Suuradda Al-'Ankabut, aayadda 18

29:18

وَإِن تُكَذِّبُواْ فَقَدۡ كَذَّبَ أُمَمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡۖ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ ١٨

Wa in tukaddhibū faqad kaddhaba umamum min qablikum wamā 'alar-rasūli illal-balāghul-mubīn

18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad 'ee Diinta Alle' 7.

Faallooyin hoose

7. Mufasiriinta waxay isku khilaafeen Aayaddan inay tahay mid la socota hadalkii Nabi Ibraahiim, ama hadal uu Alle ku samirsiinayo oo ugu laab qaboojinayo Nabi Muxammad s.c.w., sidase ka muuqata hal dhaca hadalka waa inay u tahay samirsiin iyo laab qaboojin Nabi Muxammad s.c.w.