Suuradda Al-Baqarah, aayadda 280

2:280

وَإِن كَانَ ذُو عُسۡرَةٖ فَنَظِرَةٌ إِلَىٰ مَيۡسَرَةٖۚ وَأَن تَصَدَّقُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ٢٨٠

Wa in kāna dhū 'usratin fanaziratun ilā maysaratin wa an tasaddaqū khayrul lakum in kuntum ta'lamūn

280. Haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen 84.

Faallooyin hoose

84. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa jirey nin ganacsade ah oo dadka wax amaahin jirey, markiise uu arko nin daneysan wuxuu odhan jirey: “U dhaafa oo iska cafiya si Alle noo cafiyo oo noogu denbi dhaafo, markaasuu Alle u denbi dhaafay.” w.w. Al-Bukhaari.