Suuradda Al-Baqarah, aayadda 196

2:196

وَأَتِمُّواْ ٱلۡحَجَّ وَٱلۡعُمۡرَةَ لِلَّهِۚ فَإِنۡ أُحۡصِرۡتُمۡ فَمَا ٱسۡتَيۡسَرَ مِنَ ٱلۡهَدۡيِۖ وَلَا تَحۡلِقُواْ رُءُوسَكُمۡ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ ٱلۡهَدۡيُ مَحِلَّهُۥۚ فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوۡ بِهِۦٓ أَذٗى مِّن رَّأۡسِهِۦ فَفِدۡيَةٞ مِّن صِيَامٍ أَوۡ صَدَقَةٍ أَوۡ نُسُكٖۚ فَإِذَآ أَمِنتُمۡ فَمَن تَمَتَّعَ بِٱلۡعُمۡرَةِ إِلَى ٱلۡحَجِّ فَمَا ٱسۡتَيۡسَرَ مِنَ ٱلۡهَدۡيِۚ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ ثَلَٰثَةِ أَيَّامٖ فِي ٱلۡحَجِّ وَسَبۡعَةٍ إِذَا رَجَعۡتُمۡۗ تِلۡكَ عَشَرَةٞ كَامِلَةٞۗ ذَٰلِكَ لِمَن لَّمۡ يَكُنۡ أَهۡلُهُۥ حَاضِرِي ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ١٩٦

Wa atimmul-hajja wal-'umrata lillāhi fa in uhsirtum famastaysara minal-hadyi walā tahliqū ru'ūsakum hattā yablughal-hadyu mahillahū faman kāna minkum marīdan aw bihī adham mir ra'sihī fafidyatum min siyāmin aw sadaqatin aw nusukin fa idhā amintum faman tamatta'a bil-'umrati ilal-hajji famastaysara minal-hadyi famal lam yajid fasiyāmu thalāthati ayyāmin fil-hajji wasab'atin idhā raja'tum tilka 'asharatun kāmilatun dhālika limal lam yakun ahluhū hādiril-masjidil-harāmi wattaqullāha wa'lamū annallāha shadīdul-'iqāb

196. U dhammeystira Xajka 48 iyo Cumrada Alle darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi 49 waxaad heli kartaan ah, hana xiidhina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid 50 ama bixin sadaqo 51 ama neef gowracid 52, markaadse aamin tihiin, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wuxuu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood markaad laabataan, intani waa toban buuxda. Arrinkani wuxuu ku gaar yahay midka aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle. Ogaadana in Alle ciqaabkiisu daran yahay.

Faallooyin hoose

48.Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii xajiya isagoo aan xajkiisa kula iman galmo iyo af lagaaddo, wuxuu noqdaa isagoo denbi ka ah sida maalintay hooyadi dhashay.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.

49. Hadyi waxaa la yidhaahdaa waxa la gowraco si loogu kabo ka tegista waajib ka mid ah waajibyada Xajka, ama bixin kaffaarad haddaad fasho mid ka mid ah waxyaalaha ku caaggan Xajka.

50. Soomid seddex maalmood.

51. Quudin lix miskiin.

52. Gowrac neef adhi ah ama ido.