وَمَا مِن دَآبَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا طَٰٓئِرٖ يَطِيرُ بِجَنَاحَيۡهِ إِلَّآ أُمَمٌ أَمۡثَالُكُمۚ مَّا فَرَّطۡنَا فِي ٱلۡكِتَٰبِ مِن شَيۡءٖۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ يُحۡشَرُونَ ٣٨
Wamā min dābbatin fil-ardi walā tā'irin yatīru bijanāhayhi illā umamun amthālukum mā farratnā fil-kitābi min shay'in thumma ilā rabbihim yuhsharūn
38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duula labadiisa baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka 1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.
Faallooyin hoose
1. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Kitaabka waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka, taasina waa in arrimaha uunka oo idil ay ku qoran yihiin Looxa Maxfuudka, qaarna waxay ku fasireen Qur’aanka oo sheegeen inay ku yaalliin aasaasyada diinta iyo suluugga iyo axkaanta iyo xikmadaha, iyo jidka lagu liibaano labada daaroodba adduunka iyo aakhirada.