الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ ١
Alif Lām Rā tilka āyātul-kitābil-mubīn
1. Alif Laam Raa 1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) cad.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ ١
Alif Lām Rā tilka āyātul-kitābil-mubīn
1. Alif Laam Raa 1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) cad.
إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ قُرۡءَٰنًا عَرَبِيّٗا لَّعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ ٢
Innā anzalnāhu qur'ānan 'arabiyyal la'allakum ta'qilūn
2. Annaga (Alle ah) baa xaqiiq soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan 2.
نَحۡنُ نَقُصُّ عَلَيۡكَ أَحۡسَنَ ٱلۡقَصَصِ بِمَآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ وَإِن كُنتَ مِن قَبۡلِهِۦ لَمِنَ ٱلۡغَٰفِلِينَ ٣
Nahnu naqussu 'alayka ahsanal-qasasi bimā awhaynā ilayka hādhal-qur'āna wa in kunta min qablihī laminal-ghāfilīn
3. Annaga ayaa kaaga qisoon qisooyinka midda u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo ka hor, aad ka mid aheyd kuwaan u war heyn.
إِذۡ قَالَ يُوسُفُ لِأَبِيهِ يَٰٓأَبَتِ إِنِّي رَأَيۡتُ أَحَدَ عَشَرَ كَوۡكَبٗا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ رَأَيۡتُهُمۡ لِي سَٰجِدِينَ ٤
Idh qāla yūsufu li abīhi yā'abati innī ra'aytu ahada 'ashara kawkaban wash-shamsa wal-qamara ra'aytuhum lī sājidīn
4. Markuu Yuusuf ku yidhi aabbihii: "Aabbow! Waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan.
قَالَ يَٰبُنَيَّ لَا تَقۡصُصۡ رُءۡيَاكَ عَلَىٰٓ إِخۡوَتِكَ فَيَكِيدُواْ لَكَ كَيۡدًاۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لِلۡإِنسَٰنِ عَدُوّٞ مُّبِينٞ ٥
Qāla yābunayya lā taqsus ru'yāka 'alā ikhwatika fayakīdū laka kaydan innash-shaytāna lil-insāni 'aduwwum mubīn
5. (Yacquub) wuxuu yidhi: Maandhow! Ha uga qisoon riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow cad.
وَكَذَٰلِكَ يَجۡتَبِيكَ رَبُّكَ وَيُعَلِّمُكَ مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِ وَيُتِمُّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكَ وَعَلَىٰٓ ءَالِ يَعۡقُوبَ كَمَآ أَتَمَّهَا عَلَىٰٓ أَبَوَيۡكَ مِن قَبۡلُ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡحَٰقَۚ إِنَّ رَبَّكَ عَلِيمٌ حَكِيمٞ ٦
Wakadhālika yajtabīka rabbuka wayu'allimuka min ta'wīlil-ahādīthi wayutimmu ni'matahū 'alayka wa'alā āli ya'qūba kamā atammahā 'alā abawayka min qablu ibrāhīma wa ishāqa inna rabbaka 'alīmun hakīm
6. Sidaasuu kuu dooran Rabbigaa oo kuu bari fasirka 'riyooyinka iyo' dhacdooyinka, kuuna dhammeystiri Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquubba, siduu ugu dhammeystiray horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah (odhaah iyo fal san).
۞ لَّقَدۡ كَانَ فِي يُوسُفَ وَإِخۡوَتِهِۦٓ ءَايَٰتٞ لِّلسَّآئِلِينَ ٧
Llaqad kāna fī yūsufa wa ikhwatihī āyātul lis-sā'ilīn
7. Xaqiiq Yuusuf iyo walaalihi, waxaa ugu sugan calaamooyin (waano) kuwa weydiin.
إِذۡ قَالُواْ لَيُوسُفُ وَأَخُوهُ أَحَبُّ إِلَىٰٓ أَبِينَا مِنَّا وَنَحۡنُ عُصۡبَةٌ إِنَّ أَبَانَا لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ ٨
Idh qālū layūsufu wa akhūhu ahabbu ilā abīnā minnā wanahnu 'usbatun inna abānā lafī dalālim mubīn
8. Markay yidhaahdeen: Yuusuf iyo walaalki 3 buu naga jecel yahay aabbaheen innagoo koox ah (toban rag ah). Hubaal aabbaheen wuu gefsan yahay.
ٱقۡتُلُواْ يُوسُفَ أَوِ ٱطۡرَحُوهُ أَرۡضٗا يَخۡلُ لَكُمۡ وَجۡهُ أَبِيكُمۡ وَتَكُونُواْ مِنۢ بَعۡدِهِۦ قَوۡمٗا صَٰلِحِينَ ٩
Uqtulū yūsufa awitrahūhu ardan yakhlu lakum wajhu abīkum watakūnū mim ba'dihī qawman sālihīn
9. Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga aabbahiin, oo taasi ka dambow aad ahaataan dad wanaagsan.
قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ لَا تَقۡتُلُواْ يُوسُفَ وَأَلۡقُوهُ فِي غَيَٰبَتِ ٱلۡجُبِّ يَلۡتَقِطۡهُ بَعۡضُ ٱلسَّيَّارَةِ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ ١٠
Qāla qā'ilum minhum lā taqtulū yūsufa wa alqūhu fī ghayābatil-jubbi yaltaqithu ba'dus-sayyārati in kuntum fā'ilīn
10. Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, ha qaateen qaar safar ahe, haddaad wax falaysaan.
قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا مَا لَكَ لَا تَأۡمَ۬نَّا عَلَىٰ يُوسُفَ وَإِنَّا لَهُۥ لَنَٰصِحُونَ ١١
Qālū yā'abānā mā laka lā ta'mannā 'alā yūsufa wa innā lahū lanāsihūn
11. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaad noogu aamini la'dahay Yusuuf? Innagoo daacad u ah, wanaag la jecel.
أَرۡسِلۡهُ مَعَنَا غَدٗا يَرۡتَعۡ وَيَلۡعَبۡ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ ١٢
Arsilhu ma'anā ghadan yarta' wayal'ab wa innā lahū lahāfizūn
12. Nala dir berri si uu u miro cuno oo u cayaaro, innagaana ilaalin oo gaar ka heyn.
قَالَ إِنِّي لَيَحۡزُنُنِيٓ أَن تَذۡهَبُواْ بِهِۦ وَأَخَافُ أَن يَأۡكُلَهُ ٱلذِّئۡبُ وَأَنتُمۡ عَنۡهُ غَٰفِلُونَ ١٣
Qāla innī layahzununī an tadhhabū bihī wa akhāfu an ya'kulahudh-dhi'bu wa antum 'anhu ghāfilūn
13. (Yacquub) wuxuu yidhi: "Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan inay yey cunto idinkoo mooggan".
قَالُواْ لَئِنۡ أَكَلَهُ ٱلذِّئۡبُ وَنَحۡنُ عُصۡبَةٌ إِنَّآ إِذٗا لَّخَٰسِرُونَ ١٤
Qālū la in akalahudh-dhi'bu wanahnu 'usbatun innā idhal lakhāsirūn
14. Waxay yidhaahdeen: 'Hadday yey cunto innagoo waliba koox ah, markaa hubaal, waa inaanu nahay kuwo khasaaray".
فَلَمَّا ذَهَبُواْ بِهِۦ وَأَجۡمَعُوٓاْ أَن يَجۡعَلُوهُ فِي غَيَٰبَتِ ٱلۡجُبِّۚ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِ لَتُنَبِّئَنَّهُم بِأَمۡرِهِمۡ هَٰذَا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ١٥
Falammā dhahabū bihī wa ajma'ū an yaj'alūhu fī ghayābatil-jubbi wa awhaynā ilayhi latunabbi'annahum bi amrihim hādhā wahum lā yash'urūn
15. Markay la tageen oo ay ku heeshiiyeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Waxaan (Yuusuf) u waxyoonnay: 'Waxaad (maalin uun) u sheegi doontaa arrinkani iyagoo aan ku baraarugsaneyn".
وَجَآءُوٓ أَبَاهُمۡ عِشَآءٗ يَبۡكُونَ ١٦
Wajā'ū abāhum 'ishā'an yabkūn
16. Waxayna u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya.
قَالُواْ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّا ذَهَبۡنَا نَسۡتَبِقُ وَتَرَكۡنَا يُوسُفَ عِندَ مَتَٰعِنَا فَأَكَلَهُ ٱلذِّئۡبُۖ وَمَآ أَنتَ بِمُؤۡمِنٖ لَّنَا وَلَوۡ كُنَّا صَٰدِقِينَ ١٧
Qālū yā'abānā innā dhahabnā nastabiqu wataraknā yūsufa 'inda matā'inā fa akalahudh-dhi'bu wamā anta bimu'minil lanā walaw kunnā sādiqīn
17. Waxay yidhaahdeen: "Aabbow! Waanu tagnay inaan tartanno, waxaana ku dhaafnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaasay yey cuntay adiguse nama ru- maysanaysid walow aan run sheegayno".
