Suuradda At-Talaq الطلاق

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحۡصُواْ ٱلۡعِدَّةَۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ رَبَّكُمۡۖ لَا تُخۡرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخۡرُجۡنَ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ لَا تَدۡرِي لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحۡدِثُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ أَمۡرٗا ١

Yā'ayyuhan-nabiyyu idhā tallaqtumun-nisā'a fatalliqūhunna li'iddatihinna wa ahsul-'iddata wattaqullāha rabbakum lā tukhrijūhunna mim buyūtihinna walā yakhrujna illā an ya'tīna bifāhishatim mubayyinatin watilka hudūdullāhi waman yata'adda hudūdallāhi faqad zalama nafsahū lā tadrī la'allallāha yuhdithu ba'da dhālika amrā

1. Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka 1, oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada 'muddada ay sugayaan furitaanka kaddib' 2, Alle ka cabsada, Rabbigiin, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. Kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Alle. Qofkii ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Alle, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub 3.

فَإِذَا بَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ فَارِقُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٖ وَأَشۡهِدُواْ ذَوَيۡ عَدۡلٖ مِّنكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلشَّهَٰدَةَ لِلَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مَخۡرَجٗا ٢

Fa idhā balaghna ajalahunna fa amsikūhunna bima'rūfin aw fāriqūhunna bima'rūfin wa ashhidū dhaway 'adlim minkum wa aqīmush-shahādata lillāhi dhālikum yū'azu bihī man kāna yu'minu billāhi wal-yawmil-ākhiri waman yattaqillāha yaj'al lahū makhrajā

2. Markay ku dhowaadaan (dhammaadka) ciddadooda la qabtay 4, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) una toosiya maragga Alle darti. (Arrin)kaasi waa waano lagu waanin qof kastoo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta).

وَيَرۡزُقۡهُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَحۡتَسِبُۚ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَهُوَ حَسۡبُهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَٰلِغُ أَمۡرِهِۦۚ قَدۡ جَعَلَ ٱللَّهُ لِكُلِّ شَيۡءٖ قَدۡرٗا ٣

Wayarzuqhu min haythu lā yahtasibu waman yatawakkal 'alallāhi fahuwa hasbuhū innallāha bālighu amrihī qad ja'alallāhu likulli shay'in qadrā

3. Oo wuxuu ka siin risiq xagga (meel) uusan fileyn. Qofkii talo saarta Alle wuu ku filan yahay. Hubaal, Alle wuu fulaa muraadkiisa. Alle Wuxuu u yeelay wax walba qaddar iyo waqti go'an.

وَٱلَّٰٓـِٔي يَئِسۡنَ مِنَ ٱلۡمَحِيضِ مِن نِّسَآئِكُمۡ إِنِ ٱرۡتَبۡتُمۡ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلَٰثَةُ أَشۡهُرٖ وَٱلَّٰٓـِٔي لَمۡ يَحِضۡنَۚ وَأُوْلَٰتُ ٱلۡأَحۡمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مِنۡ أَمۡرِهِۦ يُسۡرٗا ٤

Wallā'ī ya'isna minal-mahīdi min nisā'ikum inirtabtum fa'iddatuhunna thalāthatu ashhurin wallā'ī lam yahidna wa ulātul-ahmāli ajaluhunna an yada'na hamlahunna waman yattaqillāha yaj'al lahū min amrihī yusrā

4. Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka. Kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan 5. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud.

ذَٰلِكَ أَمۡرُ ٱللَّهِ أَنزَلَهُۥٓ إِلَيۡكُمۡۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يُكَفِّرۡ عَنۡهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُعۡظِمۡ لَهُۥٓ أَجۡرًا ٥

Dhālika amrullāhi anzalahū ilaykum waman yattaqillāha yukaffir 'anhu sayyi'ātihī wayu'zim lahū ajrā

5. Kaasi waa Amarka Alle uu idiin soo dejiyey. Qofkii dhowra (amarka) Alle wuxuu ka tiri xumaatooyinkiisa, oo siin ajar weyn.

أَسۡكِنُوهُنَّ مِنۡ حَيۡثُ سَكَنتُم مِّن وُجۡدِكُمۡ وَلَا تُضَآرُّوهُنَّ لِتُضَيِّقُواْ عَلَيۡهِنَّۚ وَإِن كُنَّ أُوْلَٰتِ حَمۡلٖ فَأَنفِقُواْ عَلَيۡهِنَّ حَتَّىٰ يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ فَإِنۡ أَرۡضَعۡنَ لَكُمۡ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ وَأۡتَمِرُواْ بَيۡنَكُم بِمَعۡرُوفٖۖ وَإِن تَعَاسَرۡتُمۡ فَسَتُرۡضِعُ لَهُۥٓ أُخۡرَىٰ ٦

Askinūhunna min haythu sakantum min wujdikum walā tudārrūhunna litudayyiqū 'alayhinna wa in kunna ulāti hamlin fa anfiqū 'alayhinna hattā yada'na hamlahunna fa in arda'na lakum fa'ātūhunna ujūrahunna wa tamirū baynakum bima'rūfin wa in ta'āsartum fasaturdi'u lahū ukhrā

6. Dejiya (haweenka ciddada ku jira) meeshaad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana dhibina si aad u gelisaan cidhiidhi 6. Hadday leeyihiinna uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda (dhalaan). Markaas hadday idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is amra dhexdiinna sama falka, haddaad is khilaaftaanna mid kale ayaa u nuujin 7.

