Suuradda Al-Hadid الحديد

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ١

Sabbaha lillāhi mā fis-samāwāti wal-ardi wahuwal-'azīzul-hakīm

1. Waxaa xurmo weyneeya oo (ceeb iyo nuqsaan ka) hufa Alle Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada 1. Waana Adkaadaha, Xikmadda Badan.

لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ٢

Lahū mulkus-samāwāti wal-ardi yuhyī wayumītu wahuwa 'alā kulli shay'in qadīr

2. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wax nooleeya oo dhinsiiya; Isagaana wax walba Kara.

هُوَ ٱلۡأَوَّلُ وَٱلۡأٓخِرُ وَٱلظَّٰهِرُ وَٱلۡبَاطِنُۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ ٣

Huwal-awwalu wal-ākhiru waz-zāhiru wal-bātinu wahuwa bikulli shay'in 'alīm

3. Waa Isaga (Alle) Kan horreeyey iyo Kan dambeyn, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada, Carshigiisa dushiisa) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Isagaana Wax walba Ogsoon.

هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۖ وَهُوَ مَعَكُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ ٤

Huwal-ladhī khalaqas-samāwāti wal-arda fī sittati ayyāmin thummastawā 'alal-'arshi ya'lamu mā yaliju fil-ardi wamā yakhruju minhā wamā yanzilu minas-samā'i wamā ya'ruju fīhā wahuwa ma'akum ayna mā kuntum wallāhu bimā ta'malūna basīr

4. Waa Isaga 'Alle' Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshigiisa. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Wuuna idinla jiraa meel aad joogtaanba 2. Alle Wuu Arkaa waxaad fashaan.

لَّهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ ٥

Llahū mulkus-samāwāti wal-ardi wa ilallāhi turja'ul-umūr

5. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Xagga Alle baa loo celiyaa umuuraha oo dhan.

يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِۚ وَهُوَ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ٦

Yūlijul-layla fin-nahāri wayūlijun-nahāra fil-layli wahuwa 'alīmu bidhātis-sudūr

6. Wuxuu Habeenka dhex gashaa maalinta, maalintana dhex gashaa habeenka (macnaha kala badiyaa), wuuna Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

ءَامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَأَنفِقُواْ مِمَّا جَعَلَكُم مُّسۡتَخۡلَفِينَ فِيهِۖ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡ وَأَنفَقُواْ لَهُمۡ أَجۡرٞ كَبِيرٞ ٧

Āminū billāhi warasūlihī wa anfiqū mimmā ja'alakum mustakhlafīna fīhi falladhīna āmanū minkum wa anfaqū lahum ajrun kabīr

7. Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa); kuwaa idinka mid ah ee rumeeya (Alle) oo wax bixiya 3 waxay leeyihiin Abaalgud Weyn (Jamno).

وَمَا لَكُمۡ لَا تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ لِتُؤۡمِنُواْ بِرَبِّكُمۡ وَقَدۡ أَخَذَ مِيثَٰقَكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ٨

Wamā lakum lā tu'minūna billāhi war-rasūlu yad'ūkum litu'minū birabbikum waqad akhadha mīthāqakum in kuntum mu'minīn

8. Maxaad leedihiin oo aad la rumeyn weydeen Alle, isagoo Rasuulku (Nabi Muxammad) idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, Isagoo idinka qaaday ballan adag, haddaad tihiin mu’miniin.

هُوَ ٱلَّذِي يُنَزِّلُ عَلَىٰ عَبۡدِهِۦٓ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖ لِّيُخۡرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ بِكُمۡ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٞ ٩

Huwal-ladhī yunazzilu 'alā 'abdihī āyāti bayyinātil liyukhrijakum minaz-zulumāti ilan-nūri wa innallāha bikum lara'ūfur rahīm

9. Waa Alle Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Hubaal Alle waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay.

وَمَا لَكُمۡ أَلَّا تُنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ لَا يَسۡتَوِي مِنكُم مَّنۡ أَنفَقَ مِن قَبۡلِ ٱلۡفَتۡحِ وَقَٰتَلَۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَعۡظَمُ دَرَجَةٗ مِّنَ ٱلَّذِينَ أَنفَقُواْ مِنۢ بَعۡدُ وَقَٰتَلُواْۚ وَكُلّٗا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ ١٠

Wamā lakum allā tunfiqū fī sabīlillāhi walillāhi mīrāthus-samāwāti wal-ardi lā yastawī minkum man anfaqa min qablil-fathi waqātala ulā'ika a'zamu darajatam minal-ladhīna anfaqū mim ba'du waqātalū wakullan wa'adallāhul-husnā wallāhu bimā ta'malūna khabīr

