Suuradda Taha طه

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

طه ١

Tā Hā

1. Daa Haa 1.

مَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ لِتَشۡقَىٰٓ ٢

Mā anzalnā 'alaykal-qur'āna litashqā

2. Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed).

إِلَّا تَذۡكِرَةٗ لِّمَن يَخۡشَىٰ ٣

Illā tadhkiratal liman yakhshā

3. Waase u waano ciddii ka baqda 'Alle' 2.

تَنزِيلٗا مِّمَّنۡ خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ وَٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلۡعُلَى ٤

Tanzīlam mimman khalaqal-arda was-samāwātil-'ulā

4.Waa soo dejinta (Alle) ee abuuray arlada iyo samooyinka sare.

ٱلرَّحۡمَٰنُ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ ٱسۡتَوَىٰ ٥

Ar-rahmānu 'alal-'arshistawā

5. Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa).

لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَمَا تَحۡتَ ٱلثَّرَىٰ ٦

Lahū mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wamā baynahumā wamā tahtath-tharā

6. Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska.

وَإِن تَجۡهَرۡ بِٱلۡقَوۡلِ فَإِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخۡفَى ٧

Wa in tajhar bil-qawli fa innahū ya'lamus-sirra wa akhfā

7. Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan.

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ لَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ ٨

Allāhu lā ilāha illā huwa lahul-asmā'ul-husnā

8. Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan.

وَهَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ ٩

Wahal atāka hadīthu mūsā

9. Ma ku soo gaadhay qisadii Muuse?

إِذۡ رَءَا نَارٗا فَقَالَ لِأَهۡلِهِ ٱمۡكُثُوٓاْ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا لَّعَلِّيٓ ءَاتِيكُم مِّنۡهَا بِقَبَسٍ أَوۡ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدٗى ١٠

Idh ra'ā nāran faqāla li ahlihimkuthū innī ānastu nāral la'allī ātīkum minhā biqabasin aw ajidu 'alan-nāri hudā

10. Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: "Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)".

فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِيَ يَٰمُوسَىٰٓ ١١

Falammā atāhā nūdiya yāmūsā

11. Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow!

إِنِّيٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخۡلَعۡ نَعۡلَيۡكَ إِنَّكَ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوٗى ١٢

Innī ana rabbuka fakhla' na'layka innaka bil-wādil-muqaddasi tuwā

12. Xaqiiq, Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska siib kabahaaga, waxaad joogtaa togga daahirka ah ee Duwaa.

وَأَنَا ٱخۡتَرۡتُكَ فَٱسۡتَمِعۡ لِمَا يُوحَىٰٓ ١٣

Wa anakhtartuka fastami' limā yūhā

13. Aniga (Alle ah) baana ku doortay (Muusow) ee dhegayso waxa laguu Waxyoon.

إِنَّنِيٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعۡبُدۡنِي وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكۡرِيٓ ١٤

Innanī anallāhu lā ilāha illā ana fa'budnī wa aqimis-salawāta lidhikrī

14. Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Anigoo Keliya i caabud, una oog salaadda Xuskayga.

إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخۡفِيهَا لِتُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا تَسۡعَىٰ ١٥

Innas-sā'ata ātiyatun akādu ukhfīhā litujzā kullu nafsi bimā tas'ā

15. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo 3 si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay.

فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنۡهَا مَن لَّا يُؤۡمِنُ بِهَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ فَتَرۡدَىٰ ١٦

Falā yasuddannaka 'anhā mal lā yu'minu bihā wattaba'a hawāhu fatardā

16. “Yaanu kaa weecin xaggeeda 4 mid aan Rumaysnayn oo raaca hawadiisa, markaas waad halaagsami.

وَمَا تِلۡكَ بِيَمِينِكَ يَٰمُوسَىٰ ١٧

Wamā tilka biyamīnika yāmūsā

17. Waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow?”

قَالَ هِيَ عَصَايَ أَتَوَكَّؤُاْ عَلَيۡهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِي وَلِيَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخۡرَىٰ ١٨

Qāla hiya 'asāya atawakka'u 'alayhā wa ahusshu bihā 'alā ghanamī waliya fīhā ma'āribu ukhrā

18. Wuxuu yidhi: “Waa ushayda, waan cuskadaa, oo ugu lulaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, waxaana iigu jira dano kale.”

قَالَ أَلۡقِهَا يَٰمُوسَىٰ ١٩

Qāla alqihā yāmūsā

19. (Alle) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”

فَأَلۡقَىٰهَا فَإِذَا هِيَ حَيَّةٞ تَسۡعَىٰ ٢٠

Fa alqāhā fa idhā hiya hayyatun tas'ā

20. Markaasuu tuuray, mise! Waa abeeso ordaysa.

قَالَ خُذۡهَا وَلَا تَخَفۡۖ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا ٱلۡأُولَىٰ ٢١

Qāla khudhhā walā takhaf sanu'īduhā sīratahal-ūlā

21. (Alle) wuxuu yidhi: “Qaado, hana cabsan, Waxaanu ku celin sideedii hore.

وَٱضۡمُمۡ يَدَكَ إِلَىٰ جَنَاحِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٍ ءَايَةً أُخۡرَىٰ ٢٢

Wadmum yadaka ilā janāhika takhruj baydā'a min ghayri sū'in āyatan ukhrā

22. Ku qabo gacantaada dhinacaaga, waxay soo bixi iyadoo cad (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale.

لِنُرِيَكَ مِنۡ ءَايَٰتِنَا ٱلۡكُبۡرَى ٢٣

Linuriyaka min āyātinal-kubrā

23. “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn.

ٱذۡهَبۡ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ ٢٤

Idhhab ilā fir'awna innahū taghā

24. “Ee aad xagga Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”

قَالَ رَبِّ ٱشۡرَحۡ لِي صَدۡرِي ٢٥

Qāla rabbishrah lī sadrī

25. (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda.

وَيَسِّرۡ لِيٓ أَمۡرِي ٢٦

Wayassir lī amrī

26. “Ii fududee arrinkayga.

