۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلرَّسُولُ لَا يَحۡزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡكُفۡرِ مِنَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَلَمۡ تُؤۡمِن قُلُوبُهُمۡۛ وَمِنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْۛ سَمَّٰعُونَ لِلۡكَذِبِ سَمَّٰعُونَ لِقَوۡمٍ ءَاخَرِينَ لَمۡ يَأۡتُوكَۖ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ مِنۢ بَعۡدِ مَوَاضِعِهِۦۖ يَقُولُونَ إِنۡ أُوتِيتُمۡ هَٰذَا فَخُذُوهُ وَإِن لَّمۡ تُؤۡتَوۡهُ فَٱحۡذَرُواْۚ وَمَن يُرِدِ ٱللَّهُ فِتۡنَتَهُۥ فَلَن تَمۡلِكَ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُرِدِ ٱللَّهُ أَن يُطَهِّرَ قُلُوبَهُمۡۚ لَهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا خِزۡيٞۖ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٞ ٤١
Yā'ayyuhar-rasūlu lā yahzunkal-ladhīna yusāri'ūna fil-kufri minal-ladhīna qālū āmannā bi afwāhihim walam tu'min qulūbuhum waminal-ladhīna hādū sammā'ūna lil-kadhibi sammā'ūna liqawmin ākharīna lam ya'tūka yuharrifūnal-kalima mim ba'di mawādi'ihī yaqūlūna in ūtītum hādhā fakhudhūhu wa il lam tu'tawhu fahdharū waman yuridillāhu fitnatahū falan tamlika lahū minallāhi shay'an ulā'ikal-ladhīna lam yuridillāhu an yutahhira qulūbahum lahum fid-dunyā khizyun walahum fil-ākhirati 'adhābun 'azīm
41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan 11. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunnada sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan 12 qaata, haddiise aan la idin siinin 13, markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkii uu Alle doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Alle, kuwaasi weeye kuwa uusan Alle doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna leeyihiin Aakhirada Cadaab weyn.
Faallooyin hoose
11. Yuhuudda waa kuwo ka dhageysta been culimadooda aan la kulmin Nabiga s.c.w. ama waxay dhageystaan hadalka Nabiga s.c.w. kaddib waxay ugu gudbiyaan culimadooda iyo asxaabtooda si been ah.
12. Xukunka ay rabaan oo ah in la jeedalo kuwa zinaysta ee horey u soo guursaday.
13. Oo ay tahay in dhagax lagu dilo sida Towraadda ku taal.