وَذَا ٱلنُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَٰضِبٗا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقۡدِرَ عَلَيۡهِ فَنَادَىٰ فِي ٱلظُّلُمَٰتِ أَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبۡحَٰنَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٨٧
Wadhan-nūni id dhahaba mughādiban fazanna al lan naqdira 'alayhi fanādā fiz-zulumāti al lā ilāha illā anta subhānaka innī kuntu minaz-zālimīn
87. (Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu tegay isagoo (u) cadheysan 'dadkii loo diray' 28, wuxuuna mooday inaanan cidhiidhyeyn 'aanu qabanayn' 29! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda 30 'isagoo leh': Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa ka hufan (xumaan), anigu waan gefay.
Faallooyin hoose
28. Ka cadheysan gaalnimada iyo caasiyoobidda dadkiisa.
29. Macne kale waa aan ku cidhiidhyi doonin (caloosha nibriga).
30. Mugdiyadaas oo ah mugdiga habeenka, kan badda, iyo kan caloosha nibriga.