وَجَآءُو عَلَىٰ قَمِيصِهِۦ بِدَمٖ كَذِبٖۚ قَالَ بَلۡ سَوَّلَتۡ لَكُمۡ أَنفُسُكُمۡ أَمۡرٗاۖ فَصَبۡرٞ جَمِيلٞۖ وَٱللَّهُ ٱلۡمُسۡتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ ١٨
Wajā'ū 'alā qamīsihī bidamin kadhibin qāla bal sawwalat lakum anfusukum amran fasabrun jamīlun wallāhul-musta'ānu 'alā mā tasifūn
18. Waxayna keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah 4. (Yacquub) wuxuu yidhi: "Mayee, nafahiinnaa idiin qirxisay arrin. Samirkaase wanaagsan. Allena waa Kan laga kaalmeysto waxaad tilmaameysaan".
وَجَآءَتۡ سَيَّارَةٞ فَأَرۡسَلُواْ وَارِدَهُمۡ فَأَدۡلَىٰ دَلۡوَهُۥۖ قَالَ يَٰبُشۡرَىٰ هَٰذَا غُلَٰمٞۚ وَأَسَرُّوهُ بِضَٰعَةٗۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ ١٩
Wajā'at sayyāratun fa arsalū wāridahum fa adlā dalwahū qāla yābushrā hādhā ghulāmun wa asarrūhu bidā'atan wallāhu 'alīmu bimā ya'malūn
19. Waxaa yimid socoto, waxayna direen biyo dhaamiyahoodii, oo hoos (ceelka) ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: "Waa bishaaree! kani waa wiil yar"; wayna qarsadeen badeeco ahaan. Alle wuu Ogaa waxay fali.
وَشَرَوۡهُ بِثَمَنِۭ بَخۡسٖ دَرَٰهِمَ مَعۡدُودَةٖ وَكَانُواْ فِيهِ مِنَ ٱلزَّٰهِدِينَ ٢٠
Washarawhu bithamani bakhsin darāhima ma'dūdatin wakānū fīhi minaz-zāhidīn
20. Waxayna siisteen qiimo yar - dhowr qadaadiic oo fiddo ah, waxayna ahaayeen kuwo aan u heyn wax rabitaan ah.
وَقَالَ ٱلَّذِي ٱشۡتَرَىٰهُ مِن مِّصۡرَ لِٱمۡرَأَتِهِۦٓ أَكۡرِمِي مَثۡوَىٰهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوۡ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدٗاۚ وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلِنُعَلِّمَهُۥ مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِۚ وَٱللَّهُ غَالِبٌ عَلَىٰٓ أَمۡرِهِۦ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ ٢١
Waqālal-ladhishtarāhu mim misra limra'atihī akrimī mathwāhu 'asā an yanfa'anā aw nattakhidhahū waladan wakadhālika makkannā liyūsufa fil-ardi walinu'allimahū min ta'wīlil-ahādīthi wallāhu ghālibun 'alā amrihī walākinna aktharan-nāsi lā ya'lamūn
21. Kii gatay oo reer Masar ahaa 5 wuxuu ku yidhi marwadiisii: Wanaaji oo ka yeel meel sharaf leh hoygiisa, waa intaasuu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Sidaasaan ugu awood siinnay Yuusuf arlada (Masar), iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka). Allaana adag xagga arrinkiisa, dadku badankiisuse ma oga.
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥٓ ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمٗا وَعِلۡمٗاۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٢٢
Walammā balagha ashuddahū ātaynāhu hukman wa'ilman wakadhālika najzil-muhsinīn
22. Markuu tabar galay (Yuusuf), waxaan siinnay fahmo iyo cilmi, sidaasaana ku abaal marinnaa sama falayaasha.
وَرَٰوَدَتۡهُ ٱلَّتِي هُوَ فِي بَيۡتِهَا عَن نَّفۡسِهِۦ وَغَلَّقَتِ ٱلۡأَبۡوَٰبَ وَقَالَتۡ هَيۡتَ لَكَۚ قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ رَبِّيٓ أَحۡسَنَ مَثۡوَايَۖ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٢٣
Warāwadathul-latī huwa fī baytihā 'an nafsihī waghallaqatil-abwāba waqālat hayta laka qāla ma'ādhallāhi innahū rabbī ahsana mathwāya innahū lā yuflihuz-zālimūn
23. Waxaa doontay tii uu gurigeedii joogay inay u soo jiiddo xumaan (zino), waxayna xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: "Allaan ka magan galay (zino iyo khiyaano). Hubaal Rabbigay wuu wanaajiyey hoygeyga. Mana liibaanaan daalimiintu."
وَلَقَدۡ هَمَّتۡ بِهِۦۖ وَهَمَّ بِهَا لَوۡلَآ أَن رَّءَا بُرۡهَٰنَ رَبِّهِۦۚ كَذَٰلِكَ لِنَصۡرِفَ عَنۡهُ ٱلسُّوٓءَ وَٱلۡفَحۡشَآءَۚ إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٢٤
Walaqad hammat bihī wahamma bihā lawlā ar ra'ā burhāna rabbihī kadhālika linasrifa 'anhus-sū'a wal-fahshā'a innahū min 'ibādinal-mukhlasīn
24. Way ku hammiday (doontay inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa 6, hadduusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta, zinada 'iyo khiyaanada'. Hubaal wuxuu ka mid yahay addoomahayaga daacadda ah.
وَٱسۡتَبَقَا ٱلۡبَابَ وَقَدَّتۡ قَمِيصَهُۥ مِن دُبُرٖ وَأَلۡفَيَا سَيِّدَهَا لَدَا ٱلۡبَابِۚ قَالَتۡ مَا جَزَآءُ مَنۡ أَرَادَ بِأَهۡلِكَ سُوٓءًا إِلَّآ أَن يُسۡجَنَ أَوۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ٢٥
Wastabaqal-bāba waqaddat qamīsahū min duburin wa alfayā sayyidahā ladal-bābi qālat mā jazā'u man arāda bi ahlika sū'an illā an yusjana aw 'adhābun alīm
25. Waxay labaduba u orotameen albaabka, oo ka jeexday shaarkiisa xagga dambe (isagoo ka cararaya denbi), waxayna kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: "Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama cadaab xanuun badan?"
قَالَ هِيَ رَٰوَدَتۡنِي عَن نَّفۡسِيۚ وَشَهِدَ شَاهِدٞ مِّنۡ أَهۡلِهَآ إِن كَانَ قَمِيصُهُۥ قُدَّ مِن قُبُلٖ فَصَدَقَتۡ وَهُوَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ ٢٦
Qāla hiya rāwadatnī 'an nafsī washahida shāhidum min ahlihā in kāna qamīsuhū qudda min qubulin fasadaqat wahuwa minal-kādhibīn
26. Wuxuu yidhi: Iyadaa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, isaguna been buu sheegi.
وَإِن كَانَ قَمِيصُهُۥ قُدَّ مِن دُبُرٖ فَكَذَبَتۡ وَهُوَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٢٧
Wa in kāna qamīsuhū qudda min duburin fakadhabat wahuwa minas-sādiqīn
27. Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, isaguna run buu sheegi.
فَلَمَّا رَءَا قَمِيصَهُۥ قُدَّ مِن دُبُرٖ قَالَ إِنَّهُۥ مِن كَيۡدِكُنَّۖ إِنَّ كَيۡدَكُنَّ عَظِيمٞ ٢٨
Falammā ra'ā qamīsahū qudda min duburin qāla innahū min kaydikunna inna kaydakunna 'azīm
28. Markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: "Taasi waa dhagartiinna, dhagartiinnu way weyn tahay (haweenkow)."
يُوسُفُ أَعۡرِضۡ عَنۡ هَٰذَاۚ وَٱسۡتَغۡفِرِي لِذَنۢبِكِۖ إِنَّكِ كُنتِ مِنَ ٱلۡخَاطِـِٔينَ ٢٩
Yūsufu a'rid 'an hādhā wastaghfirī lidhambiki innaki kunti minal-khāti'īn
29. Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan 7 oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis denbigaaga. Waxaad ka mid tahay kuwa gafaye.
