Suuradda Ar-Ra'd الرعد

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓمٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِۗ وَٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ ٱلۡحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ ١

Alif Lām Mīm Rā tilka āyātul-kitābi walladhī unzila ilayka mir rabbikal-haqqu walākinna aktharan-nāsi lā yu'minūn

1. Alif Laam Miim Raa 1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka), oo (Waxyiga) lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa waa Xaq, dadka badankiisuse ma rumeeyaan.

ٱللَّهُ ٱلَّذِي رَفَعَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيۡرِ عَمَدٖ تَرَوۡنَهَاۖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ يُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُم بِلِقَآءِ رَبِّكُمۡ تُوقِنُونَ ٢

Allāhul-ladhī rafa'as-samāwāti bighayri 'amadin tarawnahā thummastawā 'alal-'arshi wasakkharash-shamsa wal-qamara kullun yajrī li ajalim musamman yudabbirul-amra yufassilul-āyāti la'allakum biliqā'i rabbikum tūqinūn

2. Alle waa Kan kor yeelay samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga, Wuxuu (idiin) sakhiray qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti magacaaban, Wuxuu isku dubbiradaa oo maamulaa arrin walba (ee uunka), ka yeelaa caddaan Aayadaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin.

وَهُوَ ٱلَّذِي مَدَّ ٱلۡأَرۡضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۡهَٰرٗاۖ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ جَعَلَ فِيهَا زَوۡجَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِۖ يُغۡشِي ٱلَّيۡلَ ٱلنَّهَارَۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ ٣

Wahuwal-ladhī maddal-arda waja'ala fīhā rawāsiya wa anhāran wamin kullith-thamarāti ja'ala fīhā zawjaynithnayni yughshil-laylan-nahāra inna fī dhālika la'āyātil liqawmin yatafakkarūn

3. Alle Waa Kan fidiyey arlada yeelayna dhexdiisa buuro sugan iyo webiyo, midho kastaana ka yeelay dhexdiisa labo nooc, wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fekeri.

وَفِي ٱلۡأَرۡضِ قِطَعٞ مُّتَجَٰوِرَٰتٞ وَجَنَّٰتٞ مِّنۡ أَعۡنَٰبٖ وَزَرۡعٞ وَنَخِيلٞ صِنۡوَانٞ وَغَيۡرُ صِنۡوَانٖ يُسۡقَىٰ بِمَآءٖ وَٰحِدٖ وَنُفَضِّلُ بَعۡضَهَا عَلَىٰ بَعۡضٖ فِي ٱلۡأُكُلِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ ٤

Wafil-ardi qita'um mutajāwirātun wajannātum min a'nābin wazar'un wanakhīlun sinwānun waghayru sinwānin yusqā bimā'in wāhidin wanufaddilu ba'dahā 'alā ba'din fil-ukuli inna fī dhālika la'āyātil liqawmin ya'qilūn

4. Waxaa dhulka ah goosinno isbar bar ah, iyo beero canab ah, haruur iyo geedo timir leh jirrid urursan ay dhowr geed ka soo baxaan iyo kuwo kala tagsan oo geed keliya ka soo baxo halkii jirridba 2, lagana waraabsho biyo isku mid ah, waxaana kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale (qiimaha) cunnada. Waxaa hubaal arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.

۞ وَإِن تَعۡجَبۡ فَعَجَبٞ قَوۡلُهُمۡ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا أَءِنَّا لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدٍۗ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَاقِهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٥

Wa in ta'jab fa'ajabun qawluhum a'idhā kunnā turāban a'innā lafī khalqin jadīdin ulā'ikal-ladhīna kafarū birabbihim wa ulā'ikal-aghlālu fī a'nāqihim wa ulā'ika ashābun-nāri hum fīhā khālidūn

5. Haddaad yaabtana 3, waxaa yaab ah weedhooda: Ma markaan noqonno carro, miyaa markaas abuur cusub (nala abuuri)? Kuwan weeye kuwa ku gaaloobay Rabbigood, kuwan waxaa ahaan jeebbado luqmahooda korkood 4, waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.

وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِ وَقَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِمُ ٱلۡمَثُلَٰتُۗ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغۡفِرَةٖ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلۡمِهِمۡۖ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ٦

Wayasta'jilūnaka bis-sayyi'ati qablal-hasanati waqad khalat min qablihimul-mathulātu wa inna rabbaka ladhū maghfiratil lin-nāsi 'alā zulmihim wa inna rabbaka lashadīdul-'iqāb

6. Waxay (Nabiyow) ku weydiisan inaad u soo dedejiso xumaan 'Cadaab' 5 halkii wanaagga, waxaana tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Rabbigaa waa u denbi dhaaf badan yahay dadka dulmigooda. Rabbigaana ciqaabkiisu aad buu u Daran yahay.

وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦٓۗ إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرٞۖ وَلِكُلِّ قَوۡمٍ هَادٍ ٧

Wayaqūlul-ladhīna kafarū lawlā unzila 'alayhi āyatum mir rabbihī innamā anta mundhirun walikulli qawmin hād

7. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, qolo walbaana waxay leeyihiin hanuuniye.

ٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَحۡمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ ٱلۡأَرۡحَامُ وَمَا تَزۡدَادُۚ وَكُلُّ شَيۡءٍ عِندَهُۥ بِمِقۡدَارٍ ٨

Allāhu ya'lamu mā tahmilu kullu unthā wamā taghīdul-arhāmu wamā tazdādu wakullu shay'in 'indahū bimiqdār

8. Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo 6, iyo waxa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba 7. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.

عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡكَبِيرُ ٱلۡمُتَعَالِ ٩

'Ālimul-ghaybi wash-shahādatil-kabīrul-muta'āl

9. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, waa Weynaha, aad u Sarreeya.

سَوَآءٞ مِّنكُم مَّنۡ أَسَرَّ ٱلۡقَوۡلَ وَمَن جَهَرَ بِهِۦ وَمَنۡ هُوَ مُسۡتَخۡفِۭ بِٱلَّيۡلِ وَسَارِبُۢ بِٱلنَّهَارِ ١٠

Sawā'um minkum man asarral-qawla waman jahara bihī waman huwa mustakhfi billayli wasāribu bin-nahār

10. Waa isugu mid (Alle) kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariya habeenka iyo (kan) socda dharaar cad.

لَهُۥ مُعَقِّبَٰتٞ مِّنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦ يَحۡفَظُونَهُۥ مِنۡ أَمۡرِ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡۗ وَإِذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِقَوۡمٖ سُوٓءٗا فَلَا مَرَدَّ لَهُۥۚ وَمَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَالٍ ١١

Lahū mu'aqqibātum mim bayni yadayhi wamin khalfihī yahfazūnahū min amrillāhi innallāha lā yughayyiru mā biqawmin hattā yughayyirū mā bi anfusihim wa idhā arādallāhu biqawmin sū'an falā maradda lahū wamā lahum min dūnihī min wāl

11. Wuxuu leeyahay (qof kasta) kuwo is beddela 'malaa’ig' 8, oo hortiisa iyo gadaashiisa ah, kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Alle 9. Alle ma beddelo xaaladda qolo, jeeray iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Markuu Alle la doonona qolo xumaan, cidna ma baajin karto, mana leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara.

هُوَ ٱلَّذِي يُرِيكُمُ ٱلۡبَرۡقَ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَيُنشِئُ ٱلسَّحَابَ ٱلثِّقَالَ ١٢

Huwal-ladhī yurīkumul-barqa khawfan watama'an wayunshi'us-sahābath-thiqāl

12. Alle Waa Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo la culus.

وَيُسَبِّحُ ٱلرَّعۡدُ بِحَمۡدِهِۦ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ مِنۡ خِيفَتِهِۦ وَيُرۡسِلُ ٱلصَّوَٰعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَآءُ وَهُمۡ يُجَٰدِلُونَ فِي ٱللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ ٱلۡمِحَالِ ١٣

Wayusabbihur-ra'du bihamdihī wal-malā'ikatu min khīfatihī wayursilus-sawā'iqa fayusību bihā man yashā'u wahum yujādilūna fillāhi wahuwa shadīdul-mihāl

13. Wuxuu ku tasbiixsadaa onkodku Xamdiga Alle, malaa’igtuna ka Heybeysigi darteed, Wuxuu soo diraa danabyada oo ku ridaa cidduu doono 10, iyaguna waxay ka doodaan arrinka Alle Isagoo Awood Badan oo Ciqaabkiisu Daran Yahay.

