Rabbir-hamhuma

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

۞ وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّآ إِيَّاهُ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنًاۚ إِمَّا يَبۡلُغَنَّ عِندَكَ ٱلۡكِبَرَ أَحَدُهُمَآ أَوۡ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَآ أُفّٖ وَلَا تَنۡهَرۡهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوۡلٗا كَرِيمٗا ٢٣

Waqadā rabbuka allā ta'budū illā iyyāhu wabil-wālidayni ihsānan immā yablughanna 'indakal-kibara ahaduhumā aw kilāhumā falā taqul lahumā uffin walā tanharhumā waqul lahumā qawlan karīmā

23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darro ah haba ahaatee “uf” 11, hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.

Faallooyin hoose

11: Waxaa la isu diiday in lagu yidhaahdo waalidka : "Uf aan la maqleyn ” marka wixii ka sii weyn oo qowl ama ficil ah ka daran oo ka denbi weyn, mana bannaana. Bal wuxuu Alle amray in la xurmeeyo oo la xaq dhowro oo si fiican loo xiriiriyo oo la wanaajiyo oo loogu adeego si farxad iyo laab furni leh. Uf waa muujin diiddo ama nac.

وَٱخۡفِضۡ لَهُمَا جَنَاحَ ٱلذُّلِّ مِنَ ٱلرَّحۡمَةِ وَقُل رَّبِّ ٱرۡحَمۡهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرٗا ٢٤

Wakhfid lahumā janāhadh-dhulli minar-rahmati waqur rabbirhamhumā kamā rabbayānī saghīrā

24. U raarici ( waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Akhri Suuradda Al-Isra oo dhan

Su'aalo

Rabbir-hamhuma Qur'aanka xagee kaga jirtaa?

Rabbir-hamhuma waxay ku jirtaa Suuradda Al-Isra, 17:23-24.