Maalinta Carafo 2028

Taariikhda la filayo

Khamiis, Maayo 4, 2028

9 Dul Xijja 1449 H

Taariikhaha waxay raacaan kalandarka Umm al-Qura ee Sacuudi Carabiya. Meelaha bishu ku bilaabato markii bisha cusub lagu arko deegaanka, taariikhdu waxay noqon kartaa hal maalin ka hor ama ka dib.

Maalinta Carafo waa 9-ka Dul Xijja, marka xujaydu ku istaagaan bannaanka Carafo, oo ah tiirka ugu weyn ee Xajka. Waa maalinta ka horreysa Ciidul Adxa, waana mid ka mid ah maalmaha ugu wanaagsan sanadka.

Quraanka iyo Sunnada

Xadiis

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «ما مِنْ أيَّامٍ العمَلُ الصَّالِحُ فيها أحبُّ إلى اللهِ مِن هذه الأيام» يعني أيامَ العشر، قالوا: يا رسُولَ الله، ولا الجهادُ في سبيلِ الله؟ قال: «ولا الجهادُ في سبيلِ الله، إلا رجلٌ خَرَجَ بنفسِه ومالِه فلم يَرْجِعْ من ذلك بشيءٍ».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo ِAbihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Majiraan Maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay Maalmahan" waxaa loo jeedaa Maalaha tobanka hore ee Bisha Dul-xija, waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, ma xataa Jihaadka Diinta Ilaahay loo Jihaadayo? wuxuu yiri: xataa Jihaadka, inuu yahay mooyee nin u baxay Jihaad oo Naftiisii iyo Maalkiisiiba ku bixiyey oo aan waxba ka soo noqon".
waxaa wariyey bukhaari,Abuu daawuud,lafdiganna isagaa kuwariyey · Xadiis Saxiix ah
Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija ugu horeeya camalka saalixa ah ee la qabto uu ka fadli badan yahay camalka Maalmaha Sanadka intiisa kale. Asxaabtu Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiiyeen Jihaadka aan ahayn Maalmahan tobanka ah ma isagaa fadli badan mise camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka Bisha Dil-xija laqabto? waxa ay ogaayeen inuu Jihaadku camalka u fadliga badan yahay. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ugu jawaabay in camalka saalixa ee Maalmaha tobanka Dil-xija laqabto ka fadli badan yahay Jihaadka oo la Jihaado waqti aan tobankan dhexdeeda ahayn, ilaa nin u baxay Jihaad oo u huray Naftiisa iyo Maalkiisa waqti Jihaad jiray, sidaana ku waayey Naftiisiii iyo Maalkiisiiba. Waa kaas kan ka fadliga badan camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka ah.

Ka akhri HadeethEnc.com

Sidoo kale eeg

Sanado kale

Munaasabado kale

Su'aalo

Waa goorma Maalinta Carafo 2028?

Maalinta Carafo 2028 waxaa la filayaa Khamiis, Maayo 4, 2028, oo ah 9 Dul Xijja 1449 H kalandarka Umm al-Qura.

Taariikhda Maalinta Carafo ma la xaqiijiyay?

Maya, ilaa bisha cusub la arko. Dalal badan waxay ku dhawaaqaan bilowga bisha fiidka ka horreeya, sidaa darteed taariikhdu waxay isbeddeli kartaa hal maalin.

Xujaydu ma soomaan Maalinta Carafo?

Maya. Soonku waa kuwa aan Xajka ku jirin. Nabiga ﷺ ma soomin Maalinta Carafo xajkiisii.