۞ وَقَالَ نِسۡوَةٞ فِي ٱلۡمَدِينَةِ ٱمۡرَأَتُ ٱلۡعَزِيزِ تُرَٰوِدُ فَتَىٰهَا عَن نَّفۡسِهِۦۖ قَدۡ شَغَفَهَا حُبًّاۖ إِنَّا لَنَرَىٰهَا فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ ٣٠
Waqāla niswatun fil-madīnatimra'atul-'azīzi turāwidu fatāhā 'an nafsihī qad shaghafahā hubban innā lanarāhā fī dalālim mubīn
30. Haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: "Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, jaceylkiisaa qalbiga ka galay, waxaan u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda."
فَلَمَّا سَمِعَتۡ بِمَكۡرِهِنَّ أَرۡسَلَتۡ إِلَيۡهِنَّ وَأَعۡتَدَتۡ لَهُنَّ مُتَّكَـٔٗا وَءَاتَتۡ كُلَّ وَٰحِدَةٖ مِّنۡهُنَّ سِكِّينٗا وَقَالَتِ ٱخۡرُجۡ عَلَيۡهِنَّۖ فَلَمَّا رَأَيۡنَهُۥٓ أَكۡبَرۡنَهُۥ وَقَطَّعۡنَ أَيۡدِيَهُنَّ وَقُلۡنَ حَٰشَ لِلَّهِ مَا هَٰذَا بَشَرًا إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا مَلَكٞ كَرِيمٞ ٣١
Falammā sami'at bimakrihinna arsalat ilayhinna wa a'tadat lahunna muttaka'an wa ātat kulla wāhidatim minhunna sikkīnan waqālatikhruj 'alayhinna falammā ra'aynahū akbarnahū waqatta'na aydiyahunna waqulna hāsha lillāhi mā hādhā basharan in hādhā illā malakun karīm
31. Markay maqashay xantoodii bay u cid dirtay oo u diyaarisay fadhi (marti qaad); waxayna siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen ku dhaygageen, (weyneyn darteed) oo iska sareen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan quruxdiisa) oo yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan 'xumaan' 8 Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh."
قَالَتۡ فَذَٰلِكُنَّ ٱلَّذِي لُمۡتُنَّنِي فِيهِۖ وَلَقَدۡ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفۡسِهِۦ فَٱسۡتَعۡصَمَۖ وَلَئِن لَّمۡ يَفۡعَلۡ مَآ ءَامُرُهُۥ لَيُسۡجَنَنَّ وَلَيَكُونٗا مِّنَ ٱلصَّٰغِرِينَ ٣٢
Qālat fadhālikunnal-ladhī lumtunnanī fīhi walaqad rāwattuhū 'an nafsihī fasta'sama wala'il lam yaf'al mā āmuruhū layusjananna walayakūnam minas-sāghirīn
32. Waxay tidhi: "Kani waa midkaad igu eedayseen, anigaana doonay naftiisa, wuuse is dhowray, hadduusanna falin waxaan amrayo, wallee waa la xabbisi, wuxuuna ka mid noqon kuwa la liido."
قَالَ رَبِّ ٱلسِّجۡنُ أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا يَدۡعُونَنِيٓ إِلَيۡهِۖ وَإِلَّا تَصۡرِفۡ عَنِّي كَيۡدَهُنَّ أَصۡبُ إِلَيۡهِنَّ وَأَكُن مِّنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ ٣٣
Qāla rabbis-sijnu ahabbu ilayya mimmā yad'ūnanī ilayhi wa illā tasrif 'annī kaydahunna asbu ilayhinna wa akum minal-jāhilīn
33. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Rabbiyow! Xabbiskaan ka jeclahay waxay iigu yeedhi (oo xume ah). Haddaadan iga weecin dhagartooda, waan u iilan oo ka mid noqon jaahiliinta."
فَٱسۡتَجَابَ لَهُۥ رَبُّهُۥ فَصَرَفَ عَنۡهُ كَيۡدَهُنَّۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٣٤
Fastajāba lahū rabbuhū fasarafa 'anhu kaydahunna innahū huwas-samī'ul-'alīm
34. Markaasuu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey dhagartooda, hubaal (Alle) waa Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoonaha ah.
ثُمَّ بَدَا لَهُم مِّنۢ بَعۡدِ مَا رَأَوُاْ ٱلۡأٓيَٰتِ لَيَسۡجُنُنَّهُۥ حَتَّىٰ حِينٖ ٣٥
Thumma badā lahum mim ba'di mā ra'awul-āyāti layasjununnahū hattā hīn
35. Dabeeto waxaa u muuqday kaddib markay arkeen caddeymaha 9 inay xidhaan ilaa muddo 10.
وَدَخَلَ مَعَهُ ٱلسِّجۡنَ فَتَيَانِۖ قَالَ أَحَدُهُمَآ إِنِّيٓ أَرَىٰنِيٓ أَعۡصِرُ خَمۡرٗاۖ وَقَالَ ٱلۡأٓخَرُ إِنِّيٓ أَرَىٰنِيٓ أَحۡمِلُ فَوۡقَ رَأۡسِي خُبۡزٗا تَأۡكُلُ ٱلطَّيۡرُ مِنۡهُۖ نَبِّئۡنَا بِتَأۡوِيلِهِۦٓۖ إِنَّا نَرَىٰكَ مِنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٣٦
Wadakhala ma'ahus-sijna fatayāni qāla ahaduhumā innī arānī a'siru khamran waqālal-ākharu innī arānī ahmilu fawqa ra'sī khubzan ta'kulut-tayru minhu nabbi'nā bita'wīlihī innā narāka minal-muhsinīn
36. Waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: "Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro." Kii kalena wuxuu yidhi: "Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cunayeen." Noo sheeg fasirkeeda. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
قَالَ لَا يَأۡتِيكُمَا طَعَامٞ تُرۡزَقَانِهِۦٓ إِلَّا نَبَّأۡتُكُمَا بِتَأۡوِيلِهِۦ قَبۡلَ أَن يَأۡتِيَكُمَاۚ ذَٰلِكُمَا مِمَّا عَلَّمَنِي رَبِّيٓۚ إِنِّي تَرَكۡتُ مِلَّةَ قَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ ٣٧
Qāla lā ya'tīkumā ta'āmun turzaqānihī illā nabba'tukumā bita'wīlihī qabla an ya'tiyakumā dhālikumā mimmā 'allamanī rabbī innī taraktu millata qawmil lā yu'minūna billāhi wahum bil-ākhirati hum kāfirūn
37. Wuxuu yidhi: "Ma jirto cunto la idin siin oo aanan idiin sheegi doonin fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Alle oo ah kuwa beeniya Aakhirada.
وَٱتَّبَعۡتُ مِلَّةَ ءَابَآءِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۚ مَا كَانَ لَنَآ أَن نُّشۡرِكَ بِٱللَّهِ مِن شَيۡءٖۚ ذَٰلِكَ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ عَلَيۡنَا وَعَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشۡكُرُونَ ٣٨
Wattaba'tu millata ābā'ī ibrāhīma wa ishāqa waya'qūba mā kāna lanā an nushrika billāhi min shay'in dhālika min fadlillāhi 'alaynā wa'alan-nāsi walākinna aktharan-nāsi lā yashkurūn
38. Waxaana raacay (Islaamka) diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan la wadaajinno Alle cibaadada waxna waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Alle noo galay innaga iyo dadkaba, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan 'Alle'.
يَٰصَٰحِبَيِ ٱلسِّجۡنِ ءَأَرۡبَابٞ مُّتَفَرِّقُونَ خَيۡرٌ أَمِ ٱللَّهُ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّارُ ٣٩
Yāsāhibayis-sijni a'arbābum mutafarriqūna khayrun amillāhul-wāhidul-qahhār
39. Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka, Maquuniya (daalimiinta iyo islaweynayaasha).
مَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ أَسۡمَآءٗ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِنِ ٱلۡحُكۡمُ إِلَّا لِلَّهِ أَمَرَ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّآ إِيَّاهُۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ ٤٠
Mā ta'budūna min dūnihī illā asmā'an sammaytumūhā antum wa ābā'ukum mā anzalallāhu bihā min sultānin inil-hukmu illā lillāhi amara allā ta'budū illā iyyāhu dhālikad-dīnul-qayyimu walākinna aktharan-nāsi lā ya'lamūn
40. Ma caabuddaan Alle Sokadi waxaan aheyn (sanammo aad) magacyo u bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah 11. Xukunka ma leh cidaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, dadka badankiisuse ma oga.
