Suuradda Al-Anfal, aayadda 38

8:38

قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَنتَهُواْ يُغۡفَرۡ لَهُم مَّا قَدۡ سَلَفَ وَإِن يَعُودُواْ فَقَدۡ مَضَتۡ سُنَّتُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٣٨

Qul lilladhīna kafarū in yantahū yughfar lahum mā qad salafa wa in ya'ūdū faqad madat sunnatul-awwalīn

38. Ku dheh kuwa gaalooba, hadday ka haraan (gaalnimada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay 10 . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la halaagay).

Faallooyin hoose

10. Ibnu Mascuud a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nin baa wuxuu yidhi: Rasuul Allow, Miyaa naloo raacanayaa wixii aynu falnay waagii jaahiliyadda (gaalnimda)? Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofkii ay fiicnaato islaamnimadiisu oo u dhaqma Islaamka gudahiisa si suubbanaan ah, looma raacanayo wixii uu falay waagii jaahiliyadda. Qofkiina kula yimaada shirki iyo waxyaalo xun oo macaasi ah Islaamka gudahi waxaa loo raacanayaa kii hore iyo kii dambeba. (W.w. Al-Bukhaari).