لَهُۥ دَعۡوَةُ ٱلۡحَقِّۚ وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَسۡتَجِيبُونَ لَهُم بِشَيۡءٍ إِلَّا كَبَٰسِطِ كَفَّيۡهِ إِلَى ٱلۡمَآءِ لِيَبۡلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَٰلِغِهِۦۚ وَمَا دُعَآءُ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ ١٤

Lahū da'watul-haqqi walladhīna yad'ūna min dūnihī lā yastajībūna lahum bishay'in illā kabāsiti kaffayhi ilal-mā'i liyablugha fāhu wamā huwa bibālighihī wamā du'ā'ul-kāfirīna illā fī dalāl

14. (Alle keliyaa) mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Kuwaana ay baryaan (caabudaan) sokadiisa waxba uma ajiibi karaan, waxayna ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaadhaan afkiisa, mana gaadhayaan, baryada (cibaadada) gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadil 11.

وَلِلَّهِۤ يَسۡجُدُۤ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ طَوۡعٗا وَكَرۡهٗا وَظِلَٰلُهُم بِٱلۡغُدُوِّ وَٱلۡأٓصَالِ۩ ١٥

Walillāhi yasjudu man fis-samāwāti wal-ardi taw'an wakarhan wazilāluhum bil-ghuduwwi wal-āsāl

15. Waxaa Alle u sujuuda (oo u hoggaan- san) wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda aroor kasta iyo galbihiiba.

قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ قُلِ ٱللَّهُۚ قُلۡ أَفَٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَ لَا يَمۡلِكُونَ لِأَنفُسِهِمۡ نَفۡعٗا وَلَا ضَرّٗاۚ قُلۡ هَلۡ يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ أَمۡ هَلۡ تَسۡتَوِي ٱلظُّلُمَٰتُ وَٱلنُّورُۗ أَمۡ جَعَلُواْ لِلَّهِ شُرَكَآءَ خَلَقُواْ كَخَلۡقِهِۦ فَتَشَٰبَهَ ٱلۡخَلۡقُ عَلَيۡهِمۡۚ قُلِ ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُوَ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّٰرُ ١٦

Qul mar rabbus-samāwāti wal-ardi qulillāhu qul afattakhadhtum min dūnihī awliyā'a lā yamlikūna li anfusihim naf'an walā darran qul hal yastawil-a'mā wal-basīru am hal tastawiz-zulumātu wan-nūru am ja'alū lillāhi shurakā'a khalaqū kakhalqihī fatashābahal-khalqu 'alayhim qulillāhu khāliqu kulli shay'in wahuwal-wāhidul-qahhār

16. Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelaneysaan Alle ka sokow awliyo (gargaarayaal) kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnaan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Alle shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa 12, oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Dheh: Alle waa Abuuraha wax waliba. Waana Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta, isla weynayaasha iyo cadowyadiisa).

أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَسَالَتۡ أَوۡدِيَةُۢ بِقَدَرِهَا فَٱحۡتَمَلَ ٱلسَّيۡلُ زَبَدٗا رَّابِيٗاۖ وَمِمَّا يُوقِدُونَ عَلَيۡهِ فِي ٱلنَّارِ ٱبۡتِغَآءَ حِلۡيَةٍ أَوۡ مَتَٰعٖ زَبَدٞ مِّثۡلُهُۥۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡحَقَّ وَٱلۡبَٰطِلَۚ فَأَمَّا ٱلزَّبَدُ فَيَذۡهَبُ جُفَآءٗۖ وَأَمَّا مَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ فَيَمۡكُثُ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡأَمۡثَالَ ١٧

Anzala minas-samā'i mā'an fasālat awdiyatu biqadarihā fahtamalas-saylu zabadar rābiyan wamimmā yūqidūna 'alayhi fin-nāribtighā'a hilyatin aw matā'in zabadum mithluhū kadhālika yadribullāhul-haqqa wal-bātila fa ammaz-zabadu fayadhhabu jufā'an wa ammā mā yanfa'un-nāsa fayamkuthu fil-ardi kadhālika yadribullāhul-amthāl

17. Wuxuu (Alle) ka soo dejiyaa biyo daruuraha, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, wuxuu daadku qaadaa sidoo kale alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaasuu Alle tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaasuu Alle u yeelaa tusaalayooyinka.

