وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن رِّبٗا لِّيَرۡبُوَاْ فِيٓ أَمۡوَٰلِ ٱلنَّاسِ فَلَا يَرۡبُواْ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن زَكَوٰةٖ تُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُضۡعِفُونَ ٣٩
Wamā ātaytum mir ribal liyarbuwa fī amwālin-nāsi falā yarbū 'indallāhi wamā ātaytum min zakawātin turīdūna wajhallāhi fa ulā'ika humul-mud'ifūn
39. Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka 8, ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako 9 ah idinkoo doonaya Wejiga Alle, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah 10.
Faallooyin hoose
8. Weedhan waxay leedahay dhowr macne, waxaa ka mid ah macnooyinkaa: a) waxa loo bixiyo ribo ahaan ama kor saar b) waxa la bixiyo iyadoo lagu xiro shardi ah in la gudo iyadoo faa’ido la saartay ha yaraaato ama ha badnaatee faa’idadaa. Iyo c) inaad cid siiso hadiyad adigoo uga jeeda inaad ka hesho ciddaas aad hadiyadda siisay wax ka badan oo ka weyn hadiyadda aad siisay.
9. Sakada halkan waxaa sidoo kale soo galaya sadaqada tabaruca ah aad Dar Alle ula baxdo.
10. Waa loo labo jibbaaraa khayrka iyo barakooyinka lagu siiyo arlada iyo ajarka Aakhirada.