Suuradda Al-Baqarah, aayadda 200

2:200

فَإِذَا قَضَيۡتُم مَّنَٰسِكَكُمۡ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَذِكۡرِكُمۡ ءَابَآءَكُمۡ أَوۡ أَشَدَّ ذِكۡرٗاۗ فَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ رَبَّنَآ ءَاتِنَا فِي ٱلدُّنۡيَا وَمَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنۡ خَلَٰقٖ ٢٠٠

Fa idhā qadaytum manāsikakum fadhkurullāha kadhikrikum ābā'akum aw ashadda dhikran faminan-nāsi man yaqūlu rabbanā ātinā fid-dunyā wamā lahū fil-ākhirati min khalāq

200. Markaad dhammeysataan cibaadoo- yinkiinna, Xusa Alle sidaad u xustaan aabbayaashiin 56 ama xusid ka badan 57. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaah- da: Rabbigayow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahayn Aakhirada qaybna.

Faallooyin hoose

56.Waxaa caado u ahayd Carabta kaddib gudashada Xajka xuska awoowooyinkood, markay soo degtay Aayaddan waxaa lagu beddelay caadadan xusidda Ilaahay.

57. Waxaa loola jeedaa dikirga halkan qowlka Allaahu akbar, Subxaanallaah, Al-Xamdu Lillaah, iwm.