Suuradda Al-Mujadilah المجادلة

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

قَدۡ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوۡلَ ٱلَّتِي تُجَٰدِلُكَ فِي زَوۡجِهَا وَتَشۡتَكِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَٱللَّهُ يَسۡمَعُ تَحَاوُرَكُمَآۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعُۢ بَصِيرٌ ١

Qad sami'allāhu qawlal-latī tujādiluka fī zawjihā watashtakī ilallāhi wallāhu yasma'u tahāwurakumā innallāha samī'u basīr

1. Alle wuu ajiibay baryada haweentii kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u sheeganaysey (dhibaatadeeda) Alle. Alle waa maqlayey wada hadalkiinna. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

ٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَآئِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَٰتِهِمۡۖ إِنۡ أُمَّهَٰتُهُمۡ إِلَّا ٱلَّٰٓـِٔي وَلَدۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَيَقُولُونَ مُنكَرٗا مِّنَ ٱلۡقَوۡلِ وَزُورٗاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٞ ٢

Alladhīna yuzāhirūna minkum min nisā'ihim mā hunna ummahātihim in ummahātuhum illal-lā'ī waladnahum wa innahum layaqūlūna munkaram minal-qawli wazūran wa innallāha la'afuwwun ghafūr

2. Kuwa idinka mid ah ee isaga xaaraantimeeya 1 xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwii dhalay. Kuwaasuna waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allese hubaal waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.

وَٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِن نِّسَآئِهِمۡ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُواْ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مِّن قَبۡلِ أَن يَتَمَآسَّاۚ ذَٰلِكُمۡ تُوعَظُونَ بِهِۦۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ ٣

Walladhīna yuzāhirūna min nisā'ihim thumma ya'ūdūna limā qālū fatahrīru raqabatim min qabli an yatamāssā dhālikum tū'azūna bihī wallāhu bimā ta'malūna khabīr

3. Kuwa isaga xaaraantimeeya xaasas- kooda hab dihaar ah (ku yidhaahda, hooyaday baa iga tahay) - markaas doonaya inay ka noqdaan waxay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban (galmoon), (arrin)kaasi waa kan la idinku waaninayo. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ مِن قَبۡلِ أَن يَتَمَآسَّاۖ فَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ فَإِطۡعَامُ سِتِّينَ مِسۡكِينٗاۚ ذَٰلِكَ لِتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۗ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ ٤

Famal lam yajid fasiyāmu shahrayni mutatābi'ayni min qabli an yatamāssā famal lam yastati' fa it'āmu sittīna miskīnan dhālika litu'minū billāhi warasūlihī watilka hudūdullāhi walil-kāfirīna 'adhābun alīm

4. Kii aan helin (addoon uu xoreeyo), waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban 'galmoon' 2; kiise aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan dhan ugu qabtaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwaasi waa soohdimaha Alle (ee ha dhaafina). Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab xanuun Badan.

إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ كُبِتُواْ كَمَا كُبِتَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ وَقَدۡ أَنزَلۡنَآ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۚ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٞ مُّهِينٞ ٥

Innal-ladhīna yuhāddūnallāha warasūlahū kubitū kamā kubital-ladhīna min qablihim waqad anzalnā āyāti bayyinātin walil-kāfirīna 'adhābum muhīn

5. Xaqiiq kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyey. Waxaana dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab Dulleysa.

يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓاْۚ أَحۡصَىٰهُ ٱللَّهُ وَنَسُوهُۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ ٦

Yawma yab'athuhumullāhu jamī'an fayunabbi'uhum bimā 'amilū ahsāhullāhu wanasūhu wallāhu 'alā kulli shay'in shahīd

6. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, una sheegi waxay faleen. Alle wuu tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Alle wax walba wuu Arkaa.

أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ مَا يَكُونُ مِن نَّجۡوَىٰ ثَلَٰثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمۡ وَلَا خَمۡسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمۡ وَلَآ أَدۡنَىٰ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمۡ أَيۡنَ مَا كَانُواْۖ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُواْ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ ٧

Alam tara annallāha ya'lamu mā fis-samāwāti wamā fil-ardi mā yakūnu min najwā thalāthatin illā huwa rābi'uhum walā khamsatin illā huwa sādisuhum walā adnā min dhālika walā akthara illā huwa ma'ahum ayna mā kānū thumma yunabbi'uhum bimā 'amilū yawmal-qiyāmati innallāha bikulli shay'in 'alīm

7. Miyaadan ogaan inuu Alle Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku faqda, uusan isagu aheyn kooda afraad 3, mana jiro (faq ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Alle wax walba wuu Og yahay.

أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نُهُواْ عَنِ ٱلنَّجۡوَىٰ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا نُهُواْ عَنۡهُ وَيَتَنَٰجَوۡنَ بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَمَعۡصِيَتِ ٱلرَّسُولِۖ وَإِذَا جَآءُوكَ حَيَّوۡكَ بِمَا لَمۡ يُحَيِّكَ بِهِ ٱللَّهُ وَيَقُولُونَ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ لَوۡلَا يُعَذِّبُنَا ٱللَّهُ بِمَا نَقُولُۚ حَسۡبُهُمۡ جَهَنَّمُ يَصۡلَوۡنَهَاۖ فَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ ٨

Alam tara ilal-ladhīna nuhū 'anin-najwā thumma ya'ūdūna limā nuhū 'anhu wayatanājawna bil-ithmi wal-'udwāni wama'siyatir-rasūli wa idhā jā'ūka hayyawka bimā lam yuhayyika bihillāhu wayaqūlūna fī anfusihim lawlā yu'addhibunallāhu bimā naqūlu hasbuhum jahannamu yaslawnahā fabi'sal-masīr

8. Miyaadan ogaan kuwaa (Yuhuudda ah) ee laga reebay faqa xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku faqaan denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, markay kuu yimaadaanna waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin 4, iyagoo si hoose u leh: Muxuu Alle noogu cadaabi waayey waxaan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay gali. Oo u xun meel la ahaado.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا تَنَٰجَيۡتُمۡ فَلَا تَتَنَٰجَوۡاْ بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَمَعۡصِيَتِ ٱلرَّسُولِ وَتَنَٰجَوۡاْ بِٱلۡبِرِّ وَٱلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ ٩

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū idhā tanājaytum falā tatanājaw bil-ithmi wal-'udwāni wama'siyatir-rasūli watanājaw bil-birri wat-taqwā wattaqullāhal-ladhī ilayhi tuhsharūn

9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad faqeysaan, ha ku faqina denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka ee ku faqa samaan iyo ka joogid (denbiyada) dhowrana (amarrada) Alle, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.

إِنَّمَا ٱلنَّجۡوَىٰ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ لِيَحۡزُنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيۡسَ بِضَآرِّهِمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ١٠

Innaman-najwā minash-shaytāni liyahzunal-ladhīna āmanū walaysa bidārrihim shay'an illā bi idhnillāhi wa'alallāhi falyatawakkalil-mu'minūn

10. Sideedaba faqa (xun) waa uun (camal) Shaydaan 5, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeeyey, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee wuxuu Alle idmo maahee. Alle uun ha tala saarteen mu’miniinta.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَكُمۡ تَفَسَّحُواْ فِي ٱلۡمَجَٰلِسِ فَٱفۡسَحُواْ يَفۡسَحِ ٱللَّهُ لَكُمۡۖ وَإِذَا قِيلَ ٱنشُزُواْ فَٱنشُزُواْ يَرۡفَعِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡ وَٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ دَرَجَٰتٖۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ ١١

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū idhā qīla lakum tafassahū fil-majālisi fafsahū yafsahillāhu lakum wa idhā qīlanshuzū fanshuzū yarfa'illāhul-ladhīna āmanū minkum walladhīna ūtul-'ilma darajātin wallāhu bimā ta'malūna khabīr

11.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la idinku yidhaahdo isu waasiciya fadhiga, isu waasiciya. Alle ha idiin waasiciyee 'Naxariistiisa' 6. Marka la idinku yidhaahdo u kaca 'khayr' 7 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwaa cilmiga la siiyey darajooyin aad u sarreeya. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَٰجَيۡتُمُ ٱلرَّسُولَ فَقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَةٗۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لَّكُمۡ وَأَطۡهَرُۚ فَإِن لَّمۡ تَجِدُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ ١٢

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū idhā nājaytumur-rasūla faqaddimū bayna yaday najwākum sadaqatan dhālika khayrul lakum wa atharu fa il lam tajidū fa innallāha ghafūrur rahīm

12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka (aad dooneysaan) inaad la faqdaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan faqiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

ءَأَشۡفَقۡتُمۡ أَن تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَٰتٖۚ فَإِذۡ لَمۡ تَفۡعَلُواْ وَتَابَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ ١٣

A'ashfaqtum an tuqaddimū bayna yaday najwākum sadaqātin fa idh lam taf'alū watāballāhu 'alaykum fa aqīmus-salawāta wa ātuz-zakawāta wa atī'ullāha warasūlahū wallāhu khabīru bimā ta'malūn

13. Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydaan) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la faqiinna (Nabiga)? Haddii aydaan sidaas falin, Alle wuu idinka tawbad aqbalaye ooga salaadda oo bixiya sakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

۞ أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ تَوَلَّوۡاْ قَوۡمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مَّا هُم مِّنكُمۡ وَلَا مِنۡهُمۡ وَيَحۡلِفُونَ عَلَى ٱلۡكَذِبِ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ ١٤

Alam tara ilal-ladhīna tawallaw qawman ghadiballāhu 'alayhim mā hum minkum walā minhum wayahlifūna 'alal-kadhibi wahum ya'lamūn

14. Mawaadan arag kuwaa (munaafiqiinta ah ee) iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha (munaafiqiinta) kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) kamana tirsana (gaalada), waxayna ku dhaartaan been iyagoo og.

أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدًاۖ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١٥

A'addallāhu lahum 'adhāban shadīdan innahum sā'a mā kānū ya'malūn

15. Alle wuxuu u diyaariyey cadaab daran. Xumaa waxay falaan.

ٱتَّخَذُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ جُنَّةٗ فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ ١٦

Ittakhadhū aymānahum junnatan fasaddū 'an sabīlillāhi falahum 'adhābum muhīn

16. Waxay (munaafiqiintu) ka dhigteen dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan) markaasay ka weeciyeen (dadka) jidka Alle, sidaas awgeed waxay leeyihiin cadaab dufeysa.

لَّن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ١٧

Llan tughniya 'anhum amwāluhum walā awlāduhum minallāhi shay'an ulā'ika ashābun-nāri hum fīhā khālidūn

17. Maalkooda ama awlaaddoodu waxna ugama taraan Alle Xaggiisa. Kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.

يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيَحۡلِفُونَ لَهُۥ كَمَا يَحۡلِفُونَ لَكُمۡ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ عَلَىٰ شَيۡءٍۚ أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ ١٨

Yawma yab'athuhumullāhu jamī'an fayahlifūna lahū kamā yahlifūna lakum wayahsabūna annahum 'alā shay'in alā innahum humul-kādhibūn

18. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, way u dhaaraan siday idiinku dhaartaan 8 iyagoo mooda inay wax (xujo ah) heystaan. Hubaal waa iyaga beenaalayaasha.

ٱسۡتَحۡوَذَ عَلَيۡهِمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَأَنسَىٰهُمۡ ذِكۡرَ ٱللَّهِۚ أُوْلَٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱلشَّيۡطَٰنِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ ١٩

Istahwadha 'alayhimush-shaytānu fa ansāhum dhikrallāhi ulā'ika hizbush-shaytāni alā inna hizbash-shaytāni humul-khāsirūn

19. Shaydaan baa duufsaday oo hilmaan- siiyey xusidda Alle. Kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal waa xisbiga shaydaanka kuwa khasaaray.

إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ٱلۡأَذَلِّينَ ٢٠

Innal-ladhīna yuhāddūnallāha warasūlahū ulā'ika fil-adhallīn

20. Hubaal kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa; kuwaasi waxay ka mid ahaan kuwa dulleysan.

كَتَبَ ٱللَّهُ لَأَغۡلِبَنَّ أَنَا۠ وَرُسُلِيٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ ٢١

Kataballāhu la aghlibanna ana warusulī innallāha qawiyyun 'azīz

21. Alle wuxuu qoray - hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. Hubaal, Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.

لَّا تَجِدُ قَوۡمٗا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ يُوَآدُّونَ مَنۡ حَآدَّ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَوۡ كَانُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ أَوۡ أَبۡنَآءَهُمۡ أَوۡ إِخۡوَٰنَهُمۡ أَوۡ عَشِيرَتَهُمۡۚ أُوْلَٰٓئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلۡإِيمَٰنَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٖ مِّنۡهُۖ وَيُدۡخِلُهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ رَضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُۚ أُوْلَٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱللَّهِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ ٢٢

Llā tajidu qawman yu'minūna billāhi wal-yawmil-ākhiri yuwāddūna man hāddallāha warasūlahū walaw kānū ābā'ahum aw abnā'ahum aw ikhwānahum aw 'ashīratahum ulā'ika kataba fī qulūbihimul-īmāna wa ayyadahum birūhim minhu wayudkhiluhum jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā radiyallāhu 'anhum waradū 'anhu ulā'ika hizbullāhi alā inna hizballāhi humul-muflihūn

22. Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro haddana jecel kuwa colaadiya Alle iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama qaraabadooda. Kuwaa weeye kuwa uu (Alle) quluubtooda ku qoray Iimaan, uuna ku xoojiyey Ruux 9 Xaggiisa ah, wuxuu galin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Alle. Ogaada, hubaal, Xisbiga Alle waa iyaga liibaanayaasha.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Mujadilah?

Suuradda Al-Mujadilah waxay leedahay 22 aayadood. Waa suuradda 58 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Mujadilah ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Mujadilah waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Mujadilah juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Mujadilah waxay ku jirtaa juz' 28.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Mujadilah?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.