Suuradda Al-Baqarah, aayadda 198

2:198

لَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَبۡتَغُواْ فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكُمۡۚ فَإِذَآ أَفَضۡتُم مِّنۡ عَرَفَٰتٖ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ عِندَ ٱلۡمَشۡعَرِ ٱلۡحَرَامِۖ وَٱذۡكُرُوهُ كَمَا هَدَىٰكُمۡ وَإِن كُنتُم مِّن قَبۡلِهِۦ لَمِنَ ٱلضَّآلِّينَ ١٩٨

Laysa 'alaykum junāhun an tabtaghū fadlam mir rabbikum fa idhā afadtum min 'arafātin fadhkurullāha 'indal-mash'aril-harāmi wadhkurūhu kamā hadākum wa in kuntum min qablihī laminad-dāllīn

198. Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeq Rabbigiin 55. Markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Alle Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa siduu idiin hanuuniyeyba, inkastoo arrinkani ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan.

Faallooyin hoose

55. Ku sameynta ganacsi Xajka.