Suuradda Al-Mujadilah, aayadda 2

58:2

ٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَآئِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَٰتِهِمۡۖ إِنۡ أُمَّهَٰتُهُمۡ إِلَّا ٱلَّٰٓـِٔي وَلَدۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَيَقُولُونَ مُنكَرٗا مِّنَ ٱلۡقَوۡلِ وَزُورٗاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٞ ٢

Alladhīna yuzāhirūna minkum min nisā'ihim mā hunna ummahātihim in ummahātuhum illal-lā'ī waladnahum wa innahum layaqūlūna munkaram minal-qawli wazūran wa innallāha la'afuwwun ghafūr

2. Kuwa idinka mid ah ee isaga xaaraantimeeya 1 xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwii dhalay. Kuwaasuna waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allese hubaal waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.

Faallooyin hoose

1. Haweeney la yidhaahdo Khawlah binti Thaclabah a.k.r. baa waxaa habkan isaga xaaraantinimeeyey ninkeeda Aws bin As-Saamit, isagoo ku yidhi xaaskiisa, "hooyaday baad iga tahay". Markaasay waxay u timid Nabiga s.c.w. iyadoo wax ka weydiinaysa mas’aladan, markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan iyo Aayadda xigta.