وَٱحۡلُلۡ عُقۡدَةٗ مِّن لِّسَانِي ٢٧

Wahlul 'uqdatam mil lisānī

27. Ka fur guntintana carrabkayga,

يَفۡقَهُواْ قَوۡلِي ٢٨

Yafqahū qawlī

28. “Si ay u fahmaan hadalkayga .

وَٱجۡعَل لِّي وَزِيرٗا مِّنۡ أَهۡلِي ٢٩

Waj'al lī wazīram min ahlī

29. “Ii yeelna wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga,

هَٰرُونَ أَخِي ٣٠

Hārūna akhī

30. Haaruun, walaalkay,

ٱشۡدُدۡ بِهِۦٓ أَزۡرِي ٣١

Ushdud bihī azrī

31. “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga),

وَأَشۡرِكۡهُ فِيٓ أَمۡرِي ٣٢

Wa ashrikhu fī amrī

32. Igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada).

كَيۡ نُسَبِّحَكَ كَثِيرٗا ٣٣

Kay nusabbihaka kathīrā

33. Si aan kuugu tasbiixsanno in badan.

وَنَذۡكُرَكَ كَثِيرًا ٣٤

Wanadhkuraka kathīrā

34. Oo aan kuu xusno in badan,

إِنَّكَ كُنتَ بِنَا بَصِيرٗا ٣٥

Innaka kunta binā basīrā

35. Hubaal, waxaad Adigu tahay Mid mar walba na Arka".

قَالَ قَدۡ أُوتِيتَ سُؤۡلَكَ يَٰمُوسَىٰ ٣٦

Qāla qad ūtīta su'laka yāmūsā

36. (Alle) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow!

وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَيۡكَ مَرَّةً أُخۡرَىٰٓ ٣٧

Walaqad manannā 'alayka marratan ukhrā

37. Waxaanuna dhab ahaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore),

إِذۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰٓ ٣٨

Idh awhaynā ilā ummika mā yūhā

38. Markaan u waxyoonnay hooyadaa waxaan u waxyoonnay.

أَنِ ٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلتَّابُوتِ فَٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلۡيَمِّ فَلۡيُلۡقِهِ ٱلۡيَمُّ بِٱلسَّاحِلِ يَأۡخُذۡهُ عَدُوّٞ لِّي وَعَدُوّٞ لَّهُۥۚ وَأَلۡقَيۡتُ عَلَيۡكَ مَحَبَّةٗ مِّنِّي وَلِتُصۡنَعَ عَلَىٰ عَيۡنِيٓ ٣٩

Aniqdhifīhi fit-tābūti faqdhifīhi fil-yammi falyulqihil-yammu bis-sāhili ya'khudhhu 'aduwwul lī wa'aduwwul lahū wa alqaytu 'alayka mahabbatam minnī walitusna'a 'alā 'aynī

39.(Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah 5, iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),

إِذۡ تَمۡشِيٓ أُخۡتُكَ فَتَقُولُ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ مَن يَكۡفُلُهُۥۖ فَرَجَعۡنَٰكَ إِلَىٰٓ أُمِّكَ كَيۡ تَقَرَّ عَيۡنُهَا وَلَا تَحۡزَنَۚ وَقَتَلۡتَ نَفۡسٗا فَنَجَّيۡنَٰكَ مِنَ ٱلۡغَمِّ وَفَتَنَّٰكَ فُتُونٗاۚ فَلَبِثۡتَ سِنِينَ فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ ثُمَّ جِئۡتَ عَلَىٰ قَدَرٖ يَٰمُوسَىٰ ٤٠

Idh tamshī ukhtuka fataqūlu hal adullukum 'alā man yakfuluhū faraja'nāka ilā ummika kay taqarra 'aynuhā walā tahzana waqatalta nafsan fanajjaynāka minal-ghammi wafatannāka futūnan falabithta sinīna fī ahli madyana thumma ji'ta 'alā qadarin yāmūsā

40. (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin 6, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.

وَٱصۡطَنَعۡتُكَ لِنَفۡسِي ٤١

Wastana'tuka linafsī

41. Waxaan kuu doortay Nafteyda 7.

ٱذۡهَبۡ أَنتَ وَأَخُوكَ بِـَٔايَٰتِي وَلَا تَنِيَا فِي ذِكۡرِي ٤٢

Idhhab anta wa akhūka bi'āyātī walā taniyā fī dhikrī

42. “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, hana ka daalina Xuskayga.

ٱذۡهَبَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ ٤٣

Idhhabā ilā fir'awna innahū taghā

43. Aada xagga Fircoon, wuu xadgudbaye.

فَقُولَا لَهُۥ قَوۡلٗا لَّيِّنٗا لَّعَلَّهُۥ يَتَذَكَّرُ أَوۡ يَخۡشَىٰ ٤٤

Faqūlā lahū qawlal layyinal la'allahū yatadhakkaru aw yakhshā

44. Kula hadlana hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama ka baqo (Alle).

قَالَا رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفۡرُطَ عَلَيۡنَآ أَوۡ أَن يَطۡغَىٰ ٤٥

Qālā rabbanā innanā nakhāfu an yafruta 'alaynā aw an yatghā

45.Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo.

قَالَ لَا تَخَافَآۖ إِنَّنِي مَعَكُمَآ أَسۡمَعُ وَأَرَىٰ ٤٦

Qāla lā takhāfā innanī ma'akumā asma'u wa arā

46. (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa.

فَأۡتِيَاهُ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَلَا تُعَذِّبۡهُمۡۖ قَدۡ جِئۡنَٰكَ بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكَۖ وَٱلسَّلَٰمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلۡهُدَىٰٓ ٤٧

Fa tiyāhu faqūlā innā rasūlā rabbika fa arsil ma'anā banī isrā'īla walā tu'addhibhum qad ji'nāka bi'āyatim mir rabbika was-salāmu 'alā manit-taba'al-hudā

47. U taga (Fircoon) oo dhahaya: Waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil hana caddabin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Nabadna korkiisa ha ahaato 8 kan raaca hunuunka (Alle, Islaamka oo ku dhaqma).