يَٰصَٰحِبَيِ ٱلسِّجۡنِ أَمَّآ أَحَدُكُمَا فَيَسۡقِي رَبَّهُۥ خَمۡرٗاۖ وَأَمَّا ٱلۡأٓخَرُ فَيُصۡلَبُ فَتَأۡكُلُ ٱلطَّيۡرُ مِن رَّأۡسِهِۦۚ قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ ٱلَّذِي فِيهِ تَسۡتَفۡتِيَانِ ٤١
Yāsāhibayis-sijni ammā ahadukumā fayasqī rabbahū khamran wa ammal-ākharu fayuslabu fata'kulut-tayru mir ra'sihī qudiyal-amrul-ladhī fīhi tastaftiyān
41. Labadayda Saaxiib ee xabsigow 12! Ma Midkiin, wuxuu u shubi mudanahiisa khamri uu cabbo, ma kan kale, waa la deldeli, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni madaxiisa. Arrinka waa la xukumay la xidhiidha waxaad iga wareysateen."
وَقَالَ لِلَّذِي ظَنَّ أَنَّهُۥ نَاجٖ مِّنۡهُمَا ٱذۡكُرۡنِي عِندَ رَبِّكَ فَأَنسَىٰهُ ٱلشَّيۡطَٰنُ ذِكۡرَ رَبِّهِۦ فَلَبِثَ فِي ٱلسِّجۡنِ بِضۡعَ سِنِينَ ٤٢
Waqāla lilladhī zanna annahū nājim minhumadhkurnī 'inda rabbika fa ansāhush-shaytānu dhikra rabbihī falabitha fis-sijni bid'a sinīn
42. Wuxuuna ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: "Igu xus mudanahaaga agtiisa"; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso mudanahiis, markaasuu ku sii jiray (Yuusuf) xabsiga dhowr sannadood.
وَقَالَ ٱلۡمَلِكُ إِنِّيٓ أَرَىٰ سَبۡعَ بَقَرَٰتٖ سِمَانٖ يَأۡكُلُهُنَّ سَبۡعٌ عِجَافٞ وَسَبۡعَ سُنۢبُلَٰتٍ خُضۡرٖ وَأُخَرَ يَابِسَٰتٖۖ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَأُ أَفۡتُونِي فِي رُءۡيَٰيَ إِن كُنتُمۡ لِلرُّءۡيَا تَعۡبُرُونَ ٤٣
Waqālal-maliku innī arā sab'a baqarātin simānin ya'kuluhunna sab'un 'ijāfun wasab'a sumbulātin khudrin wa ukhara yābisātin yā'ayyuhal-mala'u aftūnī fī ru'yāya in kuntum lir-ru'yā ta'burūn
43. Boqorkii wuxuu yidhi: "Waxaan arkay toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddaad fasiri kartaan riyooyinka."
قَالُوٓاْ أَضۡغَٰثُ أَحۡلَٰمٖۖ وَمَا نَحۡنُ بِتَأۡوِيلِ ٱلۡأَحۡلَٰمِ بِعَٰلِمِينَ ٤٤
Qālū adghāthu ahlāmin wamā nahnu bita'wīlil-ahlāmi bi'ālimīn
44. Waxay yidhaahdeen: "Waa riyooyin qarow isku qasan ah, innaguna ma naqaanno fasirka riyooyinka."
وَقَالَ ٱلَّذِي نَجَا مِنۡهُمَا وَٱدَّكَرَ بَعۡدَ أُمَّةٍ أَنَا۠ أُنَبِّئُكُم بِتَأۡوِيلِهِۦ فَأَرۡسِلُونِ ٤٥
Waqālal-ladhī najā minhumā waddakara ba'da ummatin ana unabbi'ukum bita'wīlihī fa arsilūn
45. Mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii badbaaday oo xusuustay (Yuusuf) muddo dheer kaddib baa yidhi: "Anigaa idiin sheegi fasirka riyadaase ee i dira."
يُوسُفُ أَيُّهَا ٱلصِّدِّيقُ أَفۡتِنَا فِي سَبۡعِ بَقَرَٰتٖ سِمَانٖ يَأۡكُلُهُنَّ سَبۡعٌ عِجَافٞ وَسَبۡعِ سُنۢبُلَٰتٍ خُضۡرٖ وَأُخَرَ يَابِسَٰتٖ لَّعَلِّيٓ أَرۡجِعُ إِلَى ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَعۡلَمُونَ ٤٦
Yūsufu ayyuhas-siddīqu aftinā fī sab'i baqarātin simānin ya'kuluhunna sab'un 'ijāfun wasab'i sumbulātin khudrin wa ukhara yābisātil la'allī arji'u ilan-nāsi la'allahum ya'lamūn
46. Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka riyada ah toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan.
قَالَ تَزۡرَعُونَ سَبۡعَ سِنِينَ دَأَبٗا فَمَا حَصَدتُّمۡ فَذَرُوهُ فِي سُنۢبُلِهِۦٓ إِلَّا قَلِيلٗا مِّمَّا تَأۡكُلُونَ ٤٧
Qāla tazra'ūna sab'a sinīna da'aban famā hasattum fadharūhu fī sumbulihī illā qalīlam mimmā ta'kulūn
47. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Waxaad wax beeran toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah intaad cuni.
ثُمَّ يَأۡتِي مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ سَبۡعٞ شِدَادٞ يَأۡكُلۡنَ مَا قَدَّمۡتُمۡ لَهُنَّ إِلَّا قَلِيلٗا مِّمَّا تُحۡصِنُونَ ٤٨
Thumma ya'tī mim ba'di dhālika sab'un shidādun ya'kulna mā qaddamtum lahunna illā qalīlam mimmā tuhsinūn
48. Markaas waxaa imaan intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni waxaad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah waxaad kaydsateen.
ثُمَّ يَأۡتِي مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ عَامٞ فِيهِ يُغَاثُ ٱلنَّاسُ وَفِيهِ يَعۡصِرُونَ ٤٩
Thumma ya'tī mim ba'di dhālika 'āmun fīhi yughāthun-nāsu wafīhi ya'sirūn
49. Markaas waxaa imaan intaas kaddib sano ay dadku heli roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo iyo zaytuun)."
وَقَالَ ٱلۡمَلِكُ ٱئۡتُونِي بِهِۦۖ فَلَمَّا جَآءَهُ ٱلرَّسُولُ قَالَ ٱرۡجِعۡ إِلَىٰ رَبِّكَ فَسۡـَٔلۡهُ مَا بَالُ ٱلنِّسۡوَةِ ٱلَّٰتِي قَطَّعۡنَ أَيۡدِيَهُنَّۚ إِنَّ رَبِّي بِكَيۡدِهِنَّ عَلِيمٞ ٥٠
Waqālal-maliku'tūnī bihī falammā jā'ahur-rasūlu qālarji' ilā rabbika fas'alhu mā bālun-niswatil-lātī qatta'na aydiyahunna inna rabbī bikaydihinna 'alīm
50. Boqorkii wuxuu yidhi: "Ii keena Yuusuf." Markuu farriin sidihii u yimid (Yuusuf), wuxuu yidhi: "U noqo mudanahaaga oo weydii muxuu ahaa xaalka haweenkii iska saray farahooda? Rabbigay waa og yahay dhagartooda."
قَالَ مَا خَطۡبُكُنَّ إِذۡ رَٰوَدتُّنَّ يُوسُفَ عَن نَّفۡسِهِۦۚ قُلۡنَ حَٰشَ لِلَّهِ مَا عَلِمۡنَا عَلَيۡهِ مِن سُوٓءٖۚ قَالَتِ ٱمۡرَأَتُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡـَٰٔنَ حَصۡحَصَ ٱلۡحَقُّ أَنَا۠ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفۡسِهِۦ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٥١
Qāla mā khatbukunna idh rāwattunna yūsufa 'an nafsihī qulna hāsha lillāhi mā 'alimnā 'alayhi min sū'in qālatimra'atul-'azīzil-'ana hashasal-haqqu ana rāwattuhū 'an nafsihī wa innahū laminas-sādiqīn
51. Wuxuu yidhi: "Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf?" Waxay yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan (ceeb oo iin lahayn)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa" 13. Marwadii wasiirkana waxay tidhi: "Hataan xaqu waa cad yahay, anigaa doonay inaan u soo jiido xumaan (zino), isaguna run buu sheegi."
ذَٰلِكَ لِيَعۡلَمَ أَنِّي لَمۡ أَخُنۡهُ بِٱلۡغَيۡبِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي كَيۡدَ ٱلۡخَآئِنِينَ ٥٢
Dhālika liya'lama annī lam akhunhu bil-ghaybi wa annallāha lā yahdī kaydal-khā'inīn
52. Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Alle toosinin dhagarta khaa’iniinta.
