وَإِذَا قَرَأۡتَ ٱلۡقُرۡءَانَ جَعَلۡنَا بَيۡنَكَ وَبَيۡنَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ حِجَابٗا مَّسۡتُورٗا ٤٥
Wa idhā qara'tal-qur'āna ja'alnā baynaka wabaynal-ladhīna lā yu'minūna bil-ākhirati hijābam mastūrā
45. Markaad akhrineyso Qur’aanka, waxaan dhignaa dhexdiinna adiga iyo kuwaan rumeysneyn Aakhirada xijaab astur ah 18.
Faallooyin hoose
18. Markay soo degtay Suuradda Tabbad Yadaa Abii Lahab. Waxay xaaskii Abuu Lahab u timid Nabiga s.c.w. uu la joogo Abuu Bakar. Markuu arkay Abuu Bakar. Wuxuu yidhi: Rasuul Allow! Tani waa naag xun, waxaana ka baqayaa inay kuu geysato waxyeello ee ka warran haddaad ka kacdo halkaan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ima arkeyso. Markaasay timid oo tidhi: Abuu Bakarow, ninkii saaxiibkaa ahaa wuxuu igu caayay gabay. Abuu Bakar wuxuu yidhi: ma gabyo. Waxay tidhi: Adiga xaggayga waxaad tahay runlow, oo iska tagtay. Waxaan idhi: Rasuul Allow! Kuma ayan arag. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Malag baa iiga asturayey labadiisa baal. W.w.Abuu Yaclaa.