Suuradda Al-Baqarah, aayadda 279

2:279

فَإِن لَّمۡ تَفۡعَلُواْ فَأۡذَنُواْ بِحَرۡبٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَإِن تُبۡتُمۡ فَلَكُمۡ رُءُوسُ أَمۡوَٰلِكُمۡ لَا تَظۡلِمُونَ وَلَا تُظۡلَمُونَ ٢٧٩

Fa il lam taf'alū fa dhanū biharbim minallāhi warasūlihī wa in tubtum falakum ru'ūsu amwālikum lā tazlimūna walā tuzlamūn

279. Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Alle iyo Rasuulkiisu, haddaad tawbad keentaan, waxaad leedihiin raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah) 83.

Faallooyin hoose

83. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Waxaan ku imid habeenkii israha iyo micraajka dad aad u caloolo waaweyn oo xaalad xun ku jira, waxaan idhi waa kuwama kuwaani? Malaggii wuxuu yidhi: waa kuwa qaata ribada.”