Suuradda Al-Inshiqaq الإنشقاق

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتۡ ١

Idhas-samā'unshaqqat

1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).

وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ ٢

Wa adhinat lirabbihā wahuqqat

2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;

وَإِذَا ٱلۡأَرۡضُ مُدَّتۡ ٣

Wa idhal-ardu muddat

3. Marka arlada la fidiyo,

وَأَلۡقَتۡ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتۡ ٤

Wa alqat mā fīhā watakhallat

4. Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,

وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ ٥

Wa adhinat lirabbihā wahuqqat

5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo 1.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدۡحٗا فَمُلَٰقِيهِ ٦

Yā'ayyuhal-insānu innaka kādihun ilā rabbika kadhan famulāqīh

6. Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi 2.

فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ ٧

Fa ammā man ūtiya kitābahū biyamīnih

7. Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,

فَسَوۡفَ يُحَاسَبُ حِسَابٗا يَسِيرٗا ٨

Fasawfa yuhāsabu hisāban yasīrā

8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud.

وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورٗا ٩

Wayanqalibu ilā ahlihī masrūrā

9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.

وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهۡرِهِۦ ١٠

Wa ammā man ūtiya kitābahū warā'a zahrih

10. Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,

فَسَوۡفَ يَدۡعُواْ ثُبُورٗا ١١

Fasawfa yad'ū thubūrā

11. Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'.

وَيَصۡلَىٰ سَعِيرًا ١٢

Wayaslā sa'īrā

12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan.

إِنَّهُۥ كَانَ فِيٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورًا ١٣

Innahū kāna fī ahlihī masrūrā

13. Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.

إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ ١٤

Innahū zanna al lan yahūr

14. Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).

بَلَىٰٓۚ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرٗا ١٥

Balā inna rabbahū kāna bihī basīrā

15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday.

فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلشَّفَقِ ١٦

Falā uqsimu bish-shafaq

16. Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;

وَٱلَّيۡلِ وَمَا وَسَقَ ١٧

Wallayli wamā wasaq

17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;

وَٱلۡقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ ١٨

Wal-qamari idhat-tasaq

18. Iyo dayaxa markuu buuxsamo.

لَتَرۡكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٖ ١٩

Latarkabunna tabaqan 'an tabaq

19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).

فَمَا لَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ٢٠

Famā lahum lā yu'minūn

20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?

وَإِذَا قُرِئَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقُرۡءَانُ لَا يَسۡجُدُونَۤ۩ ٢١

Wa idhā quri'a 'alayhimul-qur'ānu lā yasjudūn

21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُكَذِّبُونَ ٢٢

Balil-ladhīna kafarū yukaddhibūn

22. Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa).

وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يُوعُونَ ٢٣

Wallāhu a'lamu bimā yū'ūn

23. Oo Alle waa og yahay waxay qarsan.

فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ٢٤

Fabasshirhum bi'adhābin alīm

24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونِۭ ٢٥

Illal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti lahum ajrun ghayru mamnūn

25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Inshiqaq?

Suuradda Al-Inshiqaq waxay leedahay 25 aayadood. Waa suuradda 84 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Inshiqaq ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Inshiqaq waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Inshiqaq juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Inshiqaq waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Inshiqaq?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.