فَتَلَقَّىٰٓ ءَادَمُ مِن رَّبِّهِۦ كَلِمَٰتٖ فَتَابَ عَلَيۡهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ٣٧
Fatalaqqā ādamu mir rabbihī kalimātin fatāba 'alayhi innahū huwat-tawwābur-rahīm
37. Markaasuu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey 9, wuuna ka tawbad aqbalay. hubaal (Alle) waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan.
Faallooyin hoose
9. Alle wuxuu baray Aadam kelmedo lagu tawbad dalbo uu ka aqbalay, waana kelmedaha ku soo arooray Suuradda Al- Acraaf Aayadda: 23.