إِنَّا قَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡنَآ أَنَّ ٱلۡعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ٤٨

Innā qad ūhiya ilaynā annal-'adhāba 'alā man kaddhaba watawallā

48. Waxaa xaqiiq naloo waxyooday in cadaab ku dhici qofkii (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”.

قَالَ فَمَن رَّبُّكُمَا يَٰمُوسَىٰ ٤٩

Qāla famar rabbukumā yāmūsā

49. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”

قَالَ رَبُّنَا ٱلَّذِيٓ أَعۡطَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ خَلۡقَهُۥ ثُمَّ هَدَىٰ ٥٠

Qāla rabbunal-ladhī a'tā kulla shay'in khalqahū thumma hadā

50. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”

قَالَ فَمَا بَالُ ٱلۡقُرُونِ ٱلۡأُولَىٰ ٥١

Qāla famā bālul-qurūnil-ūlā

51. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”

قَالَ عِلۡمُهَا عِندَ رَبِّي فِي كِتَٰبٖۖ لَّا يَضِلُّ رَبِّي وَلَا يَنسَى ٥٢

Qāla 'ilmuhā 'inda rabbī fī kitābil lā yadillu rabbī walā yansā

52. (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal (Looxa Maxfuudka). Rabbigay ma gefo, waxnana ma halmaamo.

ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مَهۡدٗا وَسَلَكَ لَكُمۡ فِيهَا سُبُلٗا وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّن نَّبَاتٖ شَتَّىٰ ٥٣

Alladhī ja'ala lakumul-arda mahdan wasalaka lakum fīhā subulan wa anzala minas-samā'i mā'an fa akhrajnā bihī azwājam min nabātin shattā

53. Waa Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, idiinkana soo dejiya biyo (roob) xagga daruuraha, markaasaan ku soo saarnaa dhir noocyo kala duwan ah.

كُلُواْ وَٱرۡعَوۡاْ أَنۡعَٰمَكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلنُّهَىٰ ٥٤

Kulū war'aw an'āmakum inna fī dhālika la'āyātil li ulin-nuhā

54. Cuna oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (muujin Awoodda Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) ciddii leh caqli fayow.

۞ مِنۡهَا خَلَقۡنَٰكُمۡ وَفِيهَا نُعِيدُكُمۡ وَمِنۡهَا نُخۡرِجُكُمۡ تَارَةً أُخۡرَىٰ ٥٥

Minhā khalaqnākum wafīhā nu'īdukum waminhā nukhrijukum tāratan ukhrā

55. Xaggeedaan (arlada) idinka abuurnay, gudaheeda baan idinku celin, xaggeedaana la idinka soo saari mar kale (geeri kaddib).

وَلَقَدۡ أَرَيۡنَٰهُ ءَايَٰتِنَا كُلَّهَا فَكَذَّبَ وَأَبَىٰ ٥٦

Walaqad araynāhu āyātinā kullahā fakaddhaba wa abā

56. Waxaan dhab ahaan tusnay (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase beeniyey oo diiday.

قَالَ أَجِئۡتَنَا لِتُخۡرِجَنَا مِنۡ أَرۡضِنَا بِسِحۡرِكَ يَٰمُوسَىٰ ٥٧

Qāla aji'tanā litukhrijanā min ardinā bisihrika yāmūsā

57. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?.

فَلَنَأۡتِيَنَّكَ بِسِحۡرٖ مِّثۡلِهِۦ فَٱجۡعَلۡ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكَ مَوۡعِدٗا لَّا نُخۡلِفُهُۥ نَحۡنُ وَلَآ أَنتَ مَكَانٗا سُوٗى ٥٨

Falana'tiyannaka bisihrim mithlihī faj'al baynanā wabaynaka maw'idal lā nukhlifuhū nahnu walā anta makānan suwā

58. Waxaanu kuula iman sixir la mid ah ee noo qabo ballan dhexdeenna aan ku kulanno, oo aanaan ka dib dhaceyn innaga iyo adiguba midna meel fagaare ah 9.

قَالَ مَوۡعِدُكُمۡ يَوۡمُ ٱلزِّينَةِ وَأَن يُحۡشَرَ ٱلنَّاسُ ضُحٗى ٥٩

Qāla maw'idukum yawmuz-zīnati wa an yuhsharan-nāsu duhā

59. (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, hana la soo kulmiyo Dadka barqadii.

فَتَوَلَّىٰ فِرۡعَوۡنُ فَجَمَعَ كَيۡدَهُۥ ثُمَّ أَتَىٰ ٦٠

Fatawallā fir'awnu fajama'a kaydahū thumma atā

60. Markaasuu Fircoon tagey, isuna keenay tabihiisii, markaas yimid.

قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ وَيۡلَكُمۡ لَا تَفۡتَرُواْ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا فَيُسۡحِتَكُم بِعَذَابٖۖ وَقَدۡ خَابَ مَنِ ٱفۡتَرَىٰ ٦١

Qāla lahum mūsā waylakum lā taftarū 'alallāhi kadhiban fayushitakum bi'adhābin waqad khāba maniftarā

61. Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): "Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Alle si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Waxaana hoogay qofkii ka been sheega (Alle)”.

فَتَنَٰزَعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَىٰ ٦٢

Fatanāza'ū amrahum baynahum wa asarrun-najwā

62. Markaasay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda.

قَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَٰنِ لَسَٰحِرَٰنِ يُرِيدَانِ أَن يُخۡرِجَاكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِمَا وَيَذۡهَبَا بِطَرِيقَتِكُمُ ٱلۡمُثۡلَىٰ ٦٣

Qālū in hādhāni lasāhirāni yurīdāni an yukhrijākum min ardikum bisihrihimā wayadhhabā bitarīqatikumul-muthlā

63. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (caadadiinna).

فَأَجۡمِعُواْ كَيۡدَكُمۡ ثُمَّ ٱئۡتُواْ صَفّٗاۚ وَقَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡيَوۡمَ مَنِ ٱسۡتَعۡلَىٰ ٦٤

Fa ajmi'ū kaydakum thumma'tū saffan waqad aflahal-yawma manista'lā

64. Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa liibaani maanta ciddii gacan sarreysa ”.

قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلۡقِيَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَلۡقَىٰ ٦٥

Qālū yāmūsā immā an tulqiya wa immā an nakūna awwala man alqā

65. Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ama tuur (usha) ama aan innagu ahaanno kuwa hor tuura?”