لِلَّذِينَ ٱسۡتَجَابُواْ لِرَبِّهِمُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَٱلَّذِينَ لَمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَهُۥ لَوۡ أَنَّ لَهُم مَّا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا وَمِثۡلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفۡتَدَوۡاْ بِهِۦٓۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ سُوٓءُ ٱلۡحِسَابِ وَمَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ ١٨

Lilladhīnastajābū lirabbihimul-husnā walladhīna lam yastajībū lahū law anna lahum mā fil-ardi jamī'an wamithlahū ma'ahū laftadaw bihī ulā'ika lahum sū'ul-hisābi wama'wāhum jahannamu wabi'sal-mihād

18. Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood (ah inay Alle u Keli yeelaan cibaadada oo raacaan Rasuulka) waa Wanaag (Janno). Kuwase aan ajiibin hadday leeyihiin waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay u bixin lahaayeen madax furasho. Kuwaasi waxay leeyihiin xisaab daran oo xun, hoygooduna waa Jahannama; oo u xun gogol ahaan.

۞ أَفَمَن يَعۡلَمُ أَنَّمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ ٱلۡحَقُّ كَمَنۡ هُوَ أَعۡمَىٰٓۚ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ ١٩

Afaman ya'lamu annamā unzila ilayka mir rabbikal-haqqu kaman huwa a'mā innamā yatadhakkaru ulul-albāb

19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami.

ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلۡمِيثَٰقَ ٢٠

Alladhīna yūfūna bi'ahdillāhi walā yanqudūnal-mīthāq

20. Ee ah kuwa oofiya axdiga Alle, oo aan ka bixin ballanka.

وَٱلَّذِينَ يَصِلُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيَخۡشَوۡنَ رَبَّهُمۡ وَيَخَافُونَ سُوٓءَ ٱلۡحِسَابِ ٢١

Walladhīna yasilūna mā amarallāhu bihī an yūsala wayakhshawna rabbahum wayakhāfūna sū'al-hisāb

21. Kuwa xidhiidhiya waxa uu Alle amray in la xidhiidhiyo 13, oo ka baqa Rabbigood, kana cabsada Xisaab Daran.

وَٱلَّذِينَ صَبَرُواْ ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِمۡ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ وَيَدۡرَءُونَ بِٱلۡحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عُقۡبَى ٱلدَّارِ ٢٢

Walladhīna sabarubtighā'a wajhi rabbihim wa aqāmus-salawāta wa anfaqū mimmā razaqnāhum sirran wa'alāniyatan wayadra'ūna bil-hasanatis-sayyi'ata ulā'ika lahum 'uqbad-dār

22. Ee ah kuwa samra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada cibaadada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada).

جَنَّٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَأَزۡوَٰجِهِمۡ وَذُرِّيَّٰتِهِمۡۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَدۡخُلُونَ عَلَيۡهِم مِّن كُلِّ بَابٖ ٢٣

Jannātu 'adnin yadkhulūnahā waman salaha min ābā'ihim wa azwājihim wadhurriyyātihim wal-malā'ikatu yadkhulūna 'alayhim min kulli bāb

23. Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan iyaga iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda: waxayna Malaa’igtu uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):

سَلَٰمٌ عَلَيۡكُم بِمَا صَبَرۡتُمۡۚ فَنِعۡمَ عُقۡبَى ٱلدَّارِ ٢٤

Salāmun 'alaykum bimā sabartum fani'ma 'uqbad-dār

24. Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada).

وَٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهۡدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مِيثَٰقِهِۦ وَيَقۡطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ ٢٥

Walladhīna yanqudūna 'ahdallāhi mim ba'di mīthāqihī wayaqta'ūna mā amarallāhu bihī an yūsala wayufsidūna fil-ardi ulā'ika lahumul-la'natu walahum sū'ud-dār

25. Kuwase jebiya axdiga Alle kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Alle amray in la xidhiidhiyo (oo wanaajiyo, sida qaraabada iyo deriska), oo fasaadiyana dhulka, kuwaas, waxaa u sugnaaday Nacalad, waxayna leeyihiin daarta xun (Naar).

ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ وَفَرِحُواْ بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا مَتَٰعٞ ٢٦

Allāhu yabsutur-rizqa liman yashā'u wayaqdiru wafarihū bil-hayawātid-dunyā wamal-hayawātud-dunyā fil-ākhirati illā matā'

26. Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.

وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِيٓ إِلَيۡهِ مَنۡ أَنَابَ ٢٧

Wayaqūlul-ladhīna kafarū lawlā unzila 'alayhi āyatum mir rabbihī qul innallāha yudillu man yashā'u wayahdī ilayhi man anāb

27. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (tawbad keena).

ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَطۡمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكۡرِ ٱللَّهِۗ أَلَا بِذِكۡرِ ٱللَّهِ تَطۡمَئِنُّ ٱلۡقُلُوبُ ٢٨

Alladhīna āmanū watatma'innu qulūbuhum bidhikrillāhi alā bidhikrillāhi tatma'innul-qulūb

28. Ee ah kuwa (Towxiidka) rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Alle. Ogaada xusidda Alle bay ku xasishaa quluubtu.

ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ طُوبَىٰ لَهُمۡ وَحُسۡنُ مَـَٔابٖ ٢٩

Alladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti tūbā lahum wahusnu ma'āb

29. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha aayatiin wanaagsan 14 bay leeyihiin iyo rug u laabasho fiican (Janno).

كَذَٰلِكَ أَرۡسَلۡنَٰكَ فِيٓ أُمَّةٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهَآ أُمَمٞ لِّتَتۡلُوَاْ عَلَيۡهِمُ ٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ وَهُمۡ يَكۡفُرُونَ بِٱلرَّحۡمَٰنِۚ قُلۡ هُوَ رَبِّي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُ وَإِلَيۡهِ مَتَابِ ٣٠

Kadhālika arsalnāka fī ummatin qad khalat min qablihā umamul litatluwa 'alayhimul-ladhī awhaynā ilayka wahum yakfurūna bir-rahmāni qul huwa rabbī lā ilāha illā huwa 'alayhi tawakkaltu wa ilayhi matāb

30. Sidaasaan kuugu soo dirnay ummad dhexdood ay horteed ummado kale tageen, si aad ugu akhrido waxaan kuu waxyoonnay, iyaguna waxay beeniyaan Raxmaanka (Allaah). Dheh: Waa Rabbigay! Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Isaga, Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Xaggiisa noqodkeyga 'tawbadeyda'.

وَلَوۡ أَنَّ قُرۡءَانٗا سُيِّرَتۡ بِهِ ٱلۡجِبَالُ أَوۡ قُطِّعَتۡ بِهِ ٱلۡأَرۡضُ أَوۡ كُلِّمَ بِهِ ٱلۡمَوۡتَىٰۗ بَل لِّلَّهِ ٱلۡأَمۡرُ جَمِيعًاۗ أَفَلَمۡ يَاْيۡـَٔسِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن لَّوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَهَدَى ٱلنَّاسَ جَمِيعٗاۗ وَلَا يَزَالُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ تُصِيبُهُم بِمَا صَنَعُواْ قَارِعَةٌ أَوۡ تَحُلُّ قَرِيبٗا مِّن دَارِهِمۡ حَتَّىٰ يَأۡتِيَ وَعۡدُ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخۡلِفُ ٱلۡمِيعَادَ ٣١

Walaw anna qur'ānan suyyirat bihil-jibālu aw qutti'at bihil-ardu aw kullima bihil-mawtā ba lillāhil-amru jamī'an afalam yay'asil-ladhīna āmanū al law yashā'ullāhu lahadan-nāsa jamī'an walā yazālul-ladhīna kafarū tusībuhum bimā sana'ū qāri'atun aw tahullu qarībam min dārihim hattā ya'tiya wa'dullāhi innallāha lā yukhliful-mī'ād

31. Haddii uu jiri lahaa Qur’aan ka yeeli buuraha inay socdaan, ama kala goyn dhulka, ama ka hadal siin meytida 15 (ma ahaadeyn waxaan aheyn Qur’aankan). Mayee! Alle baa iska leh Amarka oo idil. Ee miyaanay weli ogaan kuwa (xaqa) rumeeyey in haddii Alle doono uu hanuunin lahaa dadkoo dhan? Oo kuwa gaalooba, ma deyn doonto inay ku dhacdo xumaha ay falaan darteed belaayo garaacda, amase degta meel ku dhow guryahooda, ilaa inta Ballanka Alle ka yimaado. Hubaal Alle ma ka baxo Ballankiisa.

وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٖ مِّن قَبۡلِكَ فَأَمۡلَيۡتُ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ ثُمَّ أَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ عِقَابِ ٣٢

Walaqadistuhzi'a birusulim min qablika fa amlaytu lilladhīna kafarū thumma akhadhtuhum fakayfa kāna 'iqāb

32. Waxaa lagu jeesjeesay Rusul (badan) adiga hortaa (Nabi Muxammadow), markaasaan siiyey fursad kuwii gaaloobay, kaddibna waan halaagay. Ee sidee mid daran u ahaa Ciqaabkeygii?.

أَفَمَنۡ هُوَ قَآئِمٌ عَلَىٰ كُلِّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡۗ وَجَعَلُواْ لِلَّهِ شُرَكَآءَ قُلۡ سَمُّوهُمۡۚ أَمۡ تُنَبِّـُٔونَهُۥ بِمَا لَا يَعۡلَمُ فِي ٱلۡأَرۡضِ أَم بِظَٰهِرٖ مِّنَ ٱلۡقَوۡلِۗ بَلۡ زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ مَكۡرُهُمۡ وَصُدُّواْ عَنِ ٱلسَّبِيلِۗ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ ٣٣

Afaman huwa qā'imun 'alā kulli nafsi bimā kasabat waja'alū lillāhi shurakā'a qul sammūhum am tunabbi'ūnahū bimā lā ya'lamu fil-ardi am bizāhirim minal-qawli bal zuyyina lilladhīna kafarū makruhum wasuddū 'anis-sabīli waman yudlilillāhu famā lahū min hād

33. Ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxay kasbato (baa la mid ah kuwo aan waxba ogeyn)? Sidaa oy tahay, waxay u yeelaan shariigyo xagga Alle. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad Alle u sheegeysaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka, mise waa wax iska hadal afka baarki 16 ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey gaalada, waxaana laga duway Jidka (Toosan ee Islaamka). Qofkii Alle uu lumiyo 17 ma laha wax hanuunin.

لَّهُمۡ عَذَابٞ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَشَقُّۖ وَمَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٖ ٣٤

Llahum 'adhābun fil-hayawātid-dunyā wala'adhābul-ākhirati ashaqqu wamā lahum minallāhi min wāq

34. Waxay leeyihiin cadaab nolosha adduunkan, Cadaabka Aakhirada baana ka sii daran, oo ma leh wax ka celin Alle.

۞ مَّثَلُ ٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ أُكُلُهَا دَآئِمٞ وَظِلُّهَاۚ تِلۡكَ عُقۡبَى ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْۚ وَّعُقۡبَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٱلنَّارُ ٣٥

Mmathalul-jannatil-latī wu'idal-muttaqūna tajrī min tahtihal-anhāru ukuluhā dā'imun wazilluhā tilka 'uqbal-ladhīnat-taqaw wwa'uqbal-kāfirīnan-nār

35. Tilmaanta Jannada kuwa Alle ka cabsada (ee ka dhowrsada xumaha) loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), cidhibta gaaladuna waa Naar.

وَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَفۡرَحُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَۖ وَمِنَ ٱلۡأَحۡزَابِ مَن يُنكِرُ بَعۡضَهُۥۚ قُلۡ إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱللَّهَ وَلَآ أُشۡرِكَ بِهِۦٓۚ إِلَيۡهِ أَدۡعُواْ وَإِلَيۡهِ مَـَٔابِ ٣٦

Walladhīna ātaynāhumul-kitāba yafrahūna bimā unzila ilayka waminal-ahzābi man yunkiru ba'dahū qul innamā umirtu an a'budallāha walā ushrika bihī ilayhi ad'ū wa ilayhi ma'āb

36. Kuwa aan siinnay Kitaabka 18 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, waxaase ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. (Nabiyow) dheh, "Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Alle Keliya oo aan waxba la wadaajin (cibaadada). Isagaan (idiin) ku baaqaa, waana Xaggiisa noqodkeyku (aan u tawbad keeno)".

وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ حُكۡمًا عَرَبِيّٗاۚ وَلَئِنِ ٱتَّبَعۡتَ أَهۡوَآءَهُم بَعۡدَ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا وَاقٖ ٣٧

Wakadhālika anzalnāhu hukman 'arabiyyan wala'init-taba'ta ahwā'ahum ba'da mā jā'aka minal-'ilmi mā laka minallāhi min waliyyin walā wāq

37. Sidaasaana u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Haddaad raacdo hawadoodana kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Alle cid kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna.

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلٗا مِّن قَبۡلِكَ وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَذُرِّيَّةٗۚ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأۡتِيَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ لِكُلِّ أَجَلٖ كِتَابٞ ٣٨

Walaqad arsalnā rusulam min qablika waja'alnā lahum azwājan wadhurriyyatan wamā kāna lirasūlin an ya'tiya bi'āyatin illā bi idhnillāhi likulli ajalin kitāb

38. Waxaana soo dirnay Rusul hortaa oo waxaanu siinnay xaasas iyo ubadba 19. Uma laha Rasuulna (awood) inuu iski ula yimaado Mucjiso, Alle oo idma ma ahee. Ajal walba wuxuu leeyahay muddo Alle u gooyo oo qoran.

يَمۡحُواْ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ وَيُثۡبِتُۖ وَعِندَهُۥٓ أُمُّ ٱلۡكِتَٰبِ ٣٩

Yamhullāhu mā yashā'u wayuthbitu wa'indahū ummul-kitāb

39. Alle Wuxuu tiraa wuxuu doono (oo ka mid ah axkaanta iyo qeyrkoodba) oo uu sugaa (wuxuu doono oo ka mid ah), Agtiisana waxaa ah asalka Kitaabka 20.

وَإِن مَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُ وَعَلَيۡنَا ٱلۡحِسَابُ ٤٠

Wa im mā nuriyannaka ba'dal-ladhī na'iduhum aw natawaffayannaka fa innamā 'alaykal-balāghu wa'alaynal-hisāb

40. Haddaan ku tusno qaar ka mid ah waxaan ugu goodinno (oo cadaab ah) ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (diinta), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu.

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا نَأۡتِي ٱلۡأَرۡضَ نَنقُصُهَا مِنۡ أَطۡرَافِهَاۚ وَٱللَّهُ يَحۡكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكۡمِهِۦۚ وَهُوَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ ٤١

Awalam yaraw annā na'til-arda nanqusuhā min atrāfihā wallāhu yahkumu lā mu'aqqiba lihukmihī wahuwa sarī'ul-hisāb

41. Ma waysan arkayn inaan ku keenno baabba’ arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda 'furasho ama abaar' 21? Alle baana xukun gooya, ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, wuuna ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta.

وَقَدۡ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَلِلَّهِ ٱلۡمَكۡرُ جَمِيعٗاۖ يَعۡلَمُ مَا تَكۡسِبُ كُلُّ نَفۡسٖۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلۡكُفَّٰرُ لِمَنۡ عُقۡبَى ٱلدَّارِ ٤٢

Waqad makaral-ladhīna min qablihim falillāhil-makru jamī'an ya'lamu mā taksibu kullu nafsin wasaya'lamul-kuffāru liman 'uqbad-dār

42. Kuwii ka horreeyey baa tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxay naf waliba kasbato (khayr ama shar). Gaaladu way ogaan cidda yeelan Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah).

وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَسۡتَ مُرۡسَلٗاۚ قُلۡ كَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدَۢا بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡ وَمَنۡ عِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلۡكِتَٰبِ ٤٣

Wayaqūlul-ladhīna kafarū lasta mursalan qul kafā billāhi shahīdā baynī wabaynakum waman 'indahū 'ilmul-kitāb

43. Waxay kuwa gaalooba odhan: Adigu (Muxammadow) ma tihid Rasuul la soo diray. Dheh: Alle baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka 22.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Ar-Ra'd?

Suuradda Ar-Ra'd waxay leedahay 43 aayadood. Waa suuradda 13 ee Qur'aanka.

Suuradda Ar-Ra'd ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Ar-Ra'd waa suurad Madani ah.

Suuradda Ar-Ra'd juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Ar-Ra'd waxay ku jirtaa juz' 13.

Ma dhageysan karaa Suuradda Ar-Ra'd?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.