Wa man yattaqillaha yaj'al lahu makhraja

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

فَإِذَا بَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ فَارِقُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٖ وَأَشۡهِدُواْ ذَوَيۡ عَدۡلٖ مِّنكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلشَّهَٰدَةَ لِلَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مَخۡرَجٗا ٢

Fa idhā balaghna ajalahunna fa amsikūhunna bima'rūfin aw fāriqūhunna bima'rūfin wa ashhidū dhaway 'adlim minkum wa aqīmush-shahādata lillāhi dhālikum yū'azu bihī man kāna yu'minu billāhi wal-yawmil-ākhiri waman yattaqillāha yaj'al lahū makhrajā

2. Markay ku dhowaadaan (dhammaadka) ciddadooda la qabtay 4, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) una toosiya maragga Alle darti. (Arrin)kaasi waa waano lagu waanin qof kastoo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta).

Faallooyin hoose

4. Intay ciddada ku jiraan, waa xaasaska la furay furriin la soo ceshan karo.

وَيَرۡزُقۡهُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَحۡتَسِبُۚ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَهُوَ حَسۡبُهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَٰلِغُ أَمۡرِهِۦۚ قَدۡ جَعَلَ ٱللَّهُ لِكُلِّ شَيۡءٖ قَدۡرٗا ٣

Wayarzuqhu min haythu lā yahtasibu waman yatawakkal 'alallāhi fahuwa hasbuhū innallāha bālighu amrihī qad ja'alallāhu likulli shay'in qadrā

3. Oo wuxuu ka siin risiq xagga (meel) uusan fileyn. Qofkii talo saarta Alle wuu ku filan yahay. Hubaal, Alle wuu fulaa muraadkiisa. Alle Wuxuu u yeelay wax walba qaddar iyo waqti go'an.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Akhri Suuradda At-Talaq oo dhan

Su'aalo

Wa man yattaqillaha yaj'al lahu makhraja Qur'aanka xagee kaga jirtaa?

Wa man yattaqillaha yaj'al lahu makhraja waxay ku jirtaa Suuradda At-Talaq, 65:2-3.