Suuradda Al-A'raf, aayadda 157

7:157

ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلرَّسُولَ ٱلنَّبِيَّ ٱلۡأُمِّيَّ ٱلَّذِي يَجِدُونَهُۥ مَكۡتُوبًا عِندَهُمۡ فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَٱلۡإِنجِيلِ يَأۡمُرُهُم بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَىٰهُمۡ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡخَبَٰٓئِثَ وَيَضَعُ عَنۡهُمۡ إِصۡرَهُمۡ وَٱلۡأَغۡلَٰلَ ٱلَّتِي كَانَتۡ عَلَيۡهِمۡۚ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِهِۦ وَعَزَّرُوهُ وَنَصَرُوهُ وَٱتَّبَعُواْ ٱلنُّورَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ مَعَهُۥٓ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ ١٥٧

Alladhīna yattabi'ūnar-rasūlan-nabiyyal-ummiyyal-ladhī yajidūnahū maktūban 'indahum fit-tawrāti wal-injīli ya'muruhum bil-ma'rūfi wayanhāhum 'anil-munkari wayuhillu lahumut-tayyibāti wayuharrimu 'alayhimul-khabā'itha wayada'u 'anhum israhum wal-aghlālal-latī kānat 'alayhim falladhīna āmanū bihī wa'azzarūhu wanasarūhu wattaba'un-nūral-ladhī unzila ma'ahū ulā'ika humul-muflihūn

157. Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga aan waxna qorin, waxna akhrin, oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa 7. Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.

Faallooyin hoose

7. Shareecada Nabi Muxammad ma leh iskallifaad culus oo adag sida xilalka adag ee la saaray ilmihii Israa’iil. Haddii aynu tusaale ka bixinno taa waxaa sharcigooda ka mid ahaa in la dilo qofka si ay u ansaxdo tawbadiisa, iyo in la dilo qofkii qof dila ha u dilo kas iyo ula kac am ula kac la’aan, iyo in la gooyo xubinta uu ka sameeyo xumaanta, in la gooyo marada meeshay najaaso gaarto.