قَالَ بَلۡ أَلۡقُواْۖ فَإِذَا حِبَالُهُمۡ وَعِصِيُّهُمۡ يُخَيَّلُ إِلَيۡهِ مِن سِحۡرِهِمۡ أَنَّهَا تَسۡعَىٰ ٦٦

Qāla bal alqū fa idhā hibāluhum wa'isiyyuhum yukhayyalu ilayhi min sihrihim annahā tas'ā

66. Wuxuu yidhi: “Bal tuura idinka (marka hore)"! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordi.

فَأَوۡجَسَ فِي نَفۡسِهِۦ خِيفَةٗ مُّوسَىٰ ٦٧

Fa awjasa fī nafsihī khīfatam mūsā

67. Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi.

قُلۡنَا لَا تَخَفۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡأَعۡلَىٰ ٦٨

Qulnā lā takhaf innaka antal-a'lā

68. Waxaanu nidhi: Ha cabsan, waa adiga xaqiiq kan sarreyne.

وَأَلۡقِ مَا فِي يَمِينِكَ تَلۡقَفۡ مَا صَنَعُوٓاْۖ إِنَّمَا صَنَعُواْ كَيۡدُ سَٰحِرٖۖ وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّاحِرُ حَيۡثُ أَتَىٰ ٦٩

Wa alqi mā fī yamīnika talqaf mā sana'ū innamā sana'ū kaydu sāhirin walā yuflihus-sāhiru haythu atā

69. Tuurna waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqi waxay sameeyeen, waxa ay sameeyeen waa uun tab sixirrow, mana liibaano sixirrow meeluu yimaadaba.

فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سُجَّدٗا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ هَٰرُونَ وَمُوسَىٰ ٧٠

Fa ulqiyas-saharatu sujjadan qālū āmannā birabbi hārūna wamūsā

70. Saaxirintii waxay ula dhaceen dhulka sujuud 10.Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeynay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”

قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَۖ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ فِي جُذُوعِ ٱلنَّخۡلِ وَلَتَعۡلَمُنَّ أَيُّنَآ أَشَدُّ عَذَابٗا وَأَبۡقَىٰ ٧١

Qāla āmantum lahū qabla an ādhana lakum innahū lakabīrukumul-ladhī 'allamakumus-sihra fala'uqatti'anna aydiyakum wa arjulakum min khilāfin wala'usallibannakum fī judhū'in-nakhli walata'lamunna ayyunā ashaddu 'adhāban wa abqā

71. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyseen ka hor inta aanan idiin idmin? Hubaal waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, waxaana idinku daldali jirridaha geedaha timrta, waadna ogaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan.

قَالُواْ لَن نُّؤۡثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلَّذِي فَطَرَنَاۖ فَٱقۡضِ مَآ أَنتَ قَاضٍۖ إِنَّمَا تَقۡضِي هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَآ ٧٢

Qālū lan nu'thiraka 'alā mā jā'anā minal-bayyināti walladhī fataranā faqdi mā anta qādin innamā taqdī hādhihil-hayawātad-dunyā

72. Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray 11. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.

إِنَّآ ءَامَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغۡفِرَ لَنَا خَطَٰيَٰنَا وَمَآ أَكۡرَهۡتَنَا عَلَيۡهِ مِنَ ٱلسِّحۡرِۗ وَٱللَّهُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ ٧٣

Innā āmannā birabbinā liyaghfira lanā khatāyānā wamā akrahtanā 'alayhi minas-sihri wallāhu khayrun wa abqā

73. Waxaanu xaqiiq rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxaad nagu khasabtay ee (barashda) sixirka ah. Alle baana khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’insanaan badan 12 'cadaab ahaan'.

إِنَّهُۥ مَن يَأۡتِ رَبَّهُۥ مُجۡرِمٗا فَإِنَّ لَهُۥ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ ٧٤

Innahū man ya'ti rabbahū mujriman fa inna lahū jahannama lā yamūtu fīhā walā yahyā

74. Qofkii u yimaada Rabbigiis isagoo denbiile ah, abaalkiisu waa Jahannamo, uusan ku dhimaneyn, kuna noolaaneyn.

وَمَن يَأۡتِهِۦ مُؤۡمِنٗا قَدۡ عَمِلَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلدَّرَجَٰتُ ٱلۡعُلَىٰ ٧٥

Waman ya'tihī mu'minan qad 'amilas-sālihāti fa ulā'ika lahumud-darajātul-'ulā

75.Qofkii se u yimaada isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi waxay leeyihiin derejooyinka sare (nolosha dambe-Aakhiro)

جَنَّٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ مَن تَزَكَّىٰ ٧٦

Jannātu 'adnin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā wadhālika jazā'u man tazakkā

76. Beero (Jannooyin) ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari weligood: kaasi waa abaalka kan ka daahiriya naftiisa 'shirkiga iyo macaasida' 13.

وَلَقَدۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِي فَٱضۡرِبۡ لَهُمۡ طَرِيقٗا فِي ٱلۡبَحۡرِ يَبَسٗا لَّا تَخَٰفُ دَرَكٗا وَلَا تَخۡشَىٰ ٧٧

Walaqad awhaynā ilā mūsā an asri bi'ibādī fadrib lahum tarīqan fil-bahri yabasal lā takhāfu darakan walā takhshā

77. Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh): "Guureysii addoomahayga oo uga yeel waddo badda dhexdeeda qallalan, ha ka cabsan haleel 14 hana ka baqin (hafitaan)".

فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ بِجُنُودِهِۦ فَغَشِيَهُم مِّنَ ٱلۡيَمِّ مَا غَشِيَهُمۡ ٧٨

Fa atba'ahum fir'awnu bijunūdihī faghashiyahum minal-yammi mā ghashiyahum

78. Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, waxaana halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay 15.

