وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ ٱلۡبَنَٰتِ سُبۡحَٰنَهُۥ وَلَهُم مَّا يَشۡتَهُونَ ٥٧
Wayaj'alūna lillāhil-banāti subhānahū walahum mā yashtahūn
57. Waxay u yeelaan Alle gabdho 12. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.
Faallooyin hoose
12. Waxay yidhaahdeen Alle wuxuu leeyahay gabdho, iyagoo ula jeeda malaa’igta, iyagoo naf ahaantooda neceb inay yeeshaan gabdho siduu Alle ku xusay Aayaddan iyo tan ka dambeysaba.