaalnimo iyo khilaaf fog.
سَنُرِيهِمۡ ءَايَٰتِنَا فِي ٱلۡأٓفَاقِ وَفِيٓ أَنفُسِهِمۡ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمۡ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّۗ أَوَلَمۡ يَكۡفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ ٥٣
Sanurīhim āyātinā fil-āfāqi wafī anfusihim hattā yatabayyana lahum annahul-haqqu awalam yakfi birabbika annahū 'alā kulli shay'in shahīd
53. Waxaan ka tusi doonnaa Calaamooyin- kayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Miyuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay marag.
أَلَآ إِنَّهُمۡ فِي مِرۡيَةٖ مِّن لِّقَآءِ رَبِّهِمۡۗ أَلَآ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءٖ مُّحِيطُۢ ٥٤
Alā innahum fī miryatim mil liqā'i rabbihim alā innahū bikulli shay'im muhīt
54. Ogaada, hubaal, Waxay (gaaladu) ka shaki qabaan la kulanka Rabbigood, ogaada, hubaal, (Alle) wuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay.
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda Fussilat waxay leedahay 54 aayadood. Waa suuradda 41 ee Qur'aanka.
Suuradda Fussilat waa suurad Makki ah.
Suuradda Fussilat waxay ku jirtaa juz' 24, 25.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.