ثُمَّ أَوۡرَثۡنَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَيۡنَا مِنۡ عِبَادِنَاۖ فَمِنۡهُمۡ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ وَمِنۡهُم مُّقۡتَصِدٞ وَمِنۡهُمۡ سَابِقُۢ بِٱلۡخَيۡرَٰتِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡكَبِيرُ ٣٢
Thumma awrathnal-kitābal-ladhīnastafaynā min 'ibādinā faminhum zālimul linafsihī waminhum muqtasidun waminhum sābiqu bil-khayrāti bi idhnillāhi dhālika huwal-fadlul-kabīr
32. Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwa aan doorannay oo addoomahayaga ka mid ah. Waxaa ka mid ah mid dulmiya naftiisa 7, iyo mid dhexdhexeysta 8, iyo mid u dheereeya khayrka Idanka Alle 9. Kaa weeye Fadliga Weyn.
Faallooyin hoose
7. Qofka dulmiya naftiisa waa qofkay khaladaadkiisa ka badan yihiin saxiisa.
8. Muqtasidna oo ah midka dhexdhexysta waa qofkay camalladiisa wanaagsan le’eg yihiin camalladiisa xun.
9. Qofka u dheereeya khayraadkana waa qofka ay acmaashiisa san badan yihiin .