وَأَضَلَّ فِرۡعَوۡنُ قَوۡمَهُۥ وَمَا هَدَىٰ ٧٩

Wa adalla fir'awnu qawmahū wamā hadā

79. Wuxuu dhumiyey Fircoon qolodiisii, mana uu hanuunin.

يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ قَدۡ أَنجَيۡنَٰكُم مِّنۡ عَدُوِّكُمۡ وَوَٰعَدۡنَٰكُمۡ جَانِبَ ٱلطُّورِ ٱلۡأَيۡمَنَ وَنَزَّلۡنَا عَلَيۡكُمُ ٱلۡمَنَّ وَٱلسَّلۡوَىٰ ٨٠

Yābanī isrā'īla qad anjaynākum min 'aduwwikum wawā'adnākum jānibat-tūril-aymana wanazzalnā 'alaykumul-manna was-salwā

80. Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka badbaadinnay cadowgiinnii, waxaana idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta (Siinnay), oo idiin soo dejinnay Manna iyo Salwaa.

كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ وَلَا تَطۡغَوۡاْ فِيهِ فَيَحِلَّ عَلَيۡكُمۡ غَضَبِيۖ وَمَن يَحۡلِلۡ عَلَيۡهِ غَضَبِي فَقَدۡ هَوَىٰ ٨١

Kulū min tayyibāti mā razaqnākum walā tatghaw fīhi fayahilla 'alaykum ghadabī waman yahlil 'alayhi ghadabī faqad hawā

81. Cuna waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, hana ku xadugudbina oo qooqina (dhulka, ha dulminina dadka hana is kibrinana), yeysan idinku dhicine Cadhadaydu. Kay ku dhacdo cadhadayduna hoog oo ba'.

وَإِنِّي لَغَفَّارٞ لِّمَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا ثُمَّ ٱهۡتَدَىٰ ٨٢

Wa innī laghaffārul liman tāba wa āmana wa'amila sālihan thummahtadā

82. Oo xaqiiq, Anigu waan u denbi Dhaaf Badanahay qofkii tawbad keena oo (Xaqa) rumeeya oo sama fala, markaas ku sugnaada hanuunka oo toosnaada.

۞ وَمَآ أَعۡجَلَكَ عَن قَوۡمِكَ يَٰمُوسَىٰ ٨٣

Wamā a'jalaka 'an qawmika yāmūsā

83. (Alle wuxuu yidhi), “Maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”

قَالَ هُمۡ أُوْلَآءِ عَلَىٰٓ أَثَرِي وَعَجِلۡتُ إِلَيۡكَ رَبِّ لِتَرۡضَىٰ ٨٤

Qāla hum ulā'i 'alā atharī wa'ajiltu ilayka rabbi litardā

84. Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, waana kuu soo deg-degay Rabbiyow si aad u raalli ahaato".

قَالَ فَإِنَّا قَدۡ فَتَنَّا قَوۡمَكَ مِنۢ بَعۡدِكَ وَأَضَلَّهُمُ ٱلسَّامِرِيُّ ٨٥

Qāla fa innā qad fatannā qawmaka mim ba'dika wa adallahumus-sāmiriyy

85.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaanu imtixaannay qolodaadii gadaashaa, waxaana lumiyey As-Saamiri.’

فَرَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ غَضۡبَٰنَ أَسِفٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ أَلَمۡ يَعِدۡكُمۡ رَبُّكُمۡ وَعۡدًا حَسَنًاۚ أَفَطَالَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡعَهۡدُ أَمۡ أَرَدتُّمۡ أَن يَحِلَّ عَلَيۡكُمۡ غَضَبٞ مِّن رَّبِّكُمۡ فَأَخۡلَفۡتُم مَّوۡعِدِي ٨٦

Faraja'a mūsā ilā qawmihī ghadbāna asifan qāla yāqawmi alam ya'idkum rabbukum wa'dan hasanan afatāla 'alaykumul-'ahdu am arattum an yahilla 'alaykum ghadabum mir rabbikum fa akhlaftum maw'idī

86. Markaasuu Muuse u noqday tolkiisii isagoo cadheysan oo ka xun, Wuxuu yidhi: “Tolkayow! Ma wuusan Rabbigiin idiin sameyn ballan qaad wanaagsan 16? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad doonteen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin, oo aad uga baxdeen ballankii aad ila gasheen?”

قَالُواْ مَآ أَخۡلَفۡنَا مَوۡعِدَكَ بِمَلۡكِنَا وَلَٰكِنَّا حُمِّلۡنَآ أَوۡزَارٗا مِّن زِينَةِ ٱلۡقَوۡمِ فَقَذَفۡنَٰهَا فَكَذَٰلِكَ أَلۡقَى ٱلسَّامِرِيُّ ٨٧

Qālū mā akhlafnā maw'idaka bimalkinā walākinnā hummilnā awzāram min zīnatil-qawmi faqadhafnāhā fakadhālika alqas-sāmiriyy

87. Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, waxaase nala saaray culaysyo ka mid ah alaab reer (Fircoon) isku qurxin jireen 17, markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaasuuna u tuuray As-Saamiri.

فَأَخۡرَجَ لَهُمۡ عِجۡلٗا جَسَدٗا لَّهُۥ خُوَارٞ فَقَالُواْ هَٰذَآ إِلَٰهُكُمۡ وَإِلَٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِيَ ٨٨

Fa akhraja lahum 'ijlan jasadal lahū khuwārun faqālū hādhā ilāhukum wa ilāhu mūsā fanasiy

88. Wuxuuna uga soo saaray (muuqaal) dibi oo cod leh. Waxayna yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay.

أَفَلَا يَرَوۡنَ أَلَّا يَرۡجِعُ إِلَيۡهِمۡ قَوۡلٗا وَلَا يَمۡلِكُ لَهُمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗا ٨٩

Afalā yarawna allā yarji'u ilayhim qawlan walā yamliku lahum darran walā naf'ā

89. Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna?.

وَلَقَدۡ قَالَ لَهُمۡ هَٰرُونُ مِن قَبۡلُ يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَٱتَّبِعُونِي وَأَطِيعُوٓاْ أَمۡرِي ٩٠

Walaqad qāla lahum hārūnu min qablu yāqawmi innamā futintum bihī wa inna rabbakumur-rahmānu fattabi'ūnī wa atī'ū amrī

90. Wuxuuna ku yidhi Haaruun kal hore (intaanu soo laaban Muuse):Tolkayow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, Rabbigiinna waa Raxmaanka ee i soo raaca, adeecana amarkayga.

