Casharka 3 ee 5
Waa maxay sakadu?
Quraanka
خُذۡ مِنۡ أَمۡوَٰلِهِمۡ صَدَقَةٗ تُطَهِّرُهُمۡ وَتُزَكِّيهِم بِهَا وَصَلِّ عَلَيۡهِمۡۖ إِنَّ صَلَوٰتَكَ سَكَنٞ لَّهُمۡۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ﴿١٠٣﴾
103. Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, una ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُاْ ٱلزَّكَوٰةَ لَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ﴿٢٧٧﴾
277. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo ooga salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
۞ إِنَّمَا ٱلصَّدَقَٰتُ لِلۡفُقَرَآءِ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱلۡعَٰمِلِينَ عَلَيۡهَا وَٱلۡمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمۡ وَفِي ٱلرِّقَابِ وَٱلۡغَٰرِمِينَ وَفِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِۖ فَرِيضَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ ﴿٦٠﴾
60. Sadaqooyinka 'Zakada' waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo socotada 'go'doonsan', waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Sunnada
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Sadaqo maal ma yareyso, Adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada.
Sharaxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan Maalka yarayn, balse ay ka difaacado Aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa kan Sadaqada bixiya khayr wayn, waxayna noqotaa mid badisa ee aan yarayn.
Qofka dadka iska cafiya isagoo awooda inuu ka aarsado ama uu u qabsado Qofkii, Ilaahay wuxuu ugu bedelaa awood iyo cisi.
Qofka Ilaahay darti u tawaaduca oo isu bihinbihiya, isagoon Qofna ka cabsanayn ama iska jeedinayn ama aan nafac kaga doonayn, llaahay wuxuu abaal uga dhigaa inuu sarayn iyo sharaf siiyo.