۞ وَمَآ أُبَرِّئُ نَفۡسِيٓۚ إِنَّ ٱلنَّفۡسَ لَأَمَّارَةُۢ بِٱلسُّوٓءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّيٓۚ إِنَّ رَبِّي غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٥٣
Wamā ubarri'u nafsī innan-nafsa la ammāratu bis-sū'i illā mā rahima rabbī inna rabbī ghafūrur rahīm
53. Ma eed tirayo nafteyda 14, naftu waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. Hubaal Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
وَقَالَ ٱلۡمَلِكُ ٱئۡتُونِي بِهِۦٓ أَسۡتَخۡلِصۡهُ لِنَفۡسِيۖ فَلَمَّا كَلَّمَهُۥ قَالَ إِنَّكَ ٱلۡيَوۡمَ لَدَيۡنَا مَكِينٌ أَمِينٞ ٥٤
Waqālal-maliku'tūnī bihī astakhlishu linafsī falammā kallamahū qāla innakal-yawma ladaynā makīnun amīn
54. Boqorkii wuxuu yidhi: "Ii keena Yuusuf, waxaan u gaar yeeli nafteyda (la taliyaheyga ahaan)." Markuu la hadlayna, wuxuu yidhi: "Waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino."
قَالَ ٱجۡعَلۡنِي عَلَىٰ خَزَآئِنِ ٱلۡأَرۡضِۖ إِنِّي حَفِيظٌ عَلِيمٞ ٥٥
Qālaj'alnī 'alā khazā'inil-ardi innī hafīzun 'alīm
55. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada (maaliyadda iyo qorsheynta). Waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh."
وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَتَبَوَّأُ مِنۡهَا حَيۡثُ يَشَآءُۚ نُصِيبُ بِرَحۡمَتِنَا مَن نَّشَآءُۖ وَلَا نُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٥٦
Wakadhālika makkannā liyūsufa fil-ardi yatabawwa'u minhā haythu yashā'u nusību birahmatinā man nashā'u walā nudī'u ajral-muhsinīn
56. Sidaasaan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada (Masar), wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meeshuu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada ciddaan doonno, mana dayacno abaalka sama falayaasha.
وَلَأَجۡرُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ ٥٧
Wala'ajrul-ākhirati khayrul lilladhīna āmanū wakānū yattaqūn
57. Ajarka Aakhiraana u khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee iska jira xumaha.
وَجَآءَ إِخۡوَةُ يُوسُفَ فَدَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَعَرَفَهُمۡ وَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ ٥٨
Wajā'a ikhwatu yūsufa fadakhalū 'alayhi fa'arafahum wahum lahū munkirūn
58.Yuusuf walaalihiis baa yimid 15, markaasay u soo galeen, wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn 16.
وَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمۡ قَالَ ٱئۡتُونِي بِأَخٖ لَّكُم مِّنۡ أَبِيكُمۡۚ أَلَا تَرَوۡنَ أَنِّيٓ أُوفِي ٱلۡكَيۡلَ وَأَنَا۠ خَيۡرُ ٱلۡمُنزِلِينَ ٥٩
Walammā jahhazahum bijahāzihim qāla'tūnī bi akhil lakum min abīkum alā tarawna annī ūfil-kayla wa ana khayrul-munzilīn
59.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa?
فَإِن لَّمۡ تَأۡتُونِي بِهِۦ فَلَا كَيۡلَ لَكُمۡ عِندِي وَلَا تَقۡرَبُونِ ٦٠
Fa il lam ta'tūnī bihī falā kayla lakum 'indī walā taqrabūn
60. Haddaydaan ii keeninna (walaakiin), kama heleysaan beeg xaggeyga, mana ii soo dhowaaneysaan (mar kale).
قَالُواْ سَنُرَٰوِدُ عَنۡهُ أَبَاهُ وَإِنَّا لَفَٰعِلُونَ ٦١
Qālū sanurāwidu 'anhu abāhu wa innā lafā'ilūn
61. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu ka dhaadhicin aabbihi, waana faleynaa sidaas.
وَقَالَ لِفِتۡيَٰنِهِ ٱجۡعَلُواْ بِضَٰعَتَهُمۡ فِي رِحَالِهِمۡ لَعَلَّهُمۡ يَعۡرِفُونَهَآ إِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمۡ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ ٦٢
Waqāla lifityānihij'alū bidā'atahum fī rihālihim la'allahum ya'rifūnahā idhanqalabū ilā ahlihim la'allahum yarji'ūn
62. Wuxuuna, ku yidhi shaqaalahiisii: "U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda 17, si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda (oo u tixgeliyaan) si ay u soo laabtaan."
فَلَمَّا رَجَعُوٓاْ إِلَىٰٓ أَبِيهِمۡ قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا مُنِعَ مِنَّا ٱلۡكَيۡلُ فَأَرۡسِلۡ مَعَنَآ أَخَانَا نَكۡتَلۡ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ ٦٣
Falammā raja'ū ilā abīhim qālū yā'abānā muni'a minnal-kaylu fa arsil ma'anā akhānā naktal wa innā lahū lahāfizūn
63. Markay u noqdeen aabbahood, waxay yidhaahdeen: "Aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib hadduuna walaalkayo Binyaamiin na raacin). Ee nagu dar walaalkayo 18, waxaanu soo heli beeg dhan, innaguna waanu ilaalin isaga."
قَالَ هَلۡ ءَامَنُكُمۡ عَلَيۡهِ إِلَّا كَمَآ أَمِنتُكُمۡ عَلَىٰٓ أَخِيهِ مِن قَبۡلُ فَٱللَّهُ خَيۡرٌ حَٰفِظٗاۖ وَهُوَ أَرۡحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ ٦٤
Qāla hal āmanukum 'alayhi illā kamā amintukum 'alā akhīhi min qablu fallāhu khayrun hāfizan wahuwa arhamur-rāhimīn
64. (Yacquub) wuxuu yidhi: Miyaan idinku aamini karaa waxaan ahayn sidaan idiinku aaminay walaalki (Yuusuf) awal hore. Alle baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye ahaan, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
وَلَمَّا فَتَحُواْ مَتَٰعَهُمۡ وَجَدُواْ بِضَٰعَتَهُمۡ رُدَّتۡ إِلَيۡهِمۡۖ قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا مَا نَبۡغِيۖ هَٰذِهِۦ بِضَٰعَتُنَا رُدَّتۡ إِلَيۡنَاۖ وَنَمِيرُ أَهۡلَنَا وَنَحۡفَظُ أَخَانَا وَنَزۡدَادُ كَيۡلَ بَعِيرٖۖ ذَٰلِكَ كَيۡلٞ يَسِيرٞ ٦٥
Walammā fatahū matā'ahum wajadū bidā'atahum ruddat ilayhim qālū yā'abānā mā nabghī hādhihī bidā'atunā ruddat ilaynā wanamīru ahlanā wanahfazu akhānā wanazdādu kayla ba'īrin dhālika kaylun yasīr
65. Markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay 19. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keeni haruur (hor leh) reerkayaga waana ilaalin walaalkayo oo soo kororsan rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan 20.
قَالَ لَنۡ أُرۡسِلَهُۥ مَعَكُمۡ حَتَّىٰ تُؤۡتُونِ مَوۡثِقٗا مِّنَ ٱللَّهِ لَتَأۡتُنَّنِي بِهِۦٓ إِلَّآ أَن يُحَاطَ بِكُمۡۖ فَلَمَّآ ءَاتَوۡهُ مَوۡثِقَهُمۡ قَالَ ٱللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٞ ٦٦
Qāla lan ursilahū ma'akum hattā tu'tūni mawthiqam minallāhi lata'tunnanī bihī illā an yuhāta bikum falammā ātawhu mawthiqahum qālallāhu 'alā mā naqūlu wakīl
66. Wuxuu (Yacquub) yidhi: Idinla diri maayo jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Alle, inaad dib iigu keeneysaan, in (col) idin hareereeyo maahee, markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Alle baa marag ka ah waxaanu leennahay.
وَقَالَ يَٰبَنِيَّ لَا تَدۡخُلُواْ مِنۢ بَابٖ وَٰحِدٖ وَٱدۡخُلُواْ مِنۡ أَبۡوَٰبٖ مُّتَفَرِّقَةٖۖ وَمَآ أُغۡنِي عَنكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٍۖ إِنِ ٱلۡحُكۡمُ إِلَّا لِلَّهِۖ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُۖ وَعَلَيۡهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ ٦٧
Waqāla yābaniyya lā tadkhulū mim bābin wāhidin wadkhulū min abwābim mutafarriqatin wamā ughnī 'ankum minallāhi min shay'in inil-hukmu illā lillāhi 'alayhi tawakkaltu wa'alayhi falyatawakkalil-mutawakkilūn
67. Wuxuuna yidhi: Maandhooyinow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Alle. Xukunka waxaa iska leh Alle Keliya. Isagaan tala saartay, ee Isaga uun ha tala saarteen oo ha isku halleeyeen kuwa wax tala saarta.