قَالُواْ لَن نَّبۡرَحَ عَلَيۡهِ عَٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرۡجِعَ إِلَيۡنَا مُوسَىٰ ٩١

Qālū lan nabraha 'alayhi 'ākifīna hattā yarji'a ilaynā mūsā

91. Waxay yidhaahdeen: “Ma deyneyno caabudidda (dibiga) intuu nooga soo noqon Muuse.”

قَالَ يَٰهَٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذۡ رَأَيۡتَهُمۡ ضَلُّوٓاْ ٩٢

Qāla yāhārūnu mā mana'aka idh ra'aytahum dallū

92. (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday markaad aragtay inay lumeen.

أَلَّا تَتَّبِعَنِۖ أَفَعَصَيۡتَ أَمۡرِي ٩٣

Allā tattabi'ani afa'asayta amrī

93. Inaad I soo raacdo (oo ka soo tagto)? Ma waxaad caasiday amarkaygii?.

قَالَ يَبۡنَؤُمَّ لَا تَأۡخُذۡ بِلِحۡيَتِي وَلَا بِرَأۡسِيٓۖ إِنِّي خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقۡتَ بَيۡنَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَلَمۡ تَرۡقُبۡ قَوۡلِي ٩٤

Qāla yabna'umma lā ta'khudh bilihyatī walā bira'sī innī khashītu an taqūla farraqta bayna banī isrā'īla walam tarqub qawlī

94. (Haaruun) wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil, mana aadan dhowrin (sugin) qowlkeyga.”

قَالَ فَمَا خَطۡبُكَ يَٰسَٰمِرِيُّ ٩٥

Qāla famā khatbuka yāsāmiriyy

95. (Muuse) wuxuu yidhi: “Muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow?

قَالَ بَصُرۡتُ بِمَا لَمۡ يَبۡصُرُواْ بِهِۦ فَقَبَضۡتُ قَبۡضَةٗ مِّنۡ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذۡتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتۡ لِي نَفۡسِي ٩٦

Qāla basurtu bimā lam yabsurū bihī faqabadtu qabdatam min atharir-rasūli fanabadhtuhā wakadhālika sawwalat lī nafsī

96. Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Waxaana ka soo qaaatay sacab muggi (oo carro ah) raadkii Rasuulka 18 (Faraskii Jabriil) oo aan ku tuuray 19. Sidaasayna ii qurxisay nafteydu.

قَالَ فَٱذۡهَبۡ فَإِنَّ لَكَ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَۖ وَإِنَّ لَكَ مَوۡعِدٗا لَّن تُخۡلَفَهُۥۖ وَٱنظُرۡ إِلَىٰٓ إِلَٰهِكَ ٱلَّذِي ظَلۡتَ عَلَيۡهِ عَاكِفٗاۖ لَّنُحَرِّقَنَّهُۥ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُۥ فِي ٱلۡيَمِّ نَسۡفًا ٩٧

Qāla fadhhab fa inna laka fil-hayawāti an taqūla lā misāsa wa inna laka maw'idal lan tukhlafahū wanzur ilā ilāhikal-ladhī zalta 'alayhi 'ākifal lanuharriqannahū thumma lanansifannahū fil-yammi nasfā

97. (Muuse) wuxuu yidhi: Tag oo naga fagow! Waxaa kuu sugnaaday noloshan inaad tidhaahdo: "Taabasho ma jirto" 20, waxaa kaloo leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabka Aakhiro). Eegna ilaah ku sheeggaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. Waanu gubi (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku firdhinno oo waxba aanu ka hari doonin.’

إِنَّمَآ إِلَٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ وَسِعَ كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمٗا ٩٨

Innamā ilāhukumullāhul-ladhī lā ilāha illā huwa wasi'a kulla shay'in 'ilmā

98. Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuu ku koobay wax walba Cilmi.

كَذَٰلِكَ نَقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ مَا قَدۡ سَبَقَۚ وَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ مِن لَّدُنَّا ذِكۡرٗا ٩٩

Kadhālika naqussu 'alayka min ambā'i mā qad sabaqa waqad ātaynāka mil ladunnā dhikrā

99. Sidaasaan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Waxaanuna xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan).

مَّنۡ أَعۡرَضَ عَنۡهُ فَإِنَّهُۥ يَحۡمِلُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وِزۡرًا ١٠٠

Mman a'rada 'anhu fa innahū yahmilu yawmal-qiyāmati wizrā

100. Qofkii ka jeesta wuxuu xambaaran Maalinta Qiyaame culaab culus (denbi).

خَٰلِدِينَ فِيهِۖ وَسَآءَ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ حِمۡلٗا ١٠١

Khālidīna fīhi wasā'a lahum yawmal-qiyāmati himlā

101. Iyagoo ku dhex waari (cadaabka). Xumaa maalinta Qiyaamaha culaabka ay qaadi.

يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِۚ وَنَحۡشُرُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ يَوۡمَئِذٖ زُرۡقٗا ١٠٢

Yawma yunfakhu fis-sūri wanahshurul-mujrimīna yawma'idhin zurqā

102. Maaalinta buunka la afuufi 21, oo aan isu soo kulmin denbiilayaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan 22.

يَتَخَٰفَتُونَ بَيۡنَهُمۡ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا عَشۡرٗا ١٠٣

Yatakhāfatūna baynahum il labithtum illā 'ashrā

103. Iyagoo Hoos u wada hadlaya oo isku leh: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”

نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَقُولُونَ إِذۡ يَقُولُ أَمۡثَلُهُمۡ طَرِيقَةً إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا يَوۡمٗا ١٠٤

Nnahnu a'lamu bimā yaqūlūna idh yaqūlu amthaluhum tarīqatan il labithtum illā yawmā

104. Annagaa ka ogsoon waxay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan, “Ma aydaan joogin (adduunka) maalin mooyee.”

وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡجِبَالِ فَقُلۡ يَنسِفُهَا رَبِّي نَسۡفٗا ١٠٥

Wayas'alūnaka 'anil-jibāli faqul yansifuhā rabbī nasfā

105. Waxay wax kaa weydiin buuraha, dheh: Rabbigay baa baabbi’in isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah.

