Suuradda Yusuf, aayadda 21

12:21

وَقَالَ ٱلَّذِي ٱشۡتَرَىٰهُ مِن مِّصۡرَ لِٱمۡرَأَتِهِۦٓ أَكۡرِمِي مَثۡوَىٰهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوۡ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدٗاۚ وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلِنُعَلِّمَهُۥ مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِۚ وَٱللَّهُ غَالِبٌ عَلَىٰٓ أَمۡرِهِۦ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ ٢١

Waqālal-ladhishtarāhu mim misra limra'atihī akrimī mathwāhu 'asā an yanfa'anā aw nattakhidhahū waladan wakadhālika makkannā liyūsufa fil-ardi walinu'allimahū min ta'wīlil-ahādīthi wallāhu ghālibun 'alā amrihī walākinna aktharan-nāsi lā ya'lamūn

21. Kii gatay oo reer Masar ahaa 5 wuxuu ku yidhi marwadiisii: Wanaaji oo ka yeel meel sharaf leh hoygiisa, waa intaasuu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Sidaasaan ugu awood siinnay Yuusuf arlada (Masar), iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka). Allaana adag xagga arrinkiisa, dadku badankiisuse ma oga.

Faallooyin hoose

5. Nin reer Masar ah oo wasiirka koowaad ah ayaa iibsaday Yuusuf addoon ahaan, magaca wasiirkaa sida caanka waa Qadfiir (ama Potiphar) oo loogu yeero darajo ahaan Al-Caziiz. Kutubta tafsiirka qaarkood waxay ku sheegaan magaca xaaskiisa “Raayil” qaar kalena Zuleekha, ama zuleyka waase werinno aan sugneyn.