يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلشَّهۡرِ ٱلۡحَرَامِ قِتَالٖ فِيهِۖ قُلۡ قِتَالٞ فِيهِ كَبِيرٞۚ وَصَدٌّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَكُفۡرُۢ بِهِۦ وَٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَإِخۡرَاجُ أَهۡلِهِۦ مِنۡهُ أَكۡبَرُ عِندَ ٱللَّهِۚ وَٱلۡفِتۡنَةُ أَكۡبَرُ مِنَ ٱلۡقَتۡلِۗ وَلَا يَزَالُونَ يُقَٰتِلُونَكُمۡ حَتَّىٰ يَرُدُّوكُمۡ عَن دِينِكُمۡ إِنِ ٱسۡتَطَٰعُواْۚ وَمَن يَرۡتَدِدۡ مِنكُمۡ عَن دِينِهِۦ فَيَمُتۡ وَهُوَ كَافِرٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٢١٧
Yas'alūnaka 'anish-shahril-harāmi qitālin fīhi qul qitālun fīhi kabīrun wasaddun 'an sabīlillāhi wakufru bihī wal-masjidil-harāmi wa ikhrāju ahlihī minhu akbaru 'indallāhi wal-fitnatu akbaru minal-qatli walā yazālūna yuqātilūnakum hattā yaruddūkum 'an dīnikum inistatā'ū waman yartadid minkum 'an dīnihī fayamut wahuwa kāfirun fa ulā'ika habitat a'māluhum fid-dunyā wal-ākhirati wa ulā'ika ashābun-nāri hum fīhā khālidūn
217. Waxay wax kaa weydiin bisha xurmadda gaarka ahi leh (Rajab iyo bilaha la midka ah) in la galo dagaal. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, (waxaase ka sii daran) Alle agti ka hor istaagidda dadka raacidda Jidka Alle iyo ku gaaloobiddiisa, in laga hor istaago dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, fidnadaana 63 ka daran dilka. Ma dayn doonaanna (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Qofkii idinka mid ahna ee ka riddooba diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaa weeye kuwa ay buri camalladooda adduun iyo aakhiraba, waana iyaga ehlu Naarka; wayna ku waari dhexdeeda weligood.
Faallooyin hoose
63. Fidno waxaa soo galaya macnooyinkeeda gaalnimo, khilaaf, kala tag, dagaallo sokeeye, dulmiga, caddibaadda, caddaalad darrada, isku dirka, iwm.