فَيَذَرُهَا قَاعٗا صَفۡصَفٗا ١٠٦

Fayadharuhā qā'an safsafā

106. Wuxuu ka yeeli (arladana) ban siman.

لَّا تَرَىٰ فِيهَا عِوَجٗا وَلَآ أَمۡتٗا ١٠٧

Llā tarā fīhā 'iwajan walā amtā

107. Aad ku dhex arkeyn meel hoosaysa ama sarreysa.”

يَوۡمَئِذٖ يَتَّبِعُونَ ٱلدَّاعِيَ لَا عِوَجَ لَهُۥۖ وَخَشَعَتِ ٱلۡأَصۡوَاتُ لِلرَّحۡمَٰنِ فَلَا تَسۡمَعُ إِلَّا هَمۡسٗا ١٠٨

Yawma'idhin yattabi'ūnad-dā'iya lā 'iwaja lahū wakhasha'atil-aswātu lir-rahmāni falā tasma'u illā hamsā

108. Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoon leexleexasho lahayn. Waxayna ahaan codadka oo dhan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Alle) horti, mana maqleysid waxaan aheyn shanqarta (socodkooda).

يَوۡمَئِذٖ لَّا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ إِلَّا مَنۡ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَرَضِيَ لَهُۥ قَوۡلٗا ١٠٩

Yawma'idhil lā tanfa'ush-shafā'atu illā man adhina lahur-rahmānu waradiya lahū qawlā

109. Maalintaas shafeeco wax ma tarto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa.

يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِۦ عِلۡمٗا ١١٠

Ya'lamu mā bayna aydīhim wamā khalfahum walā yuhītūna bihī 'ilmā

110. Wuxuu (Alle) og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi.

۞ وَعَنَتِ ٱلۡوُجُوهُ لِلۡحَيِّ ٱلۡقَيُّومِۖ وَقَدۡ خَابَ مَنۡ حَمَلَ ظُلۡمٗا ١١١

Wa'anatil-wujūhu lil-hayyil-qayyūmi waqad khāba man hamala zulmā

111. Waxay dhammaan wejiyadu u khushuuci (Allaah), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha iyo Maamulaha waxa uunka jira oo dhan. Waxaana khasaaray kii geystay dulmi 23.

وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَا يَخَافُ ظُلۡمٗا وَلَا هَضۡمٗا ١١٢

Waman ya'mal minas-sālihāti wahuwa mu'minun falā yakhāfu zulman walā hadmā

112. Qofka se samo fala oo mu’min ah, ma ka cabsanayo dulmi loo geysto iyo wax loo dhimo midna.

وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا وَصَرَّفۡنَا فِيهِ مِنَ ٱلۡوَعِيدِ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ أَوۡ يُحۡدِثُ لَهُمۡ ذِكۡرٗا ١١٣

Wakadhālika anzalnāhu qur'ānan 'arabiyyan wasarrafnā fīhi minal-wa'īdi la'allahum yattaqūna aw yuhdithu lahum dhikrā

113. Sidaasaan kugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha iyo gooddiyada, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (shirkiga iyo xumaha kale), ama uu ku dhaliyo waantow.

فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۗ وَلَا تَعۡجَلۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مِن قَبۡلِ أَن يُقۡضَىٰٓ إِلَيۡكَ وَحۡيُهُۥۖ وَقُل رَّبِّ زِدۡنِي عِلۡمٗا ١١٤

Fata'ālallāhul-malikul-haqqu walā ta'jal bil-qur'āni min qabli an yuqdā ilayka wahyuhū waqur rabbi zidnī 'ilmā

114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”

وَلَقَدۡ عَهِدۡنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبۡلُ فَنَسِيَ وَلَمۡ نَجِدۡ لَهُۥ عَزۡمٗا ١١٥

Walaqad 'ahidnā ilā ādama min qablu fanasiya walam najid lahū 'azmā

115. Waxaan dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore 24, wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.

وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ ١١٦

Wa idh qulnā lil-malā'ikatisjudū li'ādama fasajadū illā iblīsa abā

116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.

فَقُلۡنَا يَٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوّٞ لَّكَ وَلِزَوۡجِكَ فَلَا يُخۡرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلۡجَنَّةِ فَتَشۡقَىٰٓ ١١٧

Faqulnā yā'ādamu inna hādhā 'aduwwul laka walizawjika falā yukhrijannakumā minal-jannati fatashqā

117. Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon.

إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعۡرَىٰ ١١٨

Inna laka allā tajū'a fīhā walā ta'rā

118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.

وَأَنَّكَ لَا تَظۡمَؤُاْ فِيهَا وَلَا تَضۡحَىٰ ١١٩

Wa annaka lā tazma'u fīhā walā tadhā

119. Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn.

فَوَسۡوَسَ إِلَيۡهِ ٱلشَّيۡطَٰنُ قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ هَلۡ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلۡخُلۡدِ وَمُلۡكٖ لَّا يَبۡلَىٰ ١٢٠

Fawaswasa ilayhish-shaytānu qāla yā'ādamu hal adulluka 'alā shajaratil-khuldi wamulkil lā yablā

120. Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”

فَأَكَلَا مِنۡهَا فَبَدَتۡ لَهُمَا سَوۡءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخۡصِفَانِ عَلَيۡهِمَا مِن وَرَقِ ٱلۡجَنَّةِۚ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ ١٢١

Fa akalā minhā fabadat lahumā saw'ātuhumā watafiqā yakhsifāni 'alayhimā min waraqil-jannati wa'asā ādamu rabbahū faghawā

121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuu Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay 25.

ثُمَّ ٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيۡهِ وَهَدَىٰ ١٢٢

Thummajtabāhu rabbuhū fatāba 'alayhi wahadā

122. Markaas waxaa doortay Rabbigiis wuuna ka tawbad aqbalay oo hanuuniyey.

قَالَ ٱهۡبِطَا مِنۡهَا جَمِيعَۢاۖ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ فَإِمَّا يَأۡتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدٗى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشۡقَىٰ ١٢٣

Qālahbitā minhā jamī'ā ba'dukum liba'din 'aduwwun fa immā ya'tiyannakum minnī hudan famanit-taba'a hudāya falā yadillu walā yashqā

123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).