وَلَمَّا دَخَلُواْ مِنۡ حَيۡثُ أَمَرَهُمۡ أَبُوهُم مَّا كَانَ يُغۡنِي عَنۡهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٍ إِلَّا حَاجَةٗ فِي نَفۡسِ يَعۡقُوبَ قَضَىٰهَاۚ وَإِنَّهُۥ لَذُو عِلۡمٖ لِّمَا عَلَّمۡنَٰهُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ ٦٨
Walammā dakhalū min haythu amarahum abūhum mā kāna yughnī 'anhum minallāhi min shay'in illā hājatan fī nafsi ya'qūba qadāhā wa innahū ladhū 'ilmil limā 'allamnāhu walākinna aktharan-nāsi lā ya'lamūn
68. Markay u galeen (magaalada) siduu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Alle, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Wuxuuna lahaa cilmi, waxa aanu barnay ah, dadka badankiisuse ma oga.
وَلَمَّا دَخَلُواْ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيۡهِ أَخَاهُۖ قَالَ إِنِّيٓ أَنَا۠ أَخُوكَ فَلَا تَبۡتَئِسۡ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٦٩
Walammā dakhalū 'alā yūsufa āwā ilayhi akhāhu qāla innī ana akhūka falā tabta'is bimā kānū ya'malūn
69. Markay u galeen Yuusuf, wuxuu u soo dhoweeyey xaggiisa walaalki oo ku yidhi: Anigu waxaan ahay walaalkaa, ee ha ka xumaan waxay falayeen.
فَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمۡ جَعَلَ ٱلسِّقَايَةَ فِي رَحۡلِ أَخِيهِ ثُمَّ أَذَّنَ مُؤَذِّنٌ أَيَّتُهَا ٱلۡعِيرُ إِنَّكُمۡ لَسَٰرِقُونَ ٧٠
Falammā jahhazahum bijahāzihim ja'alas-siqāyata fī rahli akhīhi thumma addhana mu'addhinun ayyatuhal-'īru innakum lasāriqūn
70.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey rarkii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad tihiin tuugo.
قَالُواْ وَأَقۡبَلُواْ عَلَيۡهِم مَّاذَا تَفۡقِدُونَ ٧١
Qālū wa aqbalū 'alayhim mādhā tafqidūn
71. Intay ku soo jeesadeen bay waxay yidhaahdeen:waa maxay waxaad weydeen.
قَالُواْ نَفۡقِدُ صُوَاعَ ٱلۡمَلِكِ وَلِمَن جَآءَ بِهِۦ حِمۡلُ بَعِيرٖ وَأَنَا۠ بِهِۦ زَعِيمٞ ٧٢
Qālū nafqidu suwā'al-maliki waliman jā'a bihī himlu ba'īrin wa ana bihī za'īm
72. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii 21 wax lagu beegayey ee boqorka, kii keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); anigaana ka damiin ah.
قَالُواْ تَٱللَّهِ لَقَدۡ عَلِمۡتُم مَّا جِئۡنَا لِنُفۡسِدَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كُنَّا سَٰرِقِينَ ٧٣
Qālū tallāhi laqad 'alimtum mā ji'nā linufsida fil-ardi wamā kunnā sāriqīn
73. Waxay yidhaahdeen: Tallaahiye! Waad og tihiin inaannu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, mana ahin tuugo.
قَالُواْ فَمَا جَزَٰٓؤُهُۥٓ إِن كُنتُمۡ كَٰذِبِينَ ٧٤
Qālū famā jazā'uhū in kuntum kādhibīn
74. Waxay yidhaahdeen: Waa maxay jazaha arrinkani 22, haddaad been sheegeysaan?
قَالُواْ جَزَٰٓؤُهُۥ مَن وُجِدَ فِي رَحۡلِهِۦ فَهُوَ جَزَٰٓؤُهُۥۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلظَّٰلِمِينَ ٧٥
Qālū jazā'uhū man wujida fī rahlihī fahuwa jazā'uhū kadhālika najziz-zālimīn
75. Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani 23 waa in kii rarkiisa laga dhex helo loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaasaan ku jaazaynaa daalimiinta (denbiilayaasha).
فَبَدَأَ بِأَوۡعِيَتِهِمۡ قَبۡلَ وِعَآءِ أَخِيهِ ثُمَّ ٱسۡتَخۡرَجَهَا مِن وِعَآءِ أَخِيهِۚ كَذَٰلِكَ كِدۡنَا لِيُوسُفَۖ مَا كَانَ لِيَأۡخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ ٱلۡمَلِكِ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ نَرۡفَعُ دَرَجَٰتٖ مَّن نَّشَآءُۗ وَفَوۡقَ كُلِّ ذِي عِلۡمٍ عَلِيمٞ ٧٦
Fabada'a bi aw'iyatihim qabla wi'ā'i akhīhi thummastakhrajahā min wi'ā'i akhīhi kadhālika kidnā liyūsufa mā kāna liya'khudha akhāhu fī dīnil-maliki illā an yashā'allāhu narfa'u darajātim man nashā'u wafawqa kulli dhī 'ilmin 'alīm
76. Wuxuuna ka billaabay (fatashiddii) weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaasaan wax ugu tabeynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Alle doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin ciddaan doonno, waxaana ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah).
۞ قَالُوٓاْ إِن يَسۡرِقۡ فَقَدۡ سَرَقَ أَخٞ لَّهُۥ مِن قَبۡلُۚ فَأَسَرَّهَا يُوسُفُ فِي نَفۡسِهِۦ وَلَمۡ يُبۡدِهَا لَهُمۡۚ قَالَ أَنتُمۡ شَرّٞ مَّكَانٗاۖ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا تَصِفُونَ ٧٧
Qālū in yasriq faqad saraqa akhul lahū min qablu fa asarrahā yūsufu fī nafsihī walam yubdihā lahum qāla antum sharrum makānan wallāhu a'lamu bimā tasifūn
77. Waxay yidhaahdeen: Hadduu wax xaday, mid la walaal ah (Yuusuf) baa wax xaday waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay 24, umana muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa ka shar badan. Alle dhab u Ogsoon waxaad sheegeysaan.
قَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡعَزِيزُ إِنَّ لَهُۥٓ أَبٗا شَيۡخٗا كَبِيرٗا فَخُذۡ أَحَدَنَا مَكَانَهُۥٓۖ إِنَّا نَرَىٰكَ مِنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٧٨
Qālū yā'ayyuhal-'azīzu inna lahū aban shaykhan kabīran fakhudh ahadanā makānahū innā narāka minal-muhsinīn
78. Waxay yidhaahdeen: Mudanow 25! Wuxuu leeyahay aabbe, oday weyn ah, ee midkayo u qaado meeshiisa. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.
قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِ أَن نَّأۡخُذَ إِلَّا مَن وَجَدۡنَا مَتَٰعَنَا عِندَهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّظَٰلِمُونَ ٧٩
Qāla ma'ādhallāhi an na'khudha illā man wajadnā matā'anā 'indahū innā idhal lazālimūn
79. Wuxuu yidhi: Allaan ka magan galay inaan qaadanno qofaan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (Haddaan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
فَلَمَّا ٱسۡتَيۡـَٔسُواْ مِنۡهُ خَلَصُواْ نَجِيّٗاۖ قَالَ كَبِيرُهُمۡ أَلَمۡ تَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ أَبَاكُمۡ قَدۡ أَخَذَ عَلَيۡكُم مَّوۡثِقٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَمِن قَبۡلُ مَا فَرَّطتُمۡ فِي يُوسُفَۖ فَلَنۡ أَبۡرَحَ ٱلۡأَرۡضَ حَتَّىٰ يَأۡذَنَ لِيٓ أَبِيٓ أَوۡ يَحۡكُمَ ٱللَّهُ لِيۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡحَٰكِمِينَ ٨٠
Falammastay'asū minhu khalasū najiyyan qāla kabīruhum alam ta'lamū anna abākum qad akhadha 'alaykum mawthiqam minallāhi wamin qablu mā farrattum fī yūsufa falan abrahal-arda hattā ya'dhana lī abī aw yahkumallāhu lī wahuwa khayrul-hākimīn
80. Markay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Alle, iyo sidaad horeyba ugu gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu kama tegayo arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Alle xukumo arrinkayga 26, Isagaana u wanaagsan inta wax Xukunta.
