وَجَآءَ إِخۡوَةُ يُوسُفَ فَدَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَعَرَفَهُمۡ وَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ ٥٨
Wajā'a ikhwatu yūsufa fadakhalū 'alayhi fa'arafahum wahum lahū munkirūn
58.Yuusuf walaalihiis baa yimid 15, markaasay u soo galeen, wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn 16.
Faallooyin hoose
15. Taariikhyahannada waxay sheegeen inay ka dhacday abaar daran Masar iyo nawaaxigeeda. Wuxuuna Nabi Yacquub u tilmaamay Yuusuf walaaladi inay aadaan Madyan oo la kulmaan ragga Masar u haya xilka si ay uga dalbaan raashin.
16. Iyagu ma garan isbeddelka ku dhacay muuqaalkiisa darteed ee sannado soo mareen.