Casharka 2 ee 5
Maxay Muslimiintu maalintii shan jeer u tukadaan?
Quraanka
وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱرۡكَعُواْ مَعَ ٱلرَّٰكِعِينَ ﴿٤٣﴾
43. Ooga salaadda, bixiyana Sakada, lana rukuuca jamaca Rukuucayaasha.
ٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَۖ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ تَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِۗ وَلَذِكۡرُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَصۡنَعُونَ ﴿٤٥﴾
45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka (falalka la naco). Xusidda Alle baa xaqiiq weyn. Alle wuu Og yahay waxaad sameyneysaan.
فَإِذَا قَضَيۡتُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ قِيَٰمٗا وَقُعُودٗا وَعَلَىٰ جُنُوبِكُمۡۚ فَإِذَا ٱطۡمَأۡنَنتُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتۡ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ كِتَٰبٗا مَّوۡقُوتٗا ﴿١٠٣﴾
103. Markaad gudataan salaadda, xusa Alle joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an.
إِنَّنِيٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعۡبُدۡنِي وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكۡرِيٓ ﴿١٤﴾
14. Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Anigoo Keliya i caabud, una oog salaadda Xuskayga.
Sunnada
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu oran jiray: "Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta".
Sharaxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Salaadaha Shanta ah ee la isku farad yeelay Maalinta iyo Habeenka, iyo Salaada Jumcaha ee Usbuucii mar ah, iyo Soonka oo Bisha Ramadaan oo Sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa weyn. Dambiyada waaweyn sida Sinada iyo Khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee, waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado'' wuxuu yiri: intaasuu ii sheegee, hadaan kordhisan lahaa wuu ii kordhin lahaa.
Sharaxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuuna ku jawaabay: Salaada falarka ah in waqtigeeda shareecadu xadeysey lagu tukado. Waxaa ku xiga, labada waalid oo loo baari noqdo loona samafalo, xaqoodan la guto, lagana daayo caasinimada. waxaa ku xiga, Jidka Ilaahay oo lagu jihaado, si kalmada Ilaahay ay u sarayso, iyadoo la difaacaayo Islaamka iyo dadkiisa, loona muujiyo shacaa`irta Islaamka, iyadoo loo hurayo Nafta iyo Maalkaba.
Cabdullaahi Binu Mascuud- Ilaahay ha ka raali ahaadee: waxaa laga wariyey inuu yiri: intaasuu ii sheegay-Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-, hadaan ku dhihilahaa: maxaa ku xiga? wuu ii siyaadin lahaa.