ٱرۡجِعُوٓاْ إِلَىٰٓ أَبِيكُمۡ فَقُولُواْ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّ ٱبۡنَكَ سَرَقَ وَمَا شَهِدۡنَآ إِلَّا بِمَا عَلِمۡنَا وَمَا كُنَّا لِلۡغَيۡبِ حَٰفِظِينَ ٨١
Irji'ū ilā abīkum faqūlū yā'abānā innabnaka saraqa wamā shahidnā illā bimā 'alimnā wamā kunnā lil-ghaybi hāfizīn
81. U noqda Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Wiilkaagii wax buu xaday, mana marag fureyno waxaan ognahay mooyee, mana nihin kuwo og waxa qarsoon aan muuqan 27.
وَسۡـَٔلِ ٱلۡقَرۡيَةَ ٱلَّتِي كُنَّا فِيهَا وَٱلۡعِيرَ ٱلَّتِيٓ أَقۡبَلۡنَا فِيهَاۖ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ ٨٢
Was'alil-qaryatal-latī kunnā fīhā wal-'īral-latī aqbalnā fīhā wa innā lasādiqūn
82. Weydii (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo run baan sheegeynaa.
قَالَ بَلۡ سَوَّلَتۡ لَكُمۡ أَنفُسُكُمۡ أَمۡرٗاۖ فَصَبۡرٞ جَمِيلٌۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَأۡتِيَنِي بِهِمۡ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ ٨٣
Qāla bal sawwalat lakum anfusukum amran fasabrun jamīlun 'asallāhu an ya'tiyanī bihim jamī'an innahū huwal-'alīmul-hakīm
83. (Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin qurxisay arrin. Ee samir qurxoon (baa ila gudboon). Waa intaasoo Alle (dib) iigu keeno iyagoo dhan. Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
وَتَوَلَّىٰ عَنۡهُمۡ وَقَالَ يَٰٓأَسَفَىٰ عَلَىٰ يُوسُفَ وَٱبۡيَضَّتۡ عَيۡنَاهُ مِنَ ٱلۡحُزۡنِ فَهُوَ كَظِيمٞ ٨٤
Watawallā 'anhum waqāla yā'asafā 'alā yūsufa wabyaddat 'aynāhu minal-huzni fahuwa kazīm
84. Wuuna ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Waxayna la caddaadeen indhahiisu murugo darteed 28 isagoo ahaa mid tiiraanyeysan.
قَالُواْ تَٱللَّهِ تَفۡتَؤُاْ تَذۡكُرُ يُوسُفَ حَتَّىٰ تَكُونَ حَرَضًا أَوۡ تَكُونَ مِنَ ٱلۡهَٰلِكِينَ ٨٥
Qālū tallāhi tafta'u tadhkuru yūsufa hattā takūna haradan aw takūna minal-hālikīn
85. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! ma dayn doontid hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad dhimato.
قَالَ إِنَّمَآ أَشۡكُواْ بَثِّي وَحُزۡنِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَأَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ ٨٦
Qāla innamā ashkū batthī wahuznī ilallāhi wa a'lamu minallāhi mā lā ta'lamūn
86. Wuxuu yidhi: Waxaan uun u sheegan baahideyda iyo walbahaarkeyga Alle, waxaana ka ogahay xagga Alle 29 wax aydaan ogayn.
يَٰبَنِيَّ ٱذۡهَبُواْ فَتَحَسَّسُواْ مِن يُوسُفَ وَأَخِيهِ وَلَا تَاْيۡـَٔسُواْ مِن رَّوۡحِ ٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ لَا يَاْيۡـَٔسُ مِن رَّوۡحِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ ٨٧
Yābaniyyadhhabū fatahassasū min yūsufa wa akhīhi walā tay'asū mir rawhillāhi innahū lā yay'asu mir rawhillāhi illal-qawmul-kāfirūn
87. Maandhooyinow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, hana ka quusannina Naxariista Alle. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Alle aan aheyn qoloda gaalada ah.
فَلَمَّا دَخَلُواْ عَلَيۡهِ قَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡعَزِيزُ مَسَّنَا وَأَهۡلَنَا ٱلضُّرُّ وَجِئۡنَا بِبِضَٰعَةٖ مُّزۡجَىٰةٖ فَأَوۡفِ لَنَا ٱلۡكَيۡلَ وَتَصَدَّقۡ عَلَيۡنَآۖ إِنَّ ٱللَّهَ يَجۡزِي ٱلۡمُتَصَدِّقِينَ ٨٨
Falammā dakhalū 'alayhi qālū yā'ayyuhal-'azīzu massanā wa ahlanad-durru waji'nā bibidā'atim muzjātin fa awfi lanal-kayla watasaddaq 'alaynā innallāha yajzil-mutasaddiqīn
88. Markay u soo galeen (Yuusuf), waxay yidhaahdeen: Mudanow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, waxaana la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo wax nagu sadaqeyso. Hubaal, Alle baa u abaal guda kuwa wax sadaqeysta.
قَالَ هَلۡ عَلِمۡتُم مَّا فَعَلۡتُم بِيُوسُفَ وَأَخِيهِ إِذۡ أَنتُمۡ جَٰهِلُونَ ٨٩
Qāla hal 'alimtum mā fa'altum biyūsufa wa akhīhi idh antum jāhilūn
89. Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidaad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin?
قَالُوٓاْ أَءِنَّكَ لَأَنتَ يُوسُفُۖ قَالَ أَنَا۠ يُوسُفُ وَهَٰذَآ أَخِيۖ قَدۡ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَآۖ إِنَّهُۥ مَن يَتَّقِ وَيَصۡبِرۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٩٠
Qālū a'innaka la anta yūsufu qāla ana yūsufu wahādhā akhī qad mannallāhu 'alaynā innahū man yattaqi wayasbir fa innallāha lā yudī'u ajral-muhsinīn
90. Waxay yidhaahdeen: Adigu ma Yuusuf baa tahay? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, kanina waa walaalkay. Alle baa runtii noo nicmeeyey. Hubaal, kii isagu iska dhowra (xume) oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), hubaal Alle ma dayaco abaalka sama falayaasha.
قَالُواْ تَٱللَّهِ لَقَدۡ ءَاثَرَكَ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا وَإِن كُنَّا لَخَٰطِـِٔينَ ٩١
Qālū tallāhi laqad ātharakallāhu 'alaynā wa in kunnā lakhāti'īn
91. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaa runtii naga kaa doortay Alle, innaguna waa gefsaneyn.
قَالَ لَا تَثۡرِيبَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡيَوۡمَۖ يَغۡفِرُ ٱللَّهُ لَكُمۡۖ وَهُوَ أَرۡحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ ٩٢
Qāla lā tathrība 'alaykumul-yawma yaghfirullāhu lakum wahuwa arhamur-rāhimīn
92. (Yuusuf) wuxuu yidhi: Canaan korkiinna ma aha maanta, Allaha idiin dembi dhaafo, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
ٱذۡهَبُواْ بِقَمِيصِي هَٰذَا فَأَلۡقُوهُ عَلَىٰ وَجۡهِ أَبِي يَأۡتِ بَصِيرٗا وَأۡتُونِي بِأَهۡلِكُمۡ أَجۡمَعِينَ ٩٣
Idhhabū biqamīsī hādhā fa alqūhu 'alā wajhi abī ya'ti basīran wa tūnī bi ahlikum ajma'īn
93. Qaata shaarkaygaan oo ku tuura wajiga aabbahay, wuxuu noqon mid wax arka, oo ii keena ehelediinna oo dhan.
وَلَمَّا فَصَلَتِ ٱلۡعِيرُ قَالَ أَبُوهُمۡ إِنِّي لَأَجِدُ رِيحَ يُوسُفَۖ لَوۡلَآ أَن تُفَنِّدُونِ ٩٤
Walammā fasalatil-'īru qāla abūhum innī la ajidu rīha yūsufa lawlā an tufannidūn
94. Markuu safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Anigu waxaan heli caraftii Yuusuf, haddaydaan i dhaliileyn 30.
قَالُواْ تَٱللَّهِ إِنَّكَ لَفِي ضَلَٰلِكَ ٱلۡقَدِيمِ ٩٥
Qālū tallāhi innaka lafī dalālikal-qadīm
95. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaad ku sugan tahay gefkaagii hore.