لِيُنفِقۡ ذُو سَعَةٖ مِّن سَعَتِهِۦۖ وَمَن قُدِرَ عَلَيۡهِ رِزۡقُهُۥ فَلۡيُنفِقۡ مِمَّآ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُۚ لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا مَآ ءَاتَىٰهَاۚ سَيَجۡعَلُ ٱللَّهُ بَعۡدَ عُسۡرٖ يُسۡرٗا ٧

Liyunfiq dhū sa'atim min sa'atihī waman qudira 'alayhi rizquhū falyunfiq mimmā ātāhullāhu lā yukallifullāhu nafsan illā mā ātāhā sayaj'alullāhu ba'da 'usrin yusrā

7. Kan ladani wax ha ka bixiyo maalka loo waasiciyey. Kii ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah wuxuu Alle siiyey. Alle kuma kallifo nafna wuxuusan siin. Alle wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib.

وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ عَتَتۡ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهَا وَرُسُلِهِۦ فَحَاسَبۡنَٰهَا حِسَابٗا شَدِيدٗا وَعَذَّبۡنَٰهَا عَذَابٗا نُّكۡرٗا ٨

Waka'ayyim min qaryatin 'atat 'an amri rabbihā warusulihī fahāsabnāhā hisāban shadīdan wa'addhabnāhā 'adhāban nukrā

8. Badanaa inta magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusushiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran (adduunka), oo aan ku cadaabi cadaab adag (Aakhirada).

فَذَاقَتۡ وَبَالَ أَمۡرِهَا وَكَانَ عَٰقِبَةُ أَمۡرِهَا خُسۡرًا ٩

Fadhāqat wabāla amrihā wakāna 'āqibatu amrihā khusrā

9. Oo dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, cidhibteedana ku dambeysey khasaaro.

أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدٗاۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ قَدۡ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيۡكُمۡ ذِكۡرٗا ١٠

A'addallāhu lahum 'adhāban shadīdan fattaqullāha yā'ulil-albābil-ladhīna āmanū qad anzalallāhu ilaykum dhikrā

10. Alle wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhowra (amarrada) Alle oo iska jira xumaha wax garadkow (Xaqa) rumeeyey. Wuxuu Alle idiin soo dejiyey Waano (Qur’aankan).

رَّسُولٗا يَتۡلُواْ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مُبَيِّنَٰتٖ لِّيُخۡرِجَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَمَن يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ قَدۡ أَحۡسَنَ ٱللَّهُ لَهُۥ رِزۡقًا ١١

Rrasūlan yatlū 'alaykum āyātillāhi mubayyinātil liyukhrijal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti minaz-zulumāti ilan-nūri waman yu'mim billāhi waya'mal sālihan yudkhilhu jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā abadan qad ahsanallāhu lahū rizqā

11. Rasuulna (wuu idiin soo diray) idiin akhriya Aayadaha Alle ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu galin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Alle Waa uu wanaajiyey kaasi risiqa.

ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ وَمِنَ ٱلۡأَرۡضِ مِثۡلَهُنَّۖ يَتَنَزَّلُ ٱلۡأَمۡرُ بَيۡنَهُنَّ لِتَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ قَدۡ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عِلۡمَۢا ١٢

Allāhul-ladhī khalaqa sab'a samāwātin waminal-ardi mithlahunna yatanazzalul-amru baynahunna lita'lamū annallāha 'alā kulli shay'in qadīrun wa annallāha qad ahāta bikulli shay'in 'ilmā

12. Alle waa Kan abuuray toddoba samood, arladana intaa oo kale 'ka abuuray' 8. Amarkiisa ka soo dego dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Alle wax walba Karo iyo in Alle ku koobo wax walba ogaal.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda At-Talaq?

Suuradda At-Talaq waxay leedahay 12 aayadood. Waa suuradda 65 ee Qur'aanka.

Suuradda At-Talaq ma Makki baa mise Madani?

Suuradda At-Talaq waa suurad Madani ah.

Suuradda At-Talaq juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda At-Talaq waxay ku jirtaa juz' 28.

Ma dhageysan karaa Suuradda At-Talaq?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.