فَقَالُواْ رَبَّنَا بَٰعِدۡ بَيۡنَ أَسۡفَارِنَا وَظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَ وَمَزَّقۡنَٰهُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ ١٩
Faqālū rabbanā bā'id bayna asfārinā wazalamū anfusahum faja'alnāhum ahādītha wamazzaqnāhum kulla mumazzaqin inna fī dhālika la'āyātil likulli sabbārin shakūr
19. Waxayse yidhaahdeen, "Rabbigayow! Kala fogee safarka dhexdayada ah 10," oo dulmiyeen nafahooda, markaasaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn dhan. Hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan 11.
Faallooyin hoose
10. Waxaa dhacday in magaalooyinkaa dhowaa baabba’een, waxayna u dhoofeen meelo fog fog, taasoo keentay inay kor u dhigaan sicirka badeecada si ay u helaan faa’ido munaasib ah.
11. Qisooyinka dadka waxaan ugu soo tebinnaa casharro iyo cibrad qaadasho ahaan.