Suuradda Al-A'raf, aayadda 180

7:180

وَلِلَّهِ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ فَٱدۡعُوهُ بِهَاۖ وَذَرُواْ ٱلَّذِينَ يُلۡحِدُونَ فِيٓ أَسۡمَٰٓئِهِۦۚ سَيُجۡزَوۡنَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١٨٠

Walillāhil-asmā'ul-husnā fad'ūhu bihā wadharul-ladhīna yulhidūna fī asmā'ihī sayujzawna mā kānū ya'malūn

180. Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa 13. Waa laga abaal marin doonaa waxay falayeen.

Faallooyin hoose

13. Ha siin wax tixgelin ah iyo mudnaan oo isaga tag kuwa ku caabuda Alle xusid magacyo aan ku haabboneyn sida Kiristhaanka ugu yeera: aabbe ama eebbe ” iyo mushrikiinta Carbeed ee ugu yeera Laat, Cuzzaa, iyo Manaat, iwm magacyadaasoo aan ku habbooneyn Alle ama kuwa beddela magacyada wanaagsan ee Alle macnahooda ama sifadooda oo ku fasira waxaalo kale sida inay Gacanta Alle ku fasiraan awood, indhahana ilaalin, Imaanashaha Allena, ku fasira imaanshaha Amarkiisa, iwm, taasoo aan bannaaeyn.