وَمَنۡ أَعۡرَضَ عَن ذِكۡرِي فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةٗ ضَنكٗا وَنَحۡشُرُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَعۡمَىٰ ١٢٤

Waman a'rada 'an dhikrī fa inna lahū ma'īshatan dankan wanahshuruhū yawmal-qiyāmati a'mā

124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.

قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرۡتَنِيٓ أَعۡمَىٰ وَقَدۡ كُنتُ بَصِيرٗا ١٢٥

Qāla rabbi lima hashartanī a'mā waqad kuntu basīrā

125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.

قَالَ كَذَٰلِكَ أَتَتۡكَ ءَايَٰتُنَا فَنَسِيتَهَاۖ وَكَذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمَ تُنسَىٰ ١٢٦

Qāla kadhālika atatka āyātunā fanasītahā wakadhālikal-yawma tunsā

126. (Alle) wuxuu odhan: Sidaasoo kale waxaa kuu yimid Aayadahayaga, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi (Naarta).”

وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَنۡ أَسۡرَفَ وَلَمۡ يُؤۡمِنۢ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦۚ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبۡقَىٰٓ ١٢٧

Wakadhālika najzī man asrafa walam yu'mim bi'āyāti rabbihī wala'adhābul-ākhirati ashaddu wa abqā

127. Sidaasaan ku abaal marinnaa ciddii xadgudubta oo aan rumeyn Aayadaha Rabbigii, cadaabka Aakhiro ayaana sii daran oo joogto daa'in ah.

أَفَلَمۡ يَهۡدِ لَهُمۡ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ يَمۡشُونَ فِي مَسَٰكِنِهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلنُّهَىٰ ١٢٨

Afalam yahdi lahum kam ahlaknā qablahum minal-qurūni yamshūna fī masākinihim inna fī dhālika la'āyātil li ulin-nuhā

128. Miyaanay u caddaan intaan facyo hallignay iyaga hortood oo ay ku dul soc- daan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh caqliga fayow.

وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَكَانَ لِزَامٗا وَأَجَلٞ مُّسَمّٗى ١٢٩

Walawlā kalimatun sabaqat mir rabbika lakāna lizāman wa ajalum musammā

129. Haddayna jirin Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa, in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani waxaa ku waajibi laheyd 26 'cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka'.

فَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ قَبۡلَ طُلُوعِ ٱلشَّمۡسِ وَقَبۡلَ غُرُوبِهَاۖ وَمِنۡ ءَانَآيِٕ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡ وَأَطۡرَافَ ٱلنَّهَارِ لَعَلَّكَ تَرۡضَىٰ ١٣٠

Fasbir 'alā mā yaqūlūna wasabbih bihamdi rabbika qabla tulū'ish-shamsi waqabla ghurūbihā wamin ānāy'il-layli fasabbih wa atrāfan-nahāri la'allaka tardā

130. Ee u samir waxay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqoto.

وَلَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ زَهۡرَةَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا لِنَفۡتِنَهُمۡ فِيهِۚ وَرِزۡقُ رَبِّكَ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰ ١٣١

Walā tamuddanna 'aynayka ilā mā matta'nā bihī azwājam minhum zahratal-hayawātid-dunyā linaftinahum fīhi warizqu rabbika khayrun wa abqā

131. Ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaarkood (gaalada) ee quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, risiqa Rabbigaa (Jannada gudaheeda) baana ka khayr badan (waxaa adduunka lagu siiyey) oo ka daa’in san.

وَأۡمُرۡ أَهۡلَكَ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱصۡطَبِرۡ عَلَيۡهَاۖ لَا نَسۡـَٔلُكَ رِزۡقٗاۖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُكَۗ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلتَّقۡوَىٰ ١٣٢

Wa mur ahlaka bis-salawāti wastabir 'alayhā lā nas'aluka rizqan nahnu narzuquka wal-'āqibatu lit-taqwā

132. Ku amar salaadda ehelkaaga, oo u samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annagaa ku irsaaqi. Cidhibta wanaagsan (ee Jannada) waxaa leh kuwa Alle ka cabsada ee ka dhowrsada (xumaha).

وَقَالُواْ لَوۡلَا يَأۡتِينَا بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّهِۦٓۚ أَوَلَمۡ تَأۡتِهِم بَيِّنَةُ مَا فِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ ١٣٣

Waqālū lawlā ya'tīnā bi'āyatim mir rabbihī awalam ta'tihim bayyinatu mā fis-suhufil-ūlā

133. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Muxuu (Muxammad) noogu keeni waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigii ah?” Miyaanay u imaan maraggii (ku sugnaa) Kutubtii hore (ee ku saabsanaa imaanshaha Nabiga Muxammad).

وَلَوۡ أَنَّآ أَهۡلَكۡنَٰهُم بِعَذَابٖ مِّن قَبۡلِهِۦ لَقَالُواْ رَبَّنَا لَوۡلَآ أَرۡسَلۡتَ إِلَيۡنَا رَسُولٗا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ مِن قَبۡلِ أَن نَّذِلَّ وَنَخۡزَىٰ ١٣٤

Walaw annā ahlaknāhum bi'adhābim min qablihī laqālū rabbanā lawlā arsalta ilaynā rasūlan fanattabi'a āyātika min qabli an nadhilla wanakhzā

134. Haddaan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor 27, waxay odhan lahaayeen: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaa- ga, ka hor dullowga iyo dufowgannaga.

قُلۡ كُلّٞ مُّتَرَبِّصٞ فَتَرَبَّصُواْۖ فَسَتَعۡلَمُونَ مَنۡ أَصۡحَٰبُ ٱلصِّرَٰطِ ٱلسَّوِيِّ وَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ ١٣٥

Qul kullum mutarabbisun fatarabbasū fasata'lamūna man ashābus-sirātis-sawiyyi wamanihtadā

135. Dheh: Mid walba oo naga mid ah wax buu sugayaaye, ee suga 28. Waadna ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kuwa hanuunsan.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Taha?

Suuradda Taha waxay leedahay 135 aayadood. Waa suuradda 20 ee Qur'aanka.

Suuradda Taha ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Taha waa suurad Makki ah.

Suuradda Taha juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Taha waxay ku jirtaa juz' 16.

Ma dhageysan karaa Suuradda Taha?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.