فَلَمَّآ أَن جَآءَ ٱلۡبَشِيرُ أَلۡقَىٰهُ عَلَىٰ وَجۡهِهِۦ فَٱرۡتَدَّ بَصِيرٗاۖ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ ٩٦
Falammā an jā'al-bashīru alqāhu 'alā wajhihī fartadda basīran qāla alam aqul lakum innī a'lamu minallāhi mā lā ta'lamūn
96. Markuu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray 'shaarkii' 31 wajigiisa, markaasuu noqday mid wax arka; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu ka ogahay xagga Alle wax aydaan ogayn.
قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا ٱسۡتَغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَآ إِنَّا كُنَّا خَٰطِـِٔينَ ٩٧
Qālū yā'abānastaghfir lanā dhunūbanā innā kunnā khāti'īn
97. Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo denbi dhaaf dalab, waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan.
قَالَ سَوۡفَ أَسۡتَغۡفِرُ لَكُمۡ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ٩٨
Qāla sawfa astaghfiru lakum rabbī innahū huwal-ghafūrur-rahīm
98. Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin Rabbigay denbi dhaaf, hubaal, waa Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
فَلَمَّا دَخَلُواْ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيۡهِ أَبَوَيۡهِ وَقَالَ ٱدۡخُلُواْ مِصۡرَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ ٩٩
Falammā dakhalū 'alā yūsufa āwā ilayhi abawayhi waqāladkhulū misra in shā'allāhu āminīn
99. Markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu u soo dumay Xaggiisa labadiisii waalid oo yidhi: Gala Masar, haddii Alle idmo, idinkoo aamin ah nabdoon.
وَرَفَعَ أَبَوَيۡهِ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ وَخَرُّواْ لَهُۥ سُجَّدٗاۖ وَقَالَ يَٰٓأَبَتِ هَٰذَا تَأۡوِيلُ رُءۡيَٰيَ مِن قَبۡلُ قَدۡ جَعَلَهَا رَبِّي حَقّٗاۖ وَقَدۡ أَحۡسَنَ بِيٓ إِذۡ أَخۡرَجَنِي مِنَ ٱلسِّجۡنِ وَجَآءَ بِكُم مِّنَ ٱلۡبَدۡوِ مِنۢ بَعۡدِ أَن نَّزَغَ ٱلشَّيۡطَٰنُ بَيۡنِي وَبَيۡنَ إِخۡوَتِيٓۚ إِنَّ رَبِّي لَطِيفٞ لِّمَا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ ١٠٠
Warafa'a abawayhi 'alal-'arshi wakharrū lahū sujjadan waqāla yā'abati hādhā ta'wīlu ru'yāya min qablu qad ja'alahā rabbī haqqan waqad ahsana bī idh akhrajanī minas-sijni wajā'a bikum minal-badwi mim ba'di an nazaghash-shaytānu baynī wabayna ikhwatī inna rabbī latīful limā yashā'u innahū huwal-'alīmul-hakīm
100. Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud 32, wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq. Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. Hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
۞ رَبِّ قَدۡ ءَاتَيۡتَنِي مِنَ ٱلۡمُلۡكِ وَعَلَّمۡتَنِي مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِۚ فَاطِرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَنتَ وَلِيِّۦ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ تَوَفَّنِي مُسۡلِمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ ١٠١
Rabbi qad ātaytanī minal-mulki wa'allamtanī min ta'wīlil-ahādīthi fātiras-samāwāti wal-ardi anta waliyyī fid-dunyā wal-ākhirati tawaffanī musliman wa alhiqnī bis-sālihīn
101. Rabbiyow! Waxaad i siisay xukun, oo i bartay fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka); Kan (Keliya) ee Aheysiiyow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, ina haleeshii kuwa wanaagsan.
ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡغَيۡبِ نُوحِيهِ إِلَيۡكَۖ وَمَا كُنتَ لَدَيۡهِمۡ إِذۡ أَجۡمَعُوٓاْ أَمۡرَهُمۡ وَهُمۡ يَمۡكُرُونَ ١٠٢
Dhālika min ambā'il-ghaybi nūhīhi ilayka wamā kunta ladayhim idh ajma'ū amrahum wahum yamkurūn
102. Kani waa wax ka mid ah wararka la xidhiidha waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno (Nabiyow). Ma aad aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii iyagoo abaabulayey shirqoollo.
وَمَآ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ وَلَوۡ حَرَصۡتَ بِمُؤۡمِنِينَ ١٠٣
Wamā aktharun-nāsi walaw harasta bimu'minīn
103. Dadka badankiisu ma rumeeyaan (Xaqa) si kastoo aad ugu dadaasho.
وَمَا تَسۡـَٔلُهُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ ١٠٤
Wamā tas'aluhum 'alayhi min ajrin in huwa illā dhikrul lil-'ālamīn
104. Wax abaalgud ahna kuma weydiisatid (Qur’aan)kani darti; (Qur’aankani) wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka.
وَكَأَيِّن مِّنۡ ءَايَةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ يَمُرُّونَ عَلَيۡهَا وَهُمۡ عَنۡهَا مُعۡرِضُونَ ١٠٥
Waka'ayyim min āyatin fis-samāwāti wal-ardi yamurrūna 'alayhā wahum 'anhā mu'ridūn
105. Badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan iyagoo ka jeedsan.
وَمَا يُؤۡمِنُ أَكۡثَرُهُم بِٱللَّهِ إِلَّا وَهُم مُّشۡرِكُونَ ١٠٦
Wamā yu'minu aktharuhum billāhi illā wahum mushrikūn
106. Badankoodna ma rumeeyaan Alle iyagoo wax la wadaajinaya (cibaadada) maahee oo u shariig yeelaya.
أَفَأَمِنُوٓاْ أَن تَأۡتِيَهُمۡ غَٰشِيَةٞ مِّنۡ عَذَابِ ٱللَّهِ أَوۡ تَأۡتِيَهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ١٠٧
Afa'aminū an ta'tiyahum ghāshiyatum min 'adhābillāhi aw ta'tiyahumus-sā'atu baghtatan wahum lā yash'urūn
107. Ee ma waxay (dadku) ka yihiin aamin inay u timaaddo daboosho Cadaabka Alle ah, ama ugu timaaddo Saacadda (Qiyaame) kedis iyagoon dareemeyn.
قُلۡ هَٰذِهِۦ سَبِيلِيٓ أَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا۠ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِيۖ وَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ١٠٨
Qul hādhihī sabīlī ad'ū ilallāhi 'alā basīratin ana wamanit-taba'anī wasubhānallāhi wamā ana minal-mushrikīn
108. Dheh: Kani (Islaamka) waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Alle, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Xurmo oo dhanna waxaa iska leh oo (xumaan) ka Hufan Alle, aniguna ka mid ma ahi mushrikiinta.
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡقُرَىٰٓۗ أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۗ وَلَدَارُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ١٠٩
Wamā arsalnā min qablika illā rijālan nūhī ilayhim min ahlil-qurā afalam yasīrū fil-ardi fayanzurū kayfa kāna 'āqibatul-ladhīna min qablihim waladārul-ākhirati khayrul lilladhīnat-taqaw afalā ta'qilūn
109. Ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay. Ee miyeyna 33 marin dhulka oo fiirinin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee Xaqa beeniyey)? Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha). Ee miyeydaan garowsaneyn?
حَتَّىٰٓ إِذَا ٱسۡتَيۡـَٔسَ ٱلرُّسُلُ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ قَدۡ كُذِبُواْ جَآءَهُمۡ نَصۡرُنَا فَنُجِّيَ مَن نَّشَآءُۖ وَلَا يُرَدُّ بَأۡسُنَا عَنِ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ١١٠
Hattā idhastay'asar-rusulu wazannū annahum qad kudhibū jā'ahum nasrunā fanujjiya man nashā'u walā yuraddu ba sunā 'anil-qawmil-mujrimīn
110. Jeer markay Rusushu quustaan oo ya- qiinsadaan in la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo Baaskayaga qoloda denbiilayaasha ah.
لَقَدۡ كَانَ فِي قَصَصِهِمۡ عِبۡرَةٞ لِّأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِۗ مَا كَانَ حَدِيثٗا يُفۡتَرَىٰ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ ١١١
Laqad kāna fī qasasihim 'ibratul li ulil-albābi mā kāna hadīthan yuftarā walākin tasdīqal-ladhī bayna yadayhi watafsīla kulli shay'in wahudan warahmatal liqawmin yu'minūn
111. Waxaa dhab ahaan ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha (Qur’aankani) hadal la been abuurtay, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), iyo caddeynta wax kasta 34, waana u hanuun iyo naxariis ciddii rumayn (Xaqa).
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda Yusuf waxay leedahay 111 aayadood. Waa suuradda 12 ee Qur'aanka.
Suuradda Yusuf waa suurad Makki ah.
Suuradda Yusuf waxay ku jirtaa juz' 12, 13.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.