وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱرۡكَعُواْ لَا يَرۡكَعُونَ ٤٨
Wa idhā qīla lahumurka'ū lā yarka'ūn
48. Marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan 4.
Faallooyin hoose
4. Marka lagu yidhaahdo u hoggaansama Amarka Alle uma hoggaansamaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray marka lagu yidhaahdo tukada ma ay tukadaan.