Suuradda Yusuf, aayadda 75

12:75

قَالُواْ جَزَٰٓؤُهُۥ مَن وُجِدَ فِي رَحۡلِهِۦ فَهُوَ جَزَٰٓؤُهُۥۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلظَّٰلِمِينَ ٧٥

Qālū jazā'uhū man wujida fī rahlihī fahuwa jazā'uhū kadhālika najziz-zālimīn

75. Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani 23 waa in kii rarkiisa laga dhex helo loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaasaan ku jaazaynaa daalimiinta (denbiilayaasha).

Faallooyin hoose

23.Xeerkooda wuxuu dhigayey in tuuggii la qabto uu addoon u noqonayo cidduu wax ka xaday.