Suuradda Al-Baqarah, aayadda 67

2:67

وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تَذۡبَحُواْ بَقَرَةٗۖ قَالُوٓاْ أَتَتَّخِذُنَا هُزُوٗاۖ قَالَ أَعُوذُ بِٱللَّهِ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ ٦٧

Wa idh qāla mūsā liqawmihī innallāha ya'murukum an tadhbahū baqaratan qālū atattakhidhunā huzuwan qāla a'ūdhu billāhi an akūna minal-jāhilīn

67. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Alle wuxuu idin amri inaad gowracdaan sac 13. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu jeesjeesi. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Alle inaan ka mid noqdo jaahiliinta.

Faallooyin hoose

13. Xikmadda gowricidda saca waa si looga gooyo qalbiyadooda xurmeynta dibigii ay horay u caabudeen. Markiina qayb ka mid ah saca la gowracay lagu dhuftay ninkii la dilay. Wuxuu Alle u soo celiyey nafta ninkii, kaasoo u sheegay ninkii dilay.