10. Maxaad leedihiin oo aad wax ugu bixin weydeen Jidka Alle? Alle baana leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Ma sinna kuwiinna wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray (iyo kuwiinna sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray kaddib. Alle wuxuu u yaboohay (abaalgud) wanaagsan intaba. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

مَّن ذَا ٱلَّذِي يُقۡرِضُ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا فَيُضَٰعِفَهُۥ لَهُۥ وَلَهُۥٓ أَجۡرٞ كَرِيمٞ ١١

Mman dhal-ladhī yuqridullāha qardan hasanan fayudā'ifahū lahū walahū ajrun karīm

11. Waa kuma kan amaahinaya Alle amaah wanaagsan 4, markaas uu u labolaabo (ajarka), wuxuuna siin abaalgud wanaagsan (Janno).

يَوۡمَ تَرَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ يَسۡعَىٰ نُورُهُم بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَبِأَيۡمَٰنِهِمۖ بُشۡرَىٰكُمُ ٱلۡيَوۡمَ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ١٢

Yawma taral-mu'minīna wal-mu'mināti yas'ā nūruhum bayna aydīhim wabi'aymānihim bushrākumul-yawma jannātun tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā dhālika huwal-fawzul-'azīm

12. Maalinta aad arki mu’miniinta iyo mu’minooyinka - nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Jannooyin (Beero) ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda (weligood). (Arrin)kaasi waa Liibaanta Weyn.

يَوۡمَ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتُ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱنظُرُونَا نَقۡتَبِسۡ مِن نُّورِكُمۡ قِيلَ ٱرۡجِعُواْ وَرَآءَكُمۡ فَٱلۡتَمِسُواْ نُورٗاۖ فَضُرِبَ بَيۡنَهُم بِسُورٖ لَّهُۥ بَابُۢ بَاطِنُهُۥ فِيهِ ٱلرَّحۡمَةُ وَظَٰهِرُهُۥ مِن قِبَلِهِ ٱلۡعَذَابُ ١٣

Yawma yaqūlul-munāfiqūna wal-munāfiqātu lilladhīna āmanunzurūnā naqtabis min nūrikum qīlarji'ū warā'akum fal-tamisū nūran faduriba baynahum bisūril lahū bābu bātinuhū fīhir-rahmatu wazāhiruhū min qibalihil-'adhāb

13. Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna 5. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli dhexdooda, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, xaggiisa debedda ahna cadaab.

يُنَادُونَهُمۡ أَلَمۡ نَكُن مَّعَكُمۡۖ قَالُواْ بَلَىٰ وَلَٰكِنَّكُمۡ فَتَنتُمۡ أَنفُسَكُمۡ وَتَرَبَّصۡتُمۡ وَٱرۡتَبۡتُمۡ وَغَرَّتۡكُمُ ٱلۡأَمَانِيُّ حَتَّىٰ جَآءَ أَمۡرُ ٱللَّهِ وَغَرَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ ١٤

Yunādūnahum alam nakum ma'akum qālū balā walākinnakum fatantum anfusakum watarabbastum wartabtum wagharratkumul-amāniyyu hattā jā'a amrullāhi wagharrakum billāhil-gharūr

14. Way u dhawaaqi (iyagoo leh): Sow ma aanan aheyn la jirkiinna? Waxay odhan: Haayoo, waxaadse balayseen nafahiinna 6, oo sugteen oo shakideen, waxaana idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Alle idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Alle.

فَٱلۡيَوۡمَ لَا يُؤۡخَذُ مِنكُمۡ فِدۡيَةٞ وَلَا مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ مَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُۖ هِيَ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ ١٥

Fal-yawma lā yu'khadhu minkum fidyatun walā minal-ladhīna kafarū ma'wākumun-nāru hiya mawlākum wabi'sal-masīr

15. Maanta la idinkama aqbalo is furasho idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, waa iyada mudankiinna, waana halka u xun meel la ahaado.

۞ أَلَمۡ يَأۡنِ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن تَخۡشَعَ قُلُوبُهُمۡ لِذِكۡرِ ٱللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ ٱلۡحَقِّ وَلَا يَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلُ فَطَالَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَمَدُ فَقَسَتۡ قُلُوبُهُمۡۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ ١٦

Alam ya'ni lilladhīna āmanū an takhsha'a qulūbuhum lidhikrillāhi wamā nazala minal-haqqi walā yakūnū kalladhīna ūtul-kitāba min qablu fatāla 'alayhimul-amadu faqasat qulūbuhum wakathīrum minhum fāsiqūn

16. Miyaanan la joogin waqtigii quluubta kuwa (Xaqa) rumeeyey ay u khushuucaan Xuska Alle iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah (Qur'aanka)? oo ayan la mid noqonin kuwii la siiyey Kitaabka awal hore (Yuhuudda iyo Nasaarada) oo muddadu ku dheeraatay sidaa darteed quluubtoodu noqdeen kuwo adag 'sida dhagax'? In badan oo ka mid ahna waa caasiyaal.

ٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ قَدۡ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ ١٧

I'lamū annallāha yuhyil-arda ba'da mawtihā qad bayyannā lakumul-āyāti la'allakum ta'qilūn

17. Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib 7. Waan idiin caddeynay Aayadaha si aad u fahantaan.

إِنَّ ٱلۡمُصَّدِّقِينَ وَٱلۡمُصَّدِّقَٰتِ وَأَقۡرَضُواْ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا يُضَٰعَفُ لَهُمۡ وَلَهُمۡ أَجۡرٞ كَرِيمٞ ١٨

Innal-mussaddiqīna wal-mussaddiqāti wa aqradullāha qardan hasanan yudā'afu lahum walahum ajrun karīm

18. Ragga iyo haweenka wax sadaqaysta ee amaahiya Alle amaah wanaagsan, waa loo labo-laabi (ajarka) waxayna xaqiiq leeyihiin Abaal gud Wanaagsan (Janno).

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلصِّدِّيقُونَۖ وَٱلشُّهَدَآءُ عِندَ رَبِّهِمۡ لَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ وَنُورُهُمۡۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَحِيمِ ١٩

Walladhīna āmanū billāhi warusulihī ulā'ika humus-siddīqūna wash-shuhadā'u 'inda rabbihim lahum ajruhum wanūruhum walladhīna kafarū wakaddhabū bi'āyātinā ulā'ika ashābul-jahīm

19. Kuwa rumeeyey Allaah iyo Rusushiisa, Kuwaasu weeye run badnayaasha 8, shuhadaduna Rabbigood xaggiis waxay ka heli abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.

ٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا لَعِبٞ وَلَهۡوٞ وَزِينَةٞ وَتَفَاخُرُۢ بَيۡنَكُمۡ وَتَكَاثُرٞ فِي ٱلۡأَمۡوَٰلِ وَٱلۡأَوۡلَٰدِۖ كَمَثَلِ غَيۡثٍ أَعۡجَبَ ٱلۡكُفَّارَ نَبَاتُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصۡفَرّٗا ثُمَّ يَكُونُ حُطَٰمٗاۖ وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٞ شَدِيدٞ وَمَغۡفِرَةٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضۡوَٰنٞۚ وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا مَتَٰعُ ٱلۡغُرُورِ ٢٠

I'lamū annamal-hayawātud-dunyā la'ibun walahwun wazīnatun watafākhuru baynakum watakāthurun fil-amwāli wal-awlādi kamathali ghaythin a'jabal-kuffāra nabātuhū thumma yahīju fatarāhu musfarran thumma yakūnu hutāman wafil-ākhirati 'adhābun shadīdun wamaghfiratum minallāhi waridwānun wamal-hayawātud-dunyā illā matā'ul-ghurūr

20. Ogaada inay nolosha adduunkan tahay cayaar, madaddaalo, isqurxin, isu faan dhexdiinna iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, waa sida roobka soo saara naqa, bixiddiisuna tahay mid farax gelisa beeroleyda; markaasna engaga oo aad arki isagoo doorsoomayoo caddaaday, markaas noqon xaabo burbur ah. Aakhirose (waxaa jira) cadaab daran ama denbi dhaaf xagga Alle iyo Raallinnimadiisa. Nolosha adduunyana ma aha waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.

سَابِقُوٓاْ إِلَىٰ مَغۡفِرَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ وَجَنَّةٍ عَرۡضُهَا كَعَرۡضِ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ أُعِدَّتۡ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۚ ذَٰلِكَ فَضۡلُ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ ٢١

Sābiqū ilā maghfiratim mir rabbikum wajannatin 'arduhā ka'ardis-samā'i wal-ardi u'iddat lilladhīna āmanū billāhi warusulihī dhālika fadlullāhi yu'tīhi man yashā'u wallāhu dhul-fadlil-'azīm

21. U degdega denbi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo Janno ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, loo diyaariyey kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Alle uu siiyo cidduu doono. Alle waa Kan leh Galladda Weyn.

مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مِّن قَبۡلِ أَن نَّبۡرَأَهَآۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ ٢٢

Mā asāba mim musībatin fil-ardi walā fī anfusikum illā fī kitābim min qabli an nabra'ahā inna dhālika 'alallāhi yasīr

22. Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab 9, ka hor inta aanu keenin ifka. Hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Alle.

