لَّا يَتَّخِذِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَلَيۡسَ مِنَ ٱللَّهِ فِي شَيۡءٍ إِلَّآ أَن تَتَّقُواْ مِنۡهُمۡ تُقَىٰةٗۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفۡسَهُۥۗ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ ٢٨
Llā yattakhidhil-mu'minūnal-kāfirīna awliyā'a min dūnil-mu'minīna waman yaf'al dhālika falaysa minallāhi fī shay'in illā an tattaqū minhum tuqātan wayuhaddhirukumullāhu nafsahū wa ilallāhil-masīr
28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada 7. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa 8, xagga Alle baana lagu dambeyn.
Faallooyin hoose
7. Hadduu mu’minku ka baqo dhibaato ka soo gaarta cadow, waxaa u bannaan inuu iska yeelo inuu ku waafaqsan yahay cadowga waxay ku qasbayaan maadaama qalbigiisa iyo niyaddiisa ku lahayn wax saameyn ah, iimaankana ku xasilan yahay.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jiro axad ka qiiro badan Alle, sidaas daraadeed buu u xaaraanshay zinada, mana jiro axad ka jecel Alle in la ammaano oo loo xamdi iyo mahad naqo”.