Suuradda Al-Haqqah الحاقة

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلۡحَآقَّةُ ١

Al-hāqqah

1. Xaqiiqda dhabta ah ee sugan 1!

مَا ٱلۡحَآقَّةُ ٢

Mal-hāqqah

2. Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡحَآقَّةُ ٣

Wamā adrāka mal-hāqqah

3. Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!

كَذَّبَتۡ ثَمُودُ وَعَادُۢ بِٱلۡقَارِعَةِ ٤

Kaddhabat thamūdu wa'ādu bil-qāri'ah

4. Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame).

فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهۡلِكُواْ بِٱلطَّاغِيَةِ ٥

Fa ammā thamūdu fa uhlikū bit-tāghiyah

5. Ma Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran 2.

وَأَمَّا عَادٞ فَأُهۡلِكُواْ بِرِيحٖ صَرۡصَرٍ عَاتِيَةٖ ٦

Wa ammā 'ādun fa uhlikū birīhin sarsarin 'ātiyah

6. Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan.

سَخَّرَهَا عَلَيۡهِمۡ سَبۡعَ لَيَالٖ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومٗاۖ فَتَرَى ٱلۡقَوۡمَ فِيهَا صَرۡعَىٰ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٍ خَاوِيَةٖ ٧

Sakkharahā 'alayhim sab'a layālin wathamāniyata ayyāmin husūman fataral-qawma fīhā sar'ā ka annahum a'jāzu nakhlin khāwiyah

7. (Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay.

فَهَلۡ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٖ ٨

Fahal tarā lahum mim bāqiyah

8. Ee ma aragtaa wax ka hadhay?

وَجَآءَ فِرۡعَوۡنُ وَمَن قَبۡلَهُۥ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتُ بِٱلۡخَاطِئَةِ ٩

Wajā'a fir'awnu waman qablahū wal-mu'tafikātu bil-khāti'ah

9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay 3 waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.

فَعَصَوۡاْ رَسُولَ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَهُمۡ أَخۡذَةٗ رَّابِيَةً ١٠

Fa'asaw rasūla rabbihim fa akhadhahum akhdhatar rābiyah

10. Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu (Alle) qabtay 'ciqaabay' qabasho 'ciqaab' daran.

إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلۡمَآءُ حَمَلۡنَٰكُمۡ فِي ٱلۡجَارِيَةِ ١١

Innā lammā taghal-mā'u hamalnākum fil-jāriyah

11. Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux).

لِنَجۡعَلَهَا لَكُمۡ تَذۡكِرَةٗ وَتَعِيَهَآ أُذُنٞ وَٰعِيَةٞ ١٢

Linaj'alahā lakum tadhkiratan wata'iyahā udhunun wā'iyah

12. Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto.

فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ نَفۡخَةٞ وَٰحِدَةٞ ١٣

Fa idhā nufikha fis-sūri nafkhatun wāhidah

13. Ee marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (afuufka hore),

وَحُمِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةٗ وَٰحِدَةٗ ١٤

Wahumilatil-ardu wal-jibālu fadukkatā dakkatan wāhidah

14. Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah.

فَيَوۡمَئِذٖ وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ ١٥

Fayawma'idhin waqa'atil-wāqi'ah

15. Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada).

وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِيَ يَوۡمَئِذٖ وَاهِيَةٞ ١٦

Wanshaqqatis-samā'u fahiya yawma'idhin wāhiyah

16. Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan.

وَٱلۡمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرۡجَآئِهَاۚ وَيَحۡمِلُ عَرۡشَ رَبِّكَ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ ثَمَٰنِيَةٞ ١٧

Wal-malaku 'alā arjā'ihā wayahmilu 'arsha rabbika fawqahum yawma'idhin thamāniyah

17. Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah).

يَوۡمَئِذٖ تُعۡرَضُونَ لَا تَخۡفَىٰ مِنكُمۡ خَافِيَةٞ ١٨

Yawma'idhin tu'radūna lā takhfā minkum khāfiyah

18. Maalintaas waa la idin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan.

فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقۡرَءُواْ كِتَٰبِيَهۡ ١٩

Fa ammā man ūtiya kitābahū biyamīnihī fayaqūlu hā'umuqra'ū kitābiyah

19. Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga.

إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَٰقٍ حِسَابِيَهۡ ٢٠

Innī zanantu annī mulāqin hisābiyah

20. Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda.

فَهُوَ فِي عِيشَةٖ رَّاضِيَةٖ ٢١

Fahuwa fī 'īshatir rādiyah

21. Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh.

فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٖ ٢٢

Fī jannatin 'āliyah

22. Beer sare gudaheed ah (Janno),

قُطُوفُهَا دَانِيَةٞ ٢٣

Qutūfuhā dāniyah

23. Midhaheedu (goosasho iyo) gurasho dhow yihiin.

كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَآ أَسۡلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡأَيَّامِ ٱلۡخَالِيَةِ ٢٤

Kulū washrabū hanī'ā bimā aslaftum fil-ayyāmil-khāliyah

24. Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye.

وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُوتَ كِتَٰبِيَهۡ ٢٥

Wa ammā man ūtiya kitābahū bishimālihī fayaqūlu yālaytanī lam ūta kitābiyah

25. Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga.

وَلَمۡ أَدۡرِ مَا حِسَابِيَهۡ ٢٦

Walam adri mā hisābiyah

26.Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteydu tahay?

يَٰلَيۡتَهَا كَانَتِ ٱلۡقَاضِيَةَ ٢٧

Yālaytahā kānatil-qādiyah

27. Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga.

مَآ أَغۡنَىٰ عَنِّي مَالِيَهۡۜ ٢٨

Mā aghnā 'annī māliyah

28. Maalkeygii waxba iima tarin.

هَلَكَ عَنِّي سُلۡطَٰنِيَهۡ ٢٩

Halaka 'annī sultāniyah

29. Awooddeydii waa iga baabba’een.

خُذُوهُ فَغُلُّوهُ ٣٠

Khudhūhu faghullūh

30. (Waxaa la odhan): Qabta oo xidha.

ثُمَّ ٱلۡجَحِيمَ صَلُّوهُ ٣١

Thummal-jahīma sallūh

31. Markaas geliya dabka ololka badan.

ثُمَّ فِي سِلۡسِلَةٖ ذَرۡعُهَا سَبۡعُونَ ذِرَاعٗا فَٱسۡلُكُوهُ ٣٢

Thumma fī silsilatin dhar'uhā sab'ūna dhirā'an faslukūh

32. Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.

إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ ٱلۡعَظِيمِ ٣٣

Innahū kāna lā yu'minu billāhil-'azīm

33. Ma uu rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ ٣٤

Walā yahuddu 'alā ta'āmil-miskīn

34. Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka.

فَلَيۡسَ لَهُ ٱلۡيَوۡمَ هَٰهُنَا حَمِيمٞ ٣٥

Falaysa lahul-yawma hāhunā hamīm

35. Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah.

وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنۡ غِسۡلِينٖ ٣٦

Walā ta'āmun illā min ghislīn

36. ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee.

لَّا يَأۡكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡخَٰطِـُٔونَ ٣٧

Llā ya'kuluhū illal-khāti'ūn

37. Aanay cidi cunin geflowyada maahee.

فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَا تُبۡصِرُونَ ٣٨

Falā uqsimu bimā tubsirūn

38. Mayee, waxaan ku dhaartay waxaad aragtaan.

وَمَا لَا تُبۡصِرُونَ ٣٩

Wamā lā tubsirūn

39. Iyo wax aydaan aragba,

إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ ٤٠

Innahū laqawlu rasūlin karīm

40. Kani hubaal waa hadal (Alle) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)

وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَاعِرٖۚ قَلِيلٗا مَّا تُؤۡمِنُونَ ٤١

Wamā huwa biqawli shā'irin qalīlam mā tu'minūn

41. Ma aha hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan.

وَلَا بِقَوۡلِ كَاهِنٖۚ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ ٤٢

Walā biqawli kāhinin qalīlam mā tadhakkarūn

42. ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan.

تَنزِيلٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٤٣

Tanzīlum mir rabbil-'ālamīn

43. Waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah).

وَلَوۡ تَقَوَّلَ عَلَيۡنَا بَعۡضَ ٱلۡأَقَاوِيلِ ٤٤

Walaw taqawwala 'alaynā ba'dal-aqāwīl

44. Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;

لَأَخَذۡنَا مِنۡهُ بِٱلۡيَمِينِ ٤٥

La akhadhnā minhu bil-yamīn

45. Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig.

ثُمَّ لَقَطَعۡنَا مِنۡهُ ٱلۡوَتِينَ ٤٦

Thumma laqata'nā minhul-watīn

46. Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha.

فَمَا مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ عَنۡهُ حَٰجِزِينَ ٤٧

Famā minkum min ahadin 'anhu hājizīn

47. Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa.

وَإِنَّهُۥ لَتَذۡكِرَةٞ لِّلۡمُتَّقِينَ ٤٨

Wa innahū latadhkiratul lil-muttaqīn

48. (Qur'aanku) waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan.

وَإِنَّا لَنَعۡلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ ٤٩

Wa innā lana'lamu anna minkum mukaddhibīn

49. Waan ognahay dhabtii inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa).

وَإِنَّهُۥ لَحَسۡرَةٌ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٥٠

Wa innahū lahasratun 'alal-kāfirīn

50. (Qur’aanku) hubaal waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame).

وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلۡيَقِينِ ٥١

Wa innahū lahaqqul-yaqīn

51. Waana xaq dhab ah oo la hubo.

فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ ٥٢

Fasabbih bismi rabbikal-'azīm

52. Ee ku tasbiixso, oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan 4.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Haqqah?

Suuradda Al-Haqqah waxay leedahay 52 aayadood. Waa suuradda 69 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Haqqah ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Haqqah waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Haqqah juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Haqqah waxay ku jirtaa juz' 29.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Haqqah?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.