قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ قُلِ ٱللَّهُۚ قُلۡ أَفَٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَ لَا يَمۡلِكُونَ لِأَنفُسِهِمۡ نَفۡعٗا وَلَا ضَرّٗاۚ قُلۡ هَلۡ يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ أَمۡ هَلۡ تَسۡتَوِي ٱلظُّلُمَٰتُ وَٱلنُّورُۗ أَمۡ جَعَلُواْ لِلَّهِ شُرَكَآءَ خَلَقُواْ كَخَلۡقِهِۦ فَتَشَٰبَهَ ٱلۡخَلۡقُ عَلَيۡهِمۡۚ قُلِ ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُوَ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّٰرُ ١٦
Qul mar rabbus-samāwāti wal-ardi qulillāhu qul afattakhadhtum min dūnihī awliyā'a lā yamlikūna li anfusihim naf'an walā darran qul hal yastawil-a'mā wal-basīru am hal tastawiz-zulumātu wan-nūru am ja'alū lillāhi shurakā'a khalaqū kakhalqihī fatashābahal-khalqu 'alayhim qulillāhu khāliqu kulli shay'in wahuwal-wāhidul-qahhār
16. Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelaneysaan Alle ka sokow awliyo (gargaarayaal) kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnaan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Alle shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa 12, oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Dheh: Alle waa Abuuraha wax waliba. Waana Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta, isla weynayaasha iyo cadowyadiisa).
Faallooyin hoose
12. Waxaa halkaas laga qaadanayaa in ilaahyadaa ay sheegeen, ayan awood u lahayn inay wax abuuraan, oo aan la barbar dhigi karin Alle sinnaba.