Suuradda Hud, aayadda 69

11:69

وَلَقَدۡ جَآءَتۡ رُسُلُنَآ إِبۡرَٰهِيمَ بِٱلۡبُشۡرَىٰ قَالُواْ سَلَٰمٗاۖ قَالَ سَلَٰمٞۖ فَمَا لَبِثَ أَن جَآءَ بِعِجۡلٍ حَنِيذٖ ٦٩

Walaqad jā'at rusulunā ibrāhīma bil-bushrā qālū salāman qāla salāmun famā labitha an jā'a bi'ijlin hanīdh

69. Rusushayadii (malaa'igta ahayd) waxay ula yimaadeen Ibraahiim war bishaaro ah 18. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam (nabad ahaada) wax yar kaddibna wuxuu sooryo ugu keenay weyl shiilan.

Faallooyin hoose

18. Dhalashda Isxaaq ama halaagga qowmu Luud.