۞ وَعَنَتِ ٱلۡوُجُوهُ لِلۡحَيِّ ٱلۡقَيُّومِۖ وَقَدۡ خَابَ مَنۡ حَمَلَ ظُلۡمٗا ١١١
Wa'anatil-wujūhu lil-hayyil-qayyūmi waqad khāba man hamala zulmā
111. Waxay dhammaan wejiyadu u khushuuci (Allaah), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha iyo Maamulaha waxa uunka jira oo dhan. Waxaana khasaaray kii geystay dulmi 23.
Faallooyin hoose
23. Qofkii gef ka galay Alle ee yidhi wiil buu leeyahay ama ilmo ama ku tilmaamay sifad xun ama gef ka galay mid ka mid ah uumankiisa.