لَّا تَجۡعَلُواْ دُعَآءَ ٱلرَّسُولِ بَيۡنَكُمۡ كَدُعَآءِ بَعۡضِكُم بَعۡضٗاۚ قَدۡ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ يَتَسَلَّلُونَ مِنكُمۡ لِوَاذٗاۚ فَلۡيَحۡذَرِ ٱلَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنۡ أَمۡرِهِۦٓ أَن تُصِيبَهُمۡ فِتۡنَةٌ أَوۡ يُصِيبَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ ٦٣
Llā taj'alū du'ā'ar-rasūli baynakum kadu'ā'i ba'dikum ba'dan qad ya'lamullāhul-ladhīna yatasallalūna minkum liwādhan falyahdharil-ladhīna yukhālifūna 'an amrihī an tusībahum fitnatun aw yusībahum 'adhābun alīm
63. Ha ka yeelina u yeedhidda Rasuulka (Muxammad) dhexdiinna sida u yeedhidda qaarkiinba qaar. Alle dhab ahaan wuu ogsoon yahay kuwaa dhuunta iyagoo gabban (aan kaa idan qaadan Nabiyow), Ee ha is jiraan kuwaa ka hor yimaada amariiska 38 si ayan ugu dhicin balaayo ama ugu dhicin 39 cadaab xanuun badan.
Faallooyin hoose
38. Macnaha sidoo kale waxaa weeye dhabbahiisa ama sunnadiisa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la yimaado camal aan ahayn amarkayaga waa lagu soo celin oo lagama aqbalayo.”
39. Imtixaan la marsiiyo, musiibooyin ku dhaca, is nac dhexdooda, iyo kala qaybsanaan, dhibaato soo gaadha, gaajo iyo abaaro, iwm.