أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِدُلُوكِ ٱلشَّمۡسِ إِلَىٰ غَسَقِ ٱلَّيۡلِ وَقُرۡءَانَ ٱلۡفَجۡرِۖ إِنَّ قُرۡءَانَ ٱلۡفَجۡرِ كَانَ مَشۡهُودٗا ٧٨
Aqimis-salawāta lidulūkish-shamsi ilā ghasaqil-layli waqur'ānal-fajri inna qur'ānal-fajri kāna mashhūdā
78. Oog salaadda markay qorraxdu waareegto 27 ilaa mugdiga habeenka 28 oo (dheeree) akhrinta (salaadda) subaxa hore 29; hubaal akhrinta (salaadda) subaxa hore waa mid la soo xaadiro 30.
Faallooyin hoose
27. Salaadaha Duhurka iyo Casarka.
28. Salaadaha Maghribka iyo Cishaha.
29. Aayaddan waxay caddeyneysaa waqtiyada shanta salaadood, cadceed wareegga kaddib waxaa la tukadaa Salaadaha Duhurka iyo Casarka, markuu habeenka soo galana Salaadaha Maghrib iyo Cishaha, ooggana salaadda Subax.
30. Ay soo xaadiraan malaa’igta habeenka iyo malaa’igta maalinta.