لِّكَيۡلَا تَأۡسَوۡاْ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمۡ وَلَا تَفۡرَحُواْ بِمَآ ءَاتَىٰكُمۡۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخۡتَالٖ فَخُورٍ ٢٣

Llikaylā ta'saw 'alā mā fātakum walā tafrahū bimā ātākum wallāhu lā yuhibbu kulla mukhtālin fakhūr

23. Si aydaan uga murugoon wixii idin seega, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Alle ma jecla mid kastoo isla weyn, faan badan.

ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ وَيَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبُخۡلِۗ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ ٢٤

Alladhīna yabkhalūna waya'murūnan-nāsa bil-bukhli waman yatawalla fa innallāha huwal-ghaniyyul-hamīd

24. Kuwa ah bakhayllada - amrana dadka bakhaylnimo. Qofkii (Xaqa ka) jeesadana, hubaal Alle waa Hodanka Deeqtoon, Ammaanan.

لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَأَنزَلۡنَا مَعَهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمِيزَانَ لِيَقُومَ ٱلنَّاسُ بِٱلۡقِسۡطِۖ وَأَنزَلۡنَا ٱلۡحَدِيدَ فِيهِ بَأۡسٞ شَدِيدٞ وَمَنَٰفِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥ وَرُسُلَهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ ٢٥

Laqad arsalnā rusulanā bil-bayyināti wa anzalnā ma'ahumul-kitāba wal-mīzāna liyaqūman-nāsu bil-qisti wa anzalnal-hadīda fīhi ba sun shadīdun wamanāfi'u lin-nāsi waliya'lamallāhu man yansuruhū warusulahū bil-ghaybi innallāha qawiyyun 'azīz

25. Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka 10, iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحٗا وَإِبۡرَٰهِيمَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِمَا ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَۖ فَمِنۡهُم مُّهۡتَدٖۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ ٢٦

Walaqad arsalnā nūhan wa ibrāhīma waja'alnā fī dhurriyyatihiman-nubuwwata wal-kitāba faminhum muhtadin wakathīrum minhum fāsiqūn

26. Waxaan dhab ahaan soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, waxaa ka mid ah kuwo hanuunay, in badani oo ka mid ahina waa caasiyaal.

ثُمَّ قَفَّيۡنَا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم بِرُسُلِنَا وَقَفَّيۡنَا بِعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡإِنجِيلَۖ وَجَعَلۡنَا فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ رَأۡفَةٗ وَرَحۡمَةٗۚ وَرَهۡبَانِيَّةً ٱبۡتَدَعُوهَا مَا كَتَبۡنَٰهَا عَلَيۡهِمۡ إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ رِضۡوَٰنِ ٱللَّهِ فَمَا رَعَوۡهَا حَقَّ رِعَايَتِهَاۖ فَـَٔاتَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۡهُمۡ أَجۡرَهُمۡۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ ٢٧

Thumma qaffaynā 'alā āthārihim birusulinā waqaffaynā bi'īsabni maryama wa ātaynāhul-injīla waja'alnā fī qulūbil-ladhīnat-taba'ūhu ra'fatan warahmatan warahbāniyyatanibtada'ūhā mā katabnāhā 'alayhim illabtighā'a ridwānillāhi famā ra'awhā haqqa ri'āyatihā fa'ātaynal-ladhīna āmanū minhum ajrahum wakathīrum minhum fāsiqūn

27. Markaasaan raacinnay raadadkoodii Rusushayada, Waxaana raacinnay Ciise, wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka. Waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis. Suufinnimadase 'adduun ka jeedsiga' 11 iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha Alle darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَءَامِنُواْ بِرَسُولِهِۦ يُؤۡتِكُمۡ كِفۡلَيۡنِ مِن رَّحۡمَتِهِۦ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ نُورٗا تَمۡشُونَ بِهِۦ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٢٨

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanut-taqullāha wa āminū birasūlihī yu'tikum kiflayni mir rahmatihī wayaj'al lakum nūran tamshūna bihī wayaghfir lakum wallāhu ghafūrur rahīm

28.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

لِّئَلَّا يَعۡلَمَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ أَلَّا يَقۡدِرُونَ عَلَىٰ شَيۡءٖ مِّن فَضۡلِ ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱلۡفَضۡلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ ٢٩

Lli allā ya'lama ahlul-kitābi allā yaqdirūna 'alā shay'im min fadlillāhi wa annal-fadla biyadillāhi yu'tīhi man yashā'u wallāhu dhul-fadlil-'azīm

29. Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan hayn waxna ka mid ah Galladda Alle, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Alle 12, wuxuu siiyaa cidduu doono. Alle waa Rabbiga leh Galladda Weyn.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Hadid?

Suuradda Al-Hadid waxay leedahay 29 aayadood. Waa suuradda 57 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Hadid ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Hadid waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Hadid juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Hadid waxay ku jirtaa juz' 27.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Hadid?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.