ثُمَّ بَدَا لَهُم مِّنۢ بَعۡدِ مَا رَأَوُاْ ٱلۡأٓيَٰتِ لَيَسۡجُنُنَّهُۥ حَتَّىٰ حِينٖ ٣٥
Thumma badā lahum mim ba'di mā ra'awul-āyāti layasjununnahū hattā hīn
35. Dabeeto waxaa u muuqday kaddib markay arkeen caddeymaha 9 inay xidhaan ilaa muddo 10.
Faallooyin hoose
9. Caddeymaha muujinaya inuusan denbi lahayn.
10. Ilaa fadeexadaa la illaabo.