Suuradda Al-Ma'idah, aayadda 1

5:1

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَوۡفُواْ بِٱلۡعُقُودِۚ أُحِلَّتۡ لَكُم بَهِيمَةُ ٱلۡأَنۡعَٰمِ إِلَّا مَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ غَيۡرَ مُحِلِّي ٱلصَّيۡدِ وَأَنتُمۡ حُرُمٌۗ إِنَّ ٱللَّهَ يَحۡكُمُ مَا يُرِيدُ ١

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū awfū bil-'uqūdi uhillat lakum bahīmatul-an'āmi illā mā yutlā 'alaykum ghayra muhillis-saydi wa antum hurumun innallāha yahkumu mā yurīd

1. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Oofiya ballamaha 1 aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin (halkan), waana inaydaan banneysaneyn ugaarsiga markaad xidhataan (Xajka ama Cumrada), Alle wuxuu xukumaa wuxuu doono.

Faallooyin hoose

1. Ballamaha, waxaa halkan loola jeedaa ballanta lala galo Alle, iyo ballamaha dadka dhexdooda ah, cahdiyada la galo, heshiisyada la kala saxiixdo, dhaaraha la maro, xilalka la qaado, iwm waa in aad loo dhowro oo looga run sheego.