Suuradda Al-Baqarah, aayadda 197

2:197

ٱلۡحَجُّ أَشۡهُرٞ مَّعۡلُومَٰتٞۚ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ ٱلۡحَجَّ فَلَا رَفَثَ وَلَا فُسُوقَ وَلَا جِدَالَ فِي ٱلۡحَجِّۗ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ يَعۡلَمۡهُ ٱللَّهُۗ وَتَزَوَّدُواْ فَإِنَّ خَيۡرَ ٱلزَّادِ ٱلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُونِ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ١٩٧

Al-hajju ashhurum ma'lūmātun faman farada fīhinnal-hajja falā rafatha walā fusūqa walā jidāla fil-hajji wamā taf'alū min khayrin ya'lamhullāhu watazawwadū fa inna khayraz-zādit-taqwā wattaqūni yā'ulil-albāb

197. Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan 53. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood 54 iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Waxaad fashaan oo khayr ah, Alle wuu og yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, dadka wax garadka ahow!

Faallooyin hoose

53. Bilaha xajka waa bisha Shawwaal, Dul Qacdah iyo Xajka.

54. Ar-Rafath waxaa loola jeedaa hadalka dareenka shahwada kiciya ama af lagaaddada ah ama galmada.