Kutiba 'alaykumus-siyam

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ ١٨٣

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū kutiba 'alaykumus-siyāmu kamā kutiba 'alal-ladhīna min qablikum la'allakum tattaqūn

183. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idinku faral yeelay soon 41 sidii loogu faral yeelay ummadahii idinka horreeyay, si aad (u dhowrtaan Amarrada Alle oo) isaga jirtaan xumaha.

Faallooyin hoose

41. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo denbiyo ah”.

أَيَّامٗا مَّعۡدُودَٰتٖۚ فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٖ فَعِدَّةٞ مِّنۡ أَيَّامٍ أُخَرَۚ وَعَلَى ٱلَّذِينَ يُطِيقُونَهُۥ فِدۡيَةٞ طَعَامُ مِسۡكِينٖۖ فَمَن تَطَوَّعَ خَيۡرٗا فَهُوَ خَيۡرٞ لَّهُۥۚ وَأَن تَصُومُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ١٨٤

Ayyāmam ma'dūdātin faman kāna minkum marīdan aw 'alā safarin fa'iddatum min ayyāmin ukhara wa'alal-ladhīna yutīqūnahū fidyatun ta'āmu miskīnin faman tatawwa'a khayran fahuwa khayrul lahū wa an tasūmū khayrul lakum in kuntum ta'lamūn

184. Maalmo tirsan, ee qofkii idinka mid ah ee buka ama safar ah, markaa waxaa saaran (inuu soomo) isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. kuwaa aan awoodinna (inay soomaan) 42 waxaa saaran fidyo ah inay quudiyaan miskiin 43. Qofkii iskii u falaa khayr isagay u roon tahay. Inaad soontaan baana idiin khayr badan haddaad og tihiin.

Faallooyin hoose

42. Sida qofka buka ama kuwa da’da ah iyo haweenta uurka leh iyo tan ilmo nuujineysa

43. Inuu quudiyo miskiin maalin walba uu afuro.

شَهۡرُ رَمَضَانَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ فِيهِ ٱلۡقُرۡءَانُ هُدٗى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَٰتٖ مِّنَ ٱلۡهُدَىٰ وَٱلۡفُرۡقَانِۚ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ ٱلشَّهۡرَ فَلۡيَصُمۡهُۖ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٖ فَعِدَّةٞ مِّنۡ أَيَّامٍ أُخَرَۗ يُرِيدُ ٱللَّهُ بِكُمُ ٱلۡيُسۡرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ ٱلۡعُسۡرَ وَلِتُكۡمِلُواْ ٱلۡعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ ٱللَّهَ عَلَىٰ مَا هَدَىٰكُمۡ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ١٨٥

Shahru ramadānal-ladhī unzila fīhil-qur'ānu hudal lin-nāsi wabayyinātim minal-hudā wal-furqāni faman shahida minkumush-shahra falyasumhu waman kāna marīdan aw 'alā safarin fa'iddatum min ayyāmin ukhara yurīdullāhu bikumul-yusra walā yurīdu bikumul-'usra walitukmilul-'iddata walitukabbirullāha 'alā mā hadākum wala'allakum tashkurūn

185. Bisha Ramadaan ee la soo dejiyey Qur’aanka, hanuun u ah dadka iyo caddeymo hanuun iyo kala saarid (Xaqa iyo baadilka). Ee qofkii jooga (degaankiisa isagoo fayow) ha soomo, qofkiise buka ama safar ah waxaa saaran isla tirada (maalmahaa uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Alle wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad (xurmo) weyneysaan Alle inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad ku mahdisaan.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Akhri Suuradda Al-Baqarah oo dhan

Su'aalo

Kutiba 'alaykumus-siyam Qur'aanka xagee kaga jirtaa?

Kutiba 'alaykumus-siyam waxay ku jirtaa Suuradda Al